Eeyda lagu qasho Shiinaha oo laga cabanayo

Xigashada Sawirka, AP
Kooxaha u ololeeya xuquuqda xayawaanka ayaa dowladda Shiinaha u gudbiyay codsi ay 11 milyan oo qof saxiixeen, kaasoo lagu doonayo in lagu soo afjaro munasaabadda sanadlaha ah ee ay dadka ku nool magaalo ku taalla dalkaasi ay ku cunaan hilibka eyga.
Kooxaha u ololeeya xuuquuqda xayaawaanka ayaa doonaya in meesha laga saaro munaasabad sanadla ah oo ka dhacda magaalada Yulin ee koonfurta Shiinaha.
Munaasabadda ayaa dhici doonta 21-ka bishan June.
24 qof oo u ololeeya xuquuqda xayawaanka, isla markaana wata eeyo, ayaa codsiga u gudbiyay wakiilka magaalada Yulin u fadhiya caasimadda Beijing.
Waxa ay sidoo kale siteen boorar ay ku sawiran yihiin eeyo, laguna qoray “ma ihi cuntadaada.”
Sida uu qoray wargeyska Washington Post, in ka badan 30 milyan oo eey ayaa sanad kasta lagu qashaa qaaradda Aasiya, waxaan saddex meelood meel hilibka eydaasi lagu cunaa dalka Shiinaha.
Dadka taageersan munaasabadda Yuli ayaa ku doodaya in hilibka eeyga uu u wanaagsan yahay dadka, isla markaana aanu waxba ka duwaneyn hilibka xayawaanka kale.






