Khatar cusub: Ma dhici kartaa in Ruushka uu ku duulo dalka Finland?

Xigashada Sawirka, Reuters
Ruushka ayaa sheegay inuu ku qasbanaan doono inuu qaado "tallaabooyin aargoosi ah", haddii dalka deriska la ah ee Finland uu ku biiro gaashaan buurta Nato.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa lagu sheegay in qorshaha Finland uu si weyn u dhaawici doono xiriirka labada al, iyo weliba ammaanka iyo xasilloonida waqooyiga Yurub.
Goor sii horreysay, Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Finland ayaa labaduna ku baaqay in dalkooda uu si degdeg ah u codsado kamid noqoshada gaashaan buurta Nato.
Shacabka Finland ayaa mudadii dambe si weyn u taageeray in dalkooda uu kamid noqdo Nato, kadib markii uu Ruushka ku duulay waddanka deriska la ah ee Ukraine.
Finland ayaa xuduud 1,300-km ah la leh Ruushka, waxaana ay waagii hore ka dhawrsan jirtay inay xiriir la yeelato Nato, si aanay dhibaato uga soo gaarin Ruushka oo dhanka bari xuduud kala leh.
Xukuumadda Helsinki ayaa lagu wadaa in Axaddii ay si rasmi ah u shaaciso go'aanka ku biiridda Nato, kadib markii uu ka dooday baarlamaankeeda, ayna taageereen siyaasiyiinta ugu miisaanka culus waddankaas.
Sweden ayaa sidoo kale isla Axadda soo socota la filayaa inay qaado tallaabo noocaas ah.
Xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay inuu filayo in hannaanka Sweden iyo Finland lagu siinayo xubinnimada gaashaan buurta uu u dhaco si degdeg ah.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa lagu sheegay in tallaabada Finland ay tahay mid "isbedal weyn ku samaynaysa siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkaas".
"Waxa uu Ruushka ku qasbanaan doonaa inuu qaado tallaabooyin aargoosi ah oo isugu jira milateri, farsamo iyo qaabab kale si meesha looga saaro khatarta amniga qaran ee ka dhasha go'aankaas."
Hase yeeshee xukuumadda Moscow ma aanay faahfaahin tallaabooyinka ay qaadi doonto haddii Finland ay kamid noqoto Nato.
"Wax kasta waxa ay ku xiran yihiin qaabka uu noqdo isla ballaarinta cusub [ee Nato] iyo inta ay gaarsiisan tahay cudud milateri ee ku soo dhawaato xuduudaheenna," ayuu goor sii horreysay weriyayaasha u sheegay afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov.

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo Ra'iisal wasaare Sanna Marin ayaa labaduba sheegay inay filayaan in dalkooda uu maalmaha soo socda go'aan ka gaari doono xubinnimada Nato.
"Xubinnimada Nato waxa ay xoojin doontaa amniga Finland. Dhanka kale, gaashaan buurta ayaa ka faa'iido doonto xubinnimadeena. Finland oo in si dhaqsa ah ay u codsato kamid noqoshada Nato," ayaa lagu yiri qoraal ay wadajir u soo saareen labada hoggaamiye ee ugu sarreeya xukuumadda Helsinki.
Madaxweyne Niinisto oo ka jawaabaya walaaca Ruushka ayaa sheegay in eeda ay leedahay xukuumadda Moscow oo ku duushay Ukraine.
Ra'yi ururin la sameeyay todobaadkii hore ayaa muujinaysa in shacabka Finland ay 76% taageersan yihiin in waddankooda uu ku biiro Nato, halka 12% ay diiddan yihiin. Taageerada ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyay markii uu Ruushka qaaday duullaankii Ukraine.
Finland iyo Midowgii Soofiyeet ayaa isaga hor yimid dagaalkii labaad ee dunida, waxaana ciidamada Finns ay sanadihii 1939-40 iska caabiyeen duullaan dalkooda lagu qabsan rabay.
Dagaalkaas kadib, Finland ayaa 10% dhulkeeda ku wayday heshiiskii xabbad joojinta, waxaana ay dhexdhexaad ka noqday dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Midowgii Soofiyeet iyo Dalalka Galbeedka.
Haddii Finland ay ku biirto Nato, waxa laba-laabmi doona xuduudda ay gaashaan buurtaas la leedahay Ruushka. Sweden xuduud lama laha Ruushka.











