Emily in Paris: Ukraine oo ka cabatay filim Netflix ku jira

Lily Collins in Emily in Paris

Xigashada Sawirka, STEPHANIE BRANCHU/NETFLIX

Qoraalka sawirka, Filimka "Emily in Paris" wuxuu ka sheekeynayaa qisada gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay Mareykanka oo u safreysa Paris si ay ula shaqeyso shirkad ka suuq geynta ka shaqeysa

Wasiirka dhaqanka ee dalka Ukraine ayaa sheegay inuu cabasho u gudbiyay shirkadda Netflix isagoo dacwo ka ah qaabka loo jilay qof kasoo jeeda Kiev oo ku jira filimka lagu magacaabo "Emily in Paris".

Filimka ay soo sameysay Netflix ayaa ka sheekeyna qisada gabar dhallinyaro ah oo Mareykan ah, oo ay mataleyso atariishada lagu magacaabo Lily Collins, taasoo u safreysa magaalada Paris ee caasimadda u ah waddanka Faransiiska, si ay uga soo shaqeyso.

Musalsalkan oo ka mid ah kuwii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku jirta Petra oo u dhalatay Ukraine, taasoo jileysa inay dukaameysaneso iyadoo safar kula jirta haweneyda jilaaga ugu muhiimsan ka ah filimka, Emily.

Oleksandr Tkachenko ayaa sheegay in muuqaalka lagu matalay Petra uu yahay "aflagaaddo".

Petra, oo ay mataleyso atariishada u dhalatay Ukraine ee lagu magacaabo Daria Panchenko, ayaa sidoo kale filimka ku jileysa inay dhar aad u liita xiran tahay ayna ka cabsaneyso in la tarxiilo.

Emily in Paris

Xigashada Sawirka, Netflix

"Filimka Emily in Paris waxaa ku jira muuqaal lagu matalayo haweeney u dhalatay Ukraine kaasoo ah mid aan la aqbali karin. Waa aflagaaddo," ayuu Mr Tkachenko kusoo qoray Telegram.

"Ma sidaas baa dadka reer Ukraine looga arkaa dibadda?" ayuu sii raaciyay.

Sida ay tabiyeen warbaahinta waddanka Ukraine, Mr Tkachenko waxa uu warqad u diray shirkadda filimada soo sarata, isagoo ka cabanaya qaabka loo matalay Petra.

Mid ka mid ah muwaadiniinta reer Ukraine ee daggan Paris ayaa ku raacsan cambaareyntaas.

"Qaabka aad sawirka ugu muujiseen qaybta labaad ee filimka, xalaqadiisa 4-aad waa mid aad raqiis u ah, fadeexad ah sidoo kalena ceeb ah," Yevheniya Havrylko ayaa sidaas kusoo qoray Instagram-ka, halkaasoo ay ku taageereen in ka badan 75,000 oo kale.

Lily Collins oo ku jirta filimka Emily in Paris

Xigashada Sawirka, Netflix

Qoraalka sawirka, Lily Collins oo ku jirta filimka Emily in Paris

Dad kalena waxay door bideen in ay difaacaan filimka, sida haweeneyda filim soo saaraha ah ee u dhalatay Ukraine ee lagu magacaabo Natalka Yakymovych, oo tiri: "Marka ma waxaa la leeyahay filimada qof walba sii marxalad khaldan ku jila wuu noqon karaa dal kasta balse Ukine ma noqon karo? Dabcan annagoo dhan waxaan jeclaan lahayn in ay noqoto qof kasoo jeeda Moscow, balse mar walba ma heleysid waxa aad dooneysid."

Ma aha markii ugu horreysay ee filimka "Emily in Paris" lagu dhaleeceeyo jilitaanka ay matalayaan dadka waddamada kala duwan u dhashay.

Markii lasoo daayay qaybtii ugu horreysay ee filimka, waa la cambaareeyay, gaar ahaan gudaha Faransiiska, waxaana lagu qoonsaday qaabka loo sameeyay sawirrada magaalada iyo dadka deggan.

Waxaa lagu matalay in dadka Faransiiska ah ay yihiin kuwo qallafsan oo xirta koofiyado, si joogto ahna u khiyaana lamaaneyaashooda.

Emily in Paris

Xigashada Sawirka, Netflix

Musalsalka cusub ee filimkan waxaa ka dhex muuqda Alfie oo ah nin waqtigiisa ku bixiya inuu khamri ku cabo kalaabyada uuna daawado kubadda cagta.

Darren Star, oo ah soo saaraha filimka, ayaa xilligaas difaacay musalsalkan, isagoo sheegay "inuusan ka qoomameyneynin qaabka loo sawiray Paris".

Mr Star ayaa sheegay in uu muuqaallada ku saleeyay sida saxda ah ee isaga qudhiisa uu kusoo arkay magaalada mar uu booqday.

"Waxaan rabay inaan u muujiyo Paris qaab runtii cajiib ah oo dhiirrigelinaya dadka, si ay u jeclaadaan magaalada sidii aan anigaba u jeclaaday," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska New York Times.