Magaalo Soomaaliyeed oo ku caan baxday amaan xumo oo hadda nabad fiican ay ka jirto.

Sawir hore/ barasaabka ismaamulka Mandheera

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Sawir hore/ barasaabka ismaamulka Mandheera

Magaalada Rhamo oo ka tirsan ismaamulka deegaanka Mandheera ee dalka Kenya, ayaa waxa lagu qabtay xaflad lagu maamuusayo muddo saddex sanadood ah oo ay nabadgelyo buuxda ka jirtay halkaas.

Magaaladan oo ay markii hore muddo dheer ku diriri jireen laba beelood oo halkaa wada dega ayaa soo jiidatay shacabka, magaalooyinka dariska la ah iyo maamulkaba waxaana loo riyaaqay sida ay u noqotay meel xasilloon, wada shaqaynta iyo walaaltinimada dadkeedana ay isugu soo dhawaatay.

Dagaaladdii Intii colaaddu ka taagnayd degaanka waxa ku dhintay boqolaal qof dad badanina way ku barakeceen. Xafladdaa loogu dabaal degayey nabadda ee mudada laga shaqaynayey ayaa waxa ka qayb galay wufuud dhaqameed ka socday magaalooyinka Beled Xaawo ee Soomaaliya iyo Doolow Itoobaya. Waxa kale oo iyaguna ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Kenya

"Magaalada Rhamu waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyey beelaha walaalaha ee wada dega oo qaatay muddo dheer, Saddex sano iyo bar waxaa hadda magaalada ka jiray ammni iyo xasillooni, maadaama aan mar walba u ordi jirnay ammaan raadis xilliga ay dhibaatooyinka dhici jireen, hadda waxay nagu noqotay arrin aad muhiim u ah inaan shacab ahaan iyo mas'uuliyiin ahaanba u dabaaldagno amminiga dadka u sahlay inay si fiican isku dhexgelaan" ayuu Barasaabka magaalada Manadera u sheegay weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soo Dhacay.

Qoraalka Codka, Labo cirroole oo isku calmaday Mandheera
Qoraalka Codka, Xaaladda xuquuqda aadanaha ee Mandera
.

Xigashada Sawirka, facebook

Barasaabka ayaa sidoo kale ka hadlay waxa fududeeyay in labadan beelood oo ay dhexmartay dhibaato badan ay go'aansadaan inay nabad ku wada noolaadan, wuxuuna yiri: "Dadaal badan ayaan gelinnay, shacabkana aad ayey noogala qeyb qaateen, dhammaan dadweynaha aad ayey u soo dhaweeyen nabada ay maamulka Mandhera u keeneen."