Zimbabwe oo dib ugu soo laabatay dalalka ku bahoobay ururka barwaaqo sooranka

.

Xigashada Sawirka, AFP

Dawladda Britain ayaa sheegtay in ay si weyn usoo dhawaynayso in dalka Zimbabwe uu dib ugu soo laabto dalalka ku bahoobay ururka barwaaqo sooranka.

Zimbabwe ayaa isaga baxday ururkaan sanadkii 2003, kadib markii, madaxwenihii hore Robert Mugabe, lagu dhaliilay doorashooyinkii lagu murmay iyo beeraley caddaan ah oo dhul laga qaaday.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa ammaanay wax uu ugu yeeray "hormar la yaableh" kaas oo la sameeyey tan markii madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu xukunka qabtay bishii November ee sanadkii hore.

Qoraalka Codka, Faallo: Geerida hogaamiyihii mucaaradka Zimbabwe

Mr Johnson ayaa ka hadlayey kulan madaxeedka hoggaamiyeyaasha ku midaysan ururka barwaaqo sooran-ka ee ka dhacay koonfur bari England.

Wax go'aan ah Laga qaadan mayo dib usoo noqoshada Zimbabwe tan iyo inta laga gaarayo kulan madaxeedka xiga ee barwaaqo sooranka sanadka 2020.