Dhaqaalaha dalka UK oo hoos u dhacay

Dhaqaalaha ayaa hubaal la'aan galay
Qoraalka sawirka, Dhaqaalaha ayaa hubaal la'aan galay

Tilmaame muhiim u ah dhaqaalaha Britain ayaa lagu ogaaday in uu jiro hoos u dhac dhaqaale tan iyo markii dadka dalkaasi ay u codeeyeen in ay ka baxayaan midowga Yurub.

Tilmaamaha oo lagu magacaabo The Markit Purchasing manager's index, kaas oo ah mid lagu cabiro jawiga warshadaha iyo qeybaha adeegyada bixiya, ayaa lagu sheegay in dhaqaaluhu uu hoos u dhacay uuna gaaray heerkii ugu darnaa tan iyo sanadkii 2009-kii.

Heerka hoos u dhacan ayaa muujinaya in dhaqaalaha Britain uu liici doono boqolkiiba dhibic afar, saddexda bilood ee sanadka ugu dambeysa.

Madaxa hay'adda lacagta adduunka Christine Lagarde, oo ka hadlaysay kullanka dalalka dhaqaalaha ugu wanaagsan caalamka ee G20 ee ka socda Shiinaha, ayaa ku baaqday in la soo afjaro hubaal la'aanta ku xeeran ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.

Midawga Yurub ayaa sidoo kale horay u sheegay in ay rabaan in sida uga dhakhsaha badan looga gudbo xiliga hubaal la'aanta ah.