Hindiya iyo dalalka Muslimka: Caro ka dhalatay markii la aflagaadeeyay Nebi Muxamed NNKH

Maxamed Bin Salman iyo Narendra Modi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hindiya ayaa lagu qasbay in ay u caddeyso saaxiibbadeeda caalamka Islaamka mowqifkeeda. Tallaabadan ayaa yimid markii ay sii korortay carada ka dhalatay hadallo muran badan dhaliyay oo labo xubnood oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalkaas ay ka sheegeen Nebi Muxamed NNKH.

Nupur Sharma, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa hadalkan ka sheegay dood telefishin, halka Naveen Jindal, oo ah madaxa warbaahinta ee xisbiga Delhi, uu soo dhigay bartiisa twitter-ka arrintan.

Faallooyinkaas - gaar ahaan tan Sharma - waxa ay ka caraysiisay bulshada Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee dalkaas, taasoo keentay mudaaharaadyo goosgoos ah oo ka dhacay gobollada qaar.

Labadan masuul ayaa raalligelin guud ka bixiyay, waxaana xisbigu uu shaqadii ka joojiyay Sharma, iyadoo xisbiga laga saaray Jindal.

"Xisbiga BJP wuxuu si adag u cambaaraynayaa aflagaaddada loo gaysto qof kasta iyo diin kasta. BJP wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa fikrad kasta oo lagu aflagaadeynayo ama hoos u dhigaysa koox ama diin. BJP ma dhiirrigelinayo dadkaas ama falsafaddaas," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xisbiga.

Carada Dunida Muslimka

Laakiin, khubarada ayaa sheegaya in laga yaabo in tallaabadaas ay ku filnaan weyso, maaddaama arrinta oo markii hore ku ekeyd gudaha dalkaas ay weji caalami ah yeelatay. Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii shalay ahayd u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas Isniinta maanta ah.

Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne.

"In la oggolaado in hadallada Islaam nacaybka ah ay sii socdaan ciqaab-la'aan, waxay ka dhigan tahay halis weyn oo ku wajahan ilaalinta xuquuqul-insaanka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo nacayb iyo takoor hor leh, taas oo abuuri doonta colaad iyo nacayb hor leh," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar.

Sacuudiga ayaa sidoo kale falkaan ka muujiya caro adag. "Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cambaareysay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hindiya, ee lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna mar kale xaqiijinaysaa diidmada joogtada ah ee nacaybka ka dhanka ah ee diinta Islaamka," ayaa lagu yiri.

Nupur Sharma

Xigashada Sawirka, NUPUR SHARMA/TWITTER

Qoraalka sawirka, Nupur Sharma

Safiirka India u fadhiya Qadar, Deepak Mittal, ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeraya qaar ka tirsan 'dadka nacaybka ku xeeldheer' aysan matalin aragtida dowladda Hindiya. Hoggaamiyeyaasha sare ee BJP iyo safiirrada kale ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalka muranka dhaliyay.

Balse, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga yaabo in hogaanka sare ee xisbiga iyo xukuumaddu ay ku qasban yihiin inay si cad uga hadlaan arrintan. "Haddii aan sidaas la yeelin," ayay yiraahdeen, "waxaa halis ah in ay dhaawacdo xiriirka Hindiya ay la leedahay dalalkan."

Ganacsiga Hindiya iyo dalalka Muslimka

Ganacsiga Hindiya iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ay ku jiraan Kuwayd, Qadar, Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Cumaan iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu gaaray 87 bilyan oo doollar sanadihii 2020-21. Malaayiin Hindi ah ayaa ku nool oo ka shaqeysta dalalkan, waxayna malaayiin doollar ku diraan xawaaladaha dalkooda.

Raysul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2014-kii booqasho joogto ah ku tagayay gobolka. Dalku wuxuu horay heshiis ganacsi oo xor ah ula saxiixday Imaaraadka, waxaana uu wadahadallo kula jiraa Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) si uu heshiis ballaaran ula saxiixdo.

Modi, waxa uu ka qaybgalay xafladdii dhagax-dhigga macbadkii ugu horreeyay ee Hinduuga ee Abu Dhabi sanadkii 2018, waxaana lagu tilmaamay inay tusaale u tahay xiriirka sii kordhaya ee Hindiya iyo gobolka.

Inkastoo xiriirka Delhi iyo Tehran uu ahaa mid diirran dhowrkii sano ee la soo dhaafay, haddana waxaa laga cabsi qabaa in arrintan ay saameyn ku yeelato booqasho wasiirka arrimaha dibadda Iran, Xuseen Caamir uu Hindiya ku tagi lahaa.

Xiriirka ganacsiga ee u dhaxeeya Hindiya iyo dalalka Muslimka oo sare u kacay 2020 - 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waddamada Carabta ayaa sidoo kale doonaya inay qaadaan tallaabo la taaban karo si ay u qaboojiyaan carada ka dhex jirta dadkooda. Ololaha lagu dhaleeceenayo Hindiya ayaa ku soo badanayay dalalkan, dhacdadan ayaana noqotay sheekada ugu sarreysa ee warbaahintooda.

Ololeyaasha qaar ayaa lagu soo jeediyay in la qaaddaco badeecadaha Hindiya. Waxaa sidoo kale jira warbixinno sheegaya in qaar ka tirsan dukaamada Qadar iyo Kuweyd ay dejiyaan badeecadaha lagu soo farsameeyay Hindiya ee qaanadaha u saaran.