30 rayid ah oo lagu dilay DR Congo

Xigashada Sawirka, AFP
Mas'uuliyiinta dalka Democratic Republic ee Congo waxay sheegeen in ugu yaraan 30 qof oo rayid ah lagu dilay weerar lagu qaaday tuulo, oo ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan qolo la yiraa Nande.
Dhimashada badankeeda oo ka dhacday gobolka woqooyiga Kivu waxay ahaayeen dad Hutu ah, oo muddo dheer ay colaadi kala dhexaysay qowmiyadda Nande. Qaar badan waxaa lagu dilay faashash.
Bariga Congo, oo qani ku ah macdanta, ayaa waxaa badanaaba saameeya dagaallo, ay inta badan qaadaan maleeshooyin qowmiyado kala duwan.
Sanadkii hore, ciidammada dalka Congo waxay duullaan ku qaadeen kooxo hubaysan oo Hutu ah, oo qaarkood ay dalka baxsadeen kaddib xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sanadkii 1994.






