Booliska Soomaaliya oo shaaciyay inay qabteen Nin qirtay inuu dilay "Atooraha Badda"

Dilka atooraha badda

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyay dhacdadii shalay lagu dilay Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa "Atooraha Badda" oo ka xubin ka ahaa booliska.

Booliska ayaa xaqiijiyay in falkaas uu gaystay askari kale oo ka tirsan booliska, kaasoo uu dagaal dhex maray ninka la dilay.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan dhimashada atooraha badda, waxaa la isla dhex marayay in dilkiisa ay fuliyeen dablay ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay "in markii hore shacabka lagu marin habaabiyay sida ay wax u dhaceen."

"Baaris dheer iyo dabagal ay boolisku sameeyeen kaddib waxaa la helay xaqiiqda kiiska. Arrintu waxay dhacday markii ay is qabsadeen labada shakhsi ee ay bulshada Soomaaliyeed u taqaanno Atooraha badda iyo leefleefoow, oo ah ninka atooraha badda la jila filimaanta," ayuu yidhi afhayeenka.

booliska

Ninka uu magaciisa xusay ayuu sheegay in uu isaga qudhiisa qirtay dilka atooraha badda kaddib markii ay isku qabsadeen waxyaabo la xiriira dhaqaale.

"Labadooda waxaa lacag usoo dira dad muxsiniin ah balse lacagtaas khilaaf ka dhashay awgiis ayay isugu gacan qaadeen, halkaasna mid ayaa labadoodii ku dhintay. Gacan ku dhiiglaha wuxuu qirtay inuu dilka isaga gaystay, oo dagaal uu dhex maray, mindi la isku dhuftay kaddibna ay bastoolad soo dhex gashay. Booliskuna waxay hadda gacanta ku hayaan ninka dilka fuliyay," ayuu yidhi.

Eedeysanaha oo loo yaqaanno Shucayb Leefleefoow, ayay boolisku sheegeen in uu markii hore bixiyay warbixin marin habaabin ah balse uu dib ka sharraxay sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo sii sharraxayay dhaqaalaha sababay khilaafka ayaa yidhi: "Sida ku cad warbixinta uu qoray gacan ku dhiiglaha, lacag $60,000 iyo ka badan ah ayaa dhexdooda taallay, taasoo ay isku qabsadeen. Wuxuu sheegay inuu marxuumku ku yidhi, 'shaqadan anigaa bilaabay oo watay ee iga tag adiga'".

Waxa uu intaas ku daray in markii hore "uu gacan ka hadalka ka billowday toori kaddibna uu ninka la dilay lasoo baxay bastoolad, taasoo ugu dambayn gacantiisa laga faro maroojiyay laguna dilay".

Atooraha Badda iyo saaxiibkiis

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Booliska Soomaaliya ayaa sii amba qaadi doona kiiskan, eedeysanahana maxkamadda la hor gayn doono, iyagoo laga dhur sugayo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay dhacdada ku saabsan dilka Cismaan, Soomaalida baraha bulshada isticmaasha ayaana si aad ah uga hadlayay tan iyo xalay.

Waayadii dambe "Atooraha badda Liido" ayaa ku howlanaa shaqooyin dhinaca samafalka ah oo uu ku caawinayay dad danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho.