Israa'iil oo duqeysay 2 goobood oo marinka Qaza ku yaalla

Diyaradaha dagaalka ee Iraa'iil
Qoraalka sawirka, Diyaradaha dagaalka ee Iraa'iil

Diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Qaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa'iil.

Ciidamda Israa'iil waxay sheegeen in laba gantaal lagaga soo ganay dhinaca marinka Qaza. Mid kamid ah ay qabtaan ka kalana uu ku dhacay meel aan loogu talagalin.

Ma jirto weli cid ka mid ah Kooxaha hubeysan ee ku sugan Qaza oo sheegtay iney ka dambeysay weerarka gantaalladaasi.

Saacado kaddib, qaar ka mid ah dad deggan Qaza ayaa wxay sheegeen iney diyaaradaha Isra'iil duqeyn u geysteen xero ciidan lagu tababaro oo uu leeyahay ururka Xamaas.

Afhayeenka u hadlo ciidamada Israa'iil ayaa ka gaabsaday inuu duqeyntaasi wax ka yidhahdo.

Labada dhanba lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqeynta diyaaradaha iyo gantaallada la soo riday midkoodna.

Kalkaaliso caafimaad oo ay jimcihi Qaza ku toogteen ciidmada Isra'iil
Qoraalka sawirka, Kalkaaliso caafimaad oo ay jimcihi Qaza ku toogteen ciidmada Isra'iil

Sabtida shalay ahayd kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qayb galay aaska kalkaaliso caafimaad oo tabarruc ku shaqeyneysay oo ay Jimcihi ciidamada Israa'iil ku toogteen Qaza.