Qabow iyo baraf saameeyay Yurub

Barafka ayaa xiray inta badan jidadka qaaradda Yurub

Xigashada Sawirka, BBC World Service

Qoraalka sawirka, Barafka ayaa xiray inta badan jidadka qaaradda Yurub

Baraf iyo cimilo qabow oo saa'id ah ayaa waxyeelo u geystay socaalka gaadiidka hawada iyo dhulka ee guud ahaan qaaradda Yurub.

Waxaa la baajiyey diyaaradihii waxaana la xiray waddooyinka.

Magaalada Amastadam, diyaaradaha aya la joojiyey garoonka Schiphol, halka magaaladatan London la joojiyey boqolkiiba 30 diyaaradihii ku soo degi lahaa garoonka Heathrow.

Dalka Talyaaniga in ka badan 100 kun oo qof ayaa waxa ku dhacday koronto la'aan.