Guutadii 'Geesiyaasha' Ruushka oo qasaaro weyn soo gaaray

Dagaal kasta oo dhaca waxaa jira unugyo iyo guutooyin ciidamo ah oo guusha iyo guuldarrada dagaalka kala saara. Haddaba guutada 331-aad e ciidamada Ruushka oo lagu rajo weynaa iney hormuud ka noqdaan guusha dagaalka, ayaa hadda u muuqda iney yihiin kuwa burburiyey qorshaha Ruushka u ka lahaa dagaalka degdegga ah.
Taliyaha guutada Gaashaanle Sergei Sukharev ayaa gudaha Ukraine lagu dilay 13-kii Maarso, geeridiisa kaddibna waxaa la guddoonsiiyey billadda geesinimada dagaalka ee Ruushka. Ku xigeenka Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka General Yuru Sadovenko oo aaska Sergei ka hadlay wuxuu sheegay "inuu u noolaa mustaqbalka dalka iuo mustaqbalka shacabka iyo inuu ka hortago mustaqbalka rabitaanka kooxaha Naaziyiinta".

Xigashada Sawirka, GTRK-Kostroma
Waxyeellada soo gaartay ciidamada Ruushka si sax looma baahayo dowladda Ruushkana kama run sheegto, hase yeeshee xogo siyaabo kala duwan loo baahiyey oo ay BBC soo uruurisay waxaa lagu ogaaday 39 askari oo ka mid ah guutada 331-aad la dilay.
Sargaalkaasi oo ka mid ah ciidamada Ukraine dhanka Belarus ka soo galay ee guulaha la taaban karo soo hoyey, isaga oo hoggaaminayey ciidamada cirka ee magacooda loo soo gaabiyo VDV. Iyaga oo ujeeddada howlgalka ciidamadaasi laga lahaana ay muhiim u ahayd qabsashada caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Horusocodkaas ayaa si degdeg ah u soo jiitay ismari waaga burburka ee degmooyinka ku yaal duleedka Kyiv kaas oo isla markiiba la mid noqday xumaantii dagaalka: Bucha, Irpin, iyo Hostomel.
Muuqaal la baahiyey oo dagaalkaasi ku saabsan ayaa muujinaya gaadiidka ay ciidamada cirka ee Ruushka isticmaalaan ee calaamadda 'V' u buufsan tahay oo dagaalka ku burburay.

Xigashada Sawirka, Twitter
Mid ka mid ah muuqaallada aan helnay ayaa muujinaya dhowr baabuur oo ah kuwa gaashaaman ee fudud ee VDV-ga ah oo waxyeello soo gaartay, kuwaas oo la isaga cararay kadib markii ay weerareen ciidamada gaarka ah ee Ukraine. Mid kale ayaa muujinaya dhowr baabuur oo ay lahaayeen ciidamada cirka ee Ruushka oo sida muuqata iyaguna ay ciidamadu ka tageen kaddib markii ay waxyeello soo gaartay.Guutada 331-aad waxay isu arkayeen inay yihiin xulkii ciidanka Ruushka. Muuqaal la soo galiyay qadka bishii May ee la soo dhaafay, ayuu Jeneraalka u sheegay askarta guutada 331-aad ee dalaayadaha ku boodda in ay yihiin "kuwa ugu wanaagsan". Guutadan ka mid ah ciidamadaasina waxay ka soo shaqeeyeen dalalka Balkans-ka ee Yurub, Chechnya, iyo faragelintii Ruushka ee 2014-kii ee gobolka Donbas ee Ukraine, waxayna si joogto ah uga qaybqaadanayeen dhoolatusyada fagaaraha cas ee Moscow.
Guutada 331-aad ayaa sidoo kale ahaa bandhiga siyaasadda Ruushka ee lagu beddelayo askarta adeegga qaranka ee xirfadlayaasha qandaraaska ku jira. Waa la fahmi karaa sababta ay ahayd in jeneraalku ay door muhiim ah ka qaataan duullaanka.

Xigashada Sawirka, VK.com
Tani iyo horraantii bishii March, waxaa soo baxayey warbixinno ku saabsan dhimashada ciidamo ka tirsan guutada 331-aad. Ciidamadi guutadaasi ka geeriyooday in loo celiyo magaalada Kostroma wakhti ayey qaadatay maadaamaa ay Moscow u jirta masaafa dhan 300 oo km.
Markii la billaabay aaska loo sameynayey ciidamada guutada 331-aad ee la laayay waxaa sidaas oo kale baraha bulshada ka billaawday muuqaallo ku saabsan dagaalka ciidamadaaