S Sudan: Wadahadal toos ah oo billawday

Dhinacyada ku dagaallamaya South Sudan ayaa markii ugu horreysy yeeshay wadahadal toos ah magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waxay ka doodayaan in xabadjoojin laga gaaro dagaalka toddobaadkii afaraad galay ee ka socda dalkaas.
Goor sii horreysay, madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashir ayaa gaaray magalada Juba ee caasimadda South Sudan si uu wadahadal ula yeesho dhigiisa Salva Kiir Mayardit.
Sudan ayaa ka walwalsan dagaalka ka socda South Sudan, iyadoo dagaalladu socdaan.
Dagaal xoogan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Bor, caasimadda gobolka Jonglei ee istaraatiijiga ah.
Ciidamada dowladda ee isku dayayo in ay la wareegaan gacan ku haynta magaaladaasi ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday, waxaana halkaasi looga dilay Jeneraalkii hoggaaminayay.

Magaalada Bor ayaa waxaa gacanta ku haya fallaagada taabacsan Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Riyek Machar.

Dagaalka ka socda South Sudan ayaa waxaa barbar socda dadaallo nabadeed oo gaabis ah kuwaasi oo ka socda caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa muuqato in dhinac kasta uu isku dayayo in dhul dheeraad ah qabsado ka hor inta aysan xabad joojin dhicin.










