Somaliland oo BBC uga warrantay waxay Davos ka hayso, iyo Eric Trump wixii ay ka wada hadleen.

Madaxweyne Cirro iyo Eric Trump

Xigashada Sawirka, Somaliland TV

    • Author, Abdirahman Dhimbil
    • Role, Wariye BBC

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulammo heer sare ah ku yeeshay magaalada Davos ee dalka Switzerland, kuwaas oo ka dhacay dhinacyada Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, iyadoo dadaalladu diiradda saarayeen xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye.

Kulammadan oo ay ka mid ahaayeen wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog iyo Eric Trump — oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana ah madaxweyne ku-xigeenka fulinta ee shirkadda Trump Organization — ayaa ka dhacay casho gaar ah oo ay ka qayb galeen siyaasiin sar-sare iyo ganacsato caalami ah.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in kulammadu diiradda saareen iskaashi dhaqaale, fursado maalgashi iyo doorka istaraatiijiyadeed ee gobolka ee marinnada ganacsiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Madaxweynaha Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyay in dalku u furan yahay maalgashi, isaga oo si gaar ah u muujiyay dekedda biyaha-dheer ee Berbera, taas oo loo arko xarun mustaqbalka muhiim u noqon karta saadka, ganacsiga iyo kaabeyaasha tamarta.

La-taliyaha sare ee Dhaqaalaha ee Madaxweyne Cirro Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaan BBC-da u xaqiijiyey in ay Eric Trump ka wada hadlan dhanka fursadaha ganacsi ee Somaliland, isaga oo sheegay in uu danayn muujiyey.

Waxaan u sharraxnay Somaliland iyo khayraadkeeda, isaguna waxa uu muujiyay xiise uu u qabo Somaliland iyo fursadaha ay leedahay. Arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii maalgeliyeyaal caalami ah loogu soo jiidi lahaa dhinacyada xoolaha nool iyo beeraha, si aan u warshadaynno una dhoofinno suuqyada caalamka. Dhanka kale, hoggaamiyeyaal kale oo dunida ah ayaannu la wadaagnay khayraadkeenna dabiiciga ah sida gaaska iyo macdanaha." Ayuu BBC-da u sheegay Dr Bayle.

Dhanka kale Dr Cabdiraxmaan Bayle, ayaa BBC-da u sheegay in hab-fekerka dawladdu is beddelay.

"Markii ugu horreysay, dunida kama codsanayno gargaar," ayuu yidhi. "Waxaan u soo bandhigaynaa khayraadkeenna. Shacabkeenna waa dad u furan iskaashi, maalgashi iyo koboc wadaag ah."

Eric Trump ayaa ka hor cashada ka qayb-galay kulan kale oo gaar ah oo ay martigelisay isla madasha Davos Lodge, kaas oo cinwaankiisu ahaa Isbeddellada Caalamiga ah iyo Fursadaha Suuqyada Horumaray.

Inkasta oo uusan ahayn mas'uul dowladeed, Eric Trump waa Madaxweyne Ku-xigeenka Fulinta ee ururka qoyska Trump, isla markaana madaxweynaha Mareykanka waxyaabo badan kala taliya.

Laakiin yaa kale oo goobta joogay?

Wajiga ay BBC Somali ka aqoonsatay casha sharafeedkii Cirro sawiraanteeda faafiyay.

Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cirro, Naqshadeynta: BBC

Qoraalka sawirka, Wajiga ay BBC Somali ka aqoonsatay casha sharafeedkii Cirro sawiraanteeda faafiyay.

Liiska buuxa ee martida si rasmi ah looma shaacin. Kulanku wuxuu ahaa mid martiqaad kaliya lagu galayay, oo qabanqaabiyeyaasha ayaa dad gaar ah casuumayay kuwaas oo aysan shaacin.

Laakiin BBC Somali ayaa gaarkeeda u fiirisay sawirrada uu Madaxweyne Cirro la wadaagay bulshada, waxaana ka aqoonsanay magacyo waaweyn oo cashada joogay, anagoo kaashaynaa, xogta khadka ku jirta, aaladaha aqoonsi wajiyeedka iyo keydka munaasabada oo qeyb kamid ah martidu cinwaanadooda gaarka ah soo galiyeen.

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya ee aanu xaqiijinay waxaa ka mid ahaa Nir Barkat, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee Israel. Waa xubin ka tirsan golaha wasiirrada, horeyna u soo noqday duqa magaalada Qudus, isaga oo door muhiim ah ka ciyaara diblomaasiyadda dhaqaale ee Israel iyo xiriirka ay la leedahay maalgashadayaasha caalamiga ah.