Maxaa sacuudiga ka qabsaday ciyaartii kowaad ee koobka adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaartii ugu horeesay ee lagu furay ciyaaraha kooobka adduunka oo dhexmartay dalalka Ruushka iyo Sacuudiga ayaa kusoo dhamaatay ceeb, kadib markii xulka qaranka ee dalka Sacuudiga ay garoonka kala soo baxeen natiijo aan la maleysan karin.
Xulka qaranka ee dalka Ruushka oo iyagu marti gelinaya ciyaaraha ayaa waxaa ay shan gool iyo eber kaga adkaadeen xulkkii matalayay dalka Sacuudiga.
Ciyaarta oo dad badani ay filayeen inay noqon doonta mid faraha la isaga gubta ayaa gelin hore ee ciyaarta waxaa ay kusoo idlaatay min laba gool iyo waxba, waxaana ku gacan sareeyay Ruushka oo waxaa labada gool uu kala dhaliyay Yuri Gazinskiy iyo Denis Cheryshev.
Hasayeshee gelinka dambe ee ciyaarta oo dad badani ay ku rajo weynayeen in wax un iska bedeli doonaan ayaa saddex gool oo kale loogu daray Sacuudi Carabiya, taasi oo ciyaarta ka dhigtay mid rajo beel ah.
Ciyaartan oo aheyd tii ugu horeesay ayaa waxaa daawanayay madaxweynaha dalka Ruushka, Vladmir Putin iyo dhaxal sugaha dalka Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.






