Boqor Buur-Madow oo lagu xiray Hargeysa

Boqor Buur Madow waxa uu ka mid yahay odoyaasha dhaqanka ee Somaliland

Xigashada Sawirka, BBC World Service

Qoraalka sawirka, Boqor Buur Madow waxa uu ka mid yahay odoyaasha dhaqanka ee Somaliland

Boqor Cismaan aw Maxamuud BUUR-MADOW oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland ayaa maanta ciidaanka Boliiska Somaliland ka qabteen gegida dayuuradaha ee magaalada Hargeysa.

Boqor buur madow wuxuu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, waxaana soo dhoweyntiisa ku sugaayay gegida dayuuradaha salaadiin iyo dadweyne kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha ahna ku simaha wasiirka Cismaan Garaad Soofe ayaa BBC u sheegay in Boqor Buur madow lagu xiray isagoo dibedda ka waday ayuu yiri falal iyo dacaayado khalkhal gelinaya nabadgelyada kana soo horjeeda qaranimada Somaliland. faahfaahin kale ma bixin wasiir xigeenku.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo u hadlay salaadiinta soo dhoweyneysay Boqor Buur Madow ayaa isna sheegay inay cambaareynayaan xarigaasi.

Boqor Cismaan Aw maxamuud Buur Madow oo hadda ku xiran xarunta ciidanka CID ee Boliis ee hargeysa oo mudooyinkii danbe ku noolaa dalka imaaraadka carabta.