Suuriya iyo Turkiga oo isku maandhaafsan dagaalka xuduuda labada dal

Xigashada Sawirka, AFP
Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in xoogaga taabacsan dowladda Suuriya ay ka hortagi doonaan dagaalka dowladda Turkga ay ka wado waqooyiga Suuriya
Arrinkan ayaa imanaysa ka dib markii ay xoogaga Kurdiyiinta Suuriya sheegeen in xukuumada Dimishiq ay isla ogolaadeen in halkaasi ciidamo loo diro.
Dowladda Turkiga ayaa xuduuda gobolka Afrin dagaalo ka bilowday bishii la soo dhaafay ee sanadkan
Madaxweynaha Turkiga oo arrinkan kala hadlay dowladda Ruushka ayaa sheegay in Dimishiq ay cawaaqib xun kala kulmi doonto haddii ay Kurdiyiinta heshiis la gallaan
Dhinaca kale xoogaga dowladda Suuriya taageersan ayaa lagu soo waramayaa inay u diyaargaroobayaan dagaal dhulka ah oo ay ku qaadaan Bariga magaaladda Ghouta oo duleedka caasimada Dimishiq ku taalla
Ololeeyayaasha Suuriya ayaa sheegaya in tirro dad ah lagu dilay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay weeraro ay dowladdu halkaasi ku qaaday.
Weeraradan ayaa la sheegayaa inay ahaayeen kuwo si aad ah loogu dhamaaday tan iyo intii dowladda Suuriya ay bilowday dagaalka ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deeganadaasi
Sarkaal Kurdiyiinta u hadlay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada dowlada Suuriya la gaynayo goobo xuduuda ku yaalla
Haddii heshiiskani uu dhaco waxaa ciidanka dowladda Turkiga ay wajahayaan dagaal ku wajahan xoogaga Kurdiyiinta iyo ciidanka dowladda Suuriya
Turkiga waxa uu doonayaa inuu meesha ka saaro jabhada loo yaqaano YPG oo ah garabka hubaysan ee ururka Kurdiyiinta ee PYD
Dowladda Turkiga waxaa sidoo kale ay jabhadani u aragtaa qayb ka mid ah kooxda PKK ee gooni u goosadka doonaysa mudo sodon sano ka badan
Balse jabhada YPG ayaa sheegtay inaysan wax xiriir meleteri iyo mid siyaasadeedba aysan la lahayn kooxda PKK










