15 sano oo dagaal ah ka dib, Alshabaab xal aan dirir ahayn ma lagu deyi karaa?

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinta ay soo saartay hay'adda xasaradaha caalamka ee loo soo gaabiyo ICG ayaa faahfaahin ka bixinaysa dhibaatooyiinka ka dhashay dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabab, xilli dhanka kalena ay ku talisay haayaddani in wakti xaadirkan ay lagama maarmaan tahay in Al-Shabab lagu dayo wadahadal.
Dagaalka daba dheeraaday ayay warbixintu sheegtay in uu galaaftay nolsaha dad badan islamarkana uu minja xaabinayo dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale ICG ay dowladda Soomaaliya kula talinaysa bal in waddooyiin kale loo maro hogaamiyayaasha Al-shabab si loo tijaabiyo suuragalnimada wadaxaajood lala galo.
ICG ayaa madaxwaynaha cusub ee Soomalaiya Xassan Sh Maxamuud ku boorisay bal in uu markan tijaabiyo wadaxaajood lala galo Alshaabab.
Warbixinta ay soo saartay hay'adda xasaradaha caalamiga ah ee loo soo gaabiyo ICG aya lagu xusay in ay jirto dood gudaha iyo dibadaba ah oo isa soo taraysa taasi oo ku saabsan in Alshabab militari ahaan oo kali ah aanay suurgal ahayn in lagaga adkaadaa.
Waxaa ay sidoo kale haayaddani farta ku fiiqday in Marna aysan jiri doonin waqti ku habboon oo Al-Shabab wadaxaajood lala galo, balse ay macno badan sameynayso in la isku dayo hadda intii la sugi lahaa waqti dheer, haddaba hore laga bilaabo.
Hay'dda ayaa sheegtay in madaxwayne Xasan Sh Maxamuud markii uu xilka u tartamayay uu ballan qaaday inuu dib u heshiisiin dhex dhigi doono Soomaalida gudaheeda.
ICG ayaa xustay in su'aasha la is waydiin karo ay tahay in nabadaasi laga qeyb galiyo ama la gaarsiiyo kooxda Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in uu dagaal adag la gali doono Al-shabab oo uu jilcin doono ka hor inta aan laga fikirin in wadahadal lala galo.
Dagaalyahannada Al-shabab ayaa magaalada Muqdisho laga saaray sanaddii 2010, balse waxa ay wali kooxda awood ay u leeyihiin in ay weeraro ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyiin kale.
Hogaanka kooxda ayaa horey u cadeeyay in aysan wax wadahadal ah la gali doonin dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, VS
Ma cada waxa uu baaqyada soo baxaya ee ah in la wadahadlo ay ka badali karaan mowqifkii ay labada dhinac kala taagnaayeen.
Maxaa cusub hadda?
Falalka halista ah ee Al-Shabaab ayaa weli socda iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dhammaan doono. Kooxdu ayay dadka falanqeeyaa sheegaan in mar kasta ay tallaabo ka horrayso qorshaha ay maaggan yihiin ka hor inta aanay fulin hawlgallada ciidamada maxalliga ah iyo kuwa gobolka ee nabad ilaalinta u joogaba.
Marka lagu daro awood darro iyo gacan ku hayn la'aanta dalka ee cidda ka soo horjeedda, firfircoonida dagaalyahannada ayaa u ogolaatay kooxda inay dhexgalaan bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan. Taas oo dadka u dhuun daloola ay sheegaan in ay tahay waxa adkaynaya in laga adkaado.
Haddiiba la damco in lala hadlo, Alshabaab diyaar ma tahay dhankeeda?
Su'aashan ayaa ah midda dad badan ay isweydiinayaan, waayo wadahadalladu kuma xidhna keliya hal dhinac waxaana ay ku iman karaan haddii dhinaca lala hadlayaa ku qanacsan yahay in uu qayb ka noqdo qorshahaas. Haddaba kooxdu dhawr jeer ayaa ay si shaacsane ah u diidday in ay wadahadal galaan, iyaga oo ku tilmaamay falkaas mid lagu kala qaybinayo kooxda.
Warbixintan cusub ayaa se ku doodaysa in qaar ka mid ah madaxdu ay oggol yihiin wadahadal, inkasta oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin.
"Hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shaqsiyaadka ka tirsan kooxda oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxda sare ay muujinayaan in laga yaabo inay ka fikiraan wadahadalk ay la galaan dowladda Soomaaliya" ayaa lagu sheegay warbixinta ICG.
Waxa ugu weyn ee hor taagan wadahadallada labada dhinac ayaa ah in aanay labada dhinac is aaminsanayn, oo qolaba qolada kale aysan rumaysan karin.
Muxuu yahay qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud?
Dad badan waxay iswaydiinayaan waxa uu noqon karo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud wax uga beddeli karto xaaladda amni ee Soomaaliya.
Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ah taliyihii hore ee ciidanka Danab ee uu Mareykanku tababaray, ayaa yiri: "Si looga guulaysto Al-Shabaab waa inay dowladdu uga adkaato tartanka dhinaca bixinta adeegga shacabka."
Al-Shabaab madaxdooda waxay ku doodaan inay ujeeddadoodu tahay sidii ay dalka ugu soo rogi lahaayeen xukunka shareecada Islaamiga ah.
Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muxuu dhankiisa doonayaa?
"Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin," ayuu yiri.
Hase yeeshee, dadka qaar waxay aaminsan yihiin in xalka waari kara uu yahay oo kaliya mid ku yimaada dhinaca wadaxaajoodka, oo ah in wadahadal lala galo Al-Shabaab.
Markii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xoogga saarayay in xubnaha Al-Shabaab lagu soo jiito in cafis loo fidiyo. Hadda waxa uu qirtay in dagaalku uu kusoo dhammaan karo miiska wadahadalka, laakiin taas aan wali la gaarin.
Madaxweynaha ayaa doonaya in la billaabo dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Ololihii dagaal ee ugu dambeeyay ee lala galo kooxdaas waxa uu dhacay sanadkii 2019-kii, xilligaas oo ay dalka ka arriminaysay dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo.
Dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Xasan Sheekh ayaa markan isku dayi doonta in Al-Shabaab lagu riixo dhinaca miyiga, kaddibna, sida uu qorshuhu yahay, ay billaaban karaa wadaxaajoodyada.
Lamase oga muddada ay qaadan karto inay taas hirgasho. Kooxda kasoo horjeedda dowladda ayaa haysata ciidan iyo qalab militeri, marar badanna waxay weerarro ku ekeysay saldhigyada ciidamada awoodda badan ee Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka.
Taas waxaa sii dheer in hoggaanka Al-Shabaab ay horay marar kala duwan ugu gacan sayreen inay wada-xaajood la galaan dowladda, iyagoo shuruud uga dhigayay in marka ugu horraysa ciidamada ajaanibta ah laga saaro Soomaaliya.











