Doolli, Ajakis, Ilkacase: Qaar ka mid ah Majaajiliistiyaashii geeriyooday 10-kii sano ee la soo dhaafay

Xigashada Sawirka, Social
Magaalada Muqdisho waxaa Isniintii ku geeriyooday Alle ha u naxariistee majaajiliistihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Cabdi Muriidi Dheere oo loo garan og yahay "Ajakis".
Soomaali badan ayaa baraha bulshada ku hadal heyay geerida Ajakis oo ahaa nin taageero badan leh, sheekooyinkiisana lagu taxnaa.
Hadaba waxaa xusid mudan in sannadihii lasoo dhaafay ay ay umadda Soomaalida ka baxeen majaajiliistayaal badan oo magac weyn lahaa.
Majaajilastayaashani ayaa qaarkood ahaa kuwa soo shaac baxay 20-kii sano ee ugu dambeysay.
Qaar badan oo ka mid ah majaajiilistayaashani ayaa waxaa ay wada dhigi jireen Ruwaayado, balse markii ay qaarkood dhinteen ayaa waxaa meesha ka baxay ruwayadihii ay sameyn jireen.
Waxaan qorimadan ku eegeynaa majaajilistayaashii 10 sano ee la soo dhaafay geeriyooday.
6- Ajakis

Xigashada Sawirka, Google
Ajakis, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku qaatay waxbarashadiisa aasaasiga ah.
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1990-meeyadii ayuu magaciisa kasoo dhex baxay majaajiliisteyaashii Soomaalida, isagoo xoogga saari jiray codadka lagu turjumo filimada Hindiga ah ee afsoomaaliga loo baddalo, kuwaasoo uu ka sameyn jiray dhinaca shactirada.
Xilligaas laga soo billaabo, Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) wuxuu ahaa majaajileyste dadka si weyn u jecel yihiin marka uu kasoo muuqdo masraxyada.
Erayada shactirada ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah: "I Daawadeyaal", "I fiirsadayaal", "ii jeedayaal", "i daymoodayaal", "ilaa fool ku taallaa", "adduunyo ceebaa laga ordaa aakhirana cadaab", "yaa la aminaa baladkaan" iyo kuwo kale oo badan.
5- Sooraan

Xigashada Sawirka, .
Magaciisa oo sadaxan waa Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan).
Sooraan (AHU) waxaa uu 26 maarso ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Burco, ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.
Waraysi hore ulooga qaaday ayuu ku sheegay in fanka uu ku soo biiray sanadkii 1979-kii, isagoo ku biiray kooxdii fanka ee Durdur. Waxa uu sheegay in markii hore uu kooxdaas ka ahaa jilaa, balse uu muddo kadib noqday mualif.
Sooraan ayaa sheegay in fankii uu xilligaa ku jiray uu markii dambe la burburay qaran jabkii, oo ay kooxihii caanka ahaa kala daateen.
Ruwaayadihiisa
Sooraan waxa uu xoogga saari jiray jilidda ruwaayadaha taabanaya wacyiga markaa taagan.
Ruwaayadaha caan baxay ee uu sameeyay abwaan Sooraan waxaa kamid ah: Illaahay umaddii u ammaan geli - oo uu uga hadlayay cawaaqibka ka dhalan kara dhibaatada loo geysto xayawaanka, ruwaayaddii jinka iyo mid uu uga hadlay xisbiyada Somaliland ee doorashadii golayaasha deegaanka ee dhacday 2012.
Ciise Cabdi Ismaaciil (Jawaan) ayaa ahaa saaxiib ay si weyn u wada shaqeeyeen Sooraan, isagoo ay is barteen sannadii 2003. Waxa ay wada jileen ruwaayado badan, iyagoo xitaa safarro u aadday dibedda.
4- Doolli

