Tirada caruurta aan iskuulada dhigan oo sii kordheysa dalka Afgaanistaan

Qaar ka mid ah caruurta Afgaanistan oo iskuulada ku noqday
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah caruurta Afgaanistan oo iskuulada ku noqday

Boqolkiiba 44% caruurta Afganistan ayaanan aadin iskuulada si ay waxbarasho u helaan.

Waa arrin laga murugooda oo ka dhacaday waddan isku taxluujinayay in uu sare u qaado waxbarashada, gaar ahaanna gabdhaha kadib markii waddanka laga saaray ururka Taliban.

Hay'adda waxbarashada iyo dhallaanka u qaabilsan Qamarada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegeysa in gobollada qaarkood, ilaa boqolkiiba 85 gabdhaha aysan dhigan Iskuulada.

Sababaha ugu badan ee aysan gabdhahu u dhigan iskuulada ayaa lagu sheegay guurka la guursada gabdhaha iyaga oo da' yar iyo agabka wax barasho ee dalkaasi oo aan lahayn tayo wanaagsan.

Sidoo kale waxaa lagu sababayn karaa amni darrada ka jirta gobolada qaar ee dalkaasi Afgaanistaan.

Afhayeen u hadashay hay'adda waxbarashada iyo dhalllaanka ee UNICEF ayaa dowladda Afganistan ku boorisay in ay sugto aminga caruurta iyo iskuulada iyo in sidoo kale ay sii laba jibaarto dadaalkooda ku aadan waxbarashada si ay carurta u helaan fursado fiican.