Netflix oo joojisay filim ay soo wadday Meghan, digniin kalena bixisay

Meghan Markle

Xigashada Sawirka, Getty Images

Netflix waxay joojisay inay horay u sii waddo filimka Pearl, oo ah taxane ay sameysay Meghan Markle, kaas oo ay uga gol lahayd inay dhinto kharashaadka.

Bandhiga, oo la shaaciyay sanadkii hore, wuxuu ka mid ahaa dhowr mashruuc oo ay tuurtay shirkadda weyn ee Netflix ee baahisa aflaanta.

Bishii hore, Netflix ayaa shaaca ka qaaday hoos u dhac weyn oo ku yimid macaamiisha waxayna ka digtay in malaayiin kale ay qarka u saaran yihiin inay joojiyaan isticmaalka adeegga shirkadda.

Taasi waxay meesha ka saartay in ka badan 50 bilyan oo doolar uu hoos u dhaco qiimihii suuqa ee shirkadda iyadoo khubaradu ay ka digayaan inay la kulanto halgan ay ku soo laabanayso.

Archewell Productions, oo ah mashruuca ay sameeyeen Duke iyo Duchess ee Sussex, ayaa ku dhawaaqday sannadkii hore in Meghan ay noqon doonto soo saaraha taxanaha Pearl.

Prince Harry iyo Meghan Markle

Xigashada Sawirka, Alexi Lubomirski

Qoraalka sawirka, Prince Harry iyo Meghan Markle

Taxanaha waxa loo qorsheeyay in uu xuddun u noqdo tacaburrada gabadh 12 jir ah, taas oo ay dhiiri galiyeen haweenka saamaynta ku leh taariikhda adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, Netflix waxay xaqiijisay inay sii wadi doonto inay ka shaqeyso tiro mashruucyo ah oo ay leedahay shirkadda Archewell Productions, oo ay ku jiraan taxane dokumenti ah oo la yiraahdo Heart of Invictus.

Taxanuhu wuxuu diiradda saari doonaa cayaartoyda ku tartamaya Ciyaaraha Invictus ee halyeeyada dhaawacmay, dhacdo uu aasaasay Amiir Harry, Hague 2022.

Archewell Productions si degdeg ah ugamay jawaabin codsi ay BBC-da ku waydiisay inay arrintan kaga hadlaan.

Netflix waxaa kale oo ay sheegtay in ay go'aansatay in aanay hore u sii wadin laba taxane oo la xiriira caruurta oo la kala yiraahdo Dino Daycare iyo Boons.

Bishii Abriil, Netflix waxay sheegtay in tirada guud ee macaamiisha ay hoos u dhacday 200,000 saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, taasoo hoos uga dhacday yoolkii ay la rabeen inay gaaraan.

Waxay sidoo kale ka digtay in ilaa laba milyan oo kale oo isticmaala shirkadda ay u badan tahay in ay joojiyaan saddexda bilood ee soo socota amaba ilaa bisha Luuliyo.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ka digay in ka dib markii muddadii fayraska corona ay shirkaddu ka dhammaatay habab sahlan oo ay ku kobcin karto ganacsiga.