Xigashada Sawirka, Youtube
Xiddiggii hore ee istuudiyaha Alfaghi, Maxamed Cabdicasiis Nuuri Taarsan oo ku magac dheeraa "Doolli" waxa uu ka mid ahaan jiray majaajiliisteyaasha ugu caansan Soomaaliya.
Magaciisa waxa uu bulshada kasoo dhex muuqday markii uu kaalinta weyn ka qaadan jiray turjumidda filimada Hindiga ee laga dhigo afsoomaaliga. Sidoo kale sannadihii ka horreeyay geeridiisa waxa uu lasoo shaqeeyay shirkadda Astaan Films.
Maxamed Doolli waxa uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday 1-dii bishii November ee sanadkii 2019-kii.
Marka laga soo tago turjumidda filimada kusoo baxa luuqadaha ajnabiga, Doolli waxa uu sidoo kale ahaa atoore xirfad sare leh oo kasoo qayb qaatay filimadii Soomaaliga ee lagu jili jiray Alfaghi.
3- Cali Hiiraan

Xigashada Sawirka, Youtube
Magaciisa oo saddexan waxaa uu ahaa Cali Cali Xasan Aadan oo loo yaqaannay (Cali Hiiraan).
Waxaa uu maalin Jimco ah, 14 Maarso 2014 ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Cali Hiiraan ayaa si weyn loogu bartay majaajillada maqalka iyo muuqaalka ah oo laga sii dayn jiray idaacadaha iyo telefishinnada afka Soomaaliga ah ku hadla.
Waxaa uu aad u soo shaac baxay Cali Hiiraan (AHU) 20 sano ee u dambeeyay isaga oo dhigay ruwaayado badan.
Waxaa ka mid ahaa ruwaayadihii uu jilay ii wad sheekada, ruwaayaddii Beenloow iyo Bakhayl , ruwaayadii Ani maa waalan iyo kuwa kale.
Inta badan ruwaayadihii uu (AHU) Cali Hiiraan jilay ayaa waxaa uu la jilay, Ilkacase, Marshaale, Anisa Yareey, iyo ow-kuku.
2- ilka Case

Xigashada Sawirka, .
Magaciisa oo sadaxan waa Cabdi Maxamuud Ilkacase,(AHU) waxaa uu magaaalada Muqdisho ku geeriyooday 21 November, 2014.
Geerida ilkacase ayaa ahayd mid lama filaan islamarkana wax xanun ah ma uusan qabin markii uu geeriyoonayay sida au eheladiisa sheegeen.
Ilkacase ayaa waxaa uu aaa jilaa ay Soomaalida aad u jeclaayeen.
Ruwaadaha uu jilay waxaa ka mid ahaa ruwaayadii Lacala oo ay wada jileen Majaajiliistihii kale ee caanka ahaa Jeyte.
Waxaa sidoo kale ruwaayadihiisa ka mid ah ruwaayaddii Labo daran mid dooro, Yaan u sheegaa , Rumeyso ama ha rumeysanin iyo kuwa kale.
1- Marshaale

Xigashada Sawirka, .
Magaciisa oo sadaxan waa Cabdi Jeylaani Malaaq oo garan ogaa Marshaale.
Marshaale (AHU) ayaa waxaa 31 bishii Luulyo 2012 kooxa hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Marshaalle waxaa uu soo shaac baxay 20 sano ee ugu dambeysay isaga oo soo dhigay ruwaayado badan.
Waxaa inta badan ay ruwaayadaha isla dhigi jireen Ow-kuuku, Ilkacase iyo Cali Hiiraan.
Cabdi Jeylaani oo loo yaqaan Marshaale waxaa majaajiladiisa laga sii dayn jiray idaacadaha iyo telefishanada Soomaalida.
Waxaa ka mid ah ruwaayadaha lagu xasuusto ruwaayaddii reer aakharaad oo ay ow-kuku wada jileen , ruwaayaddii Aamineeta, ruwaayaddii waan booday iyo kale oo badan.
Waxaa uu ruwaayadihiisa inta badan la jilay, ow-kuuku, Cali Hiiraan, Anisa Yareey, Ilkacase iyo Ajakis.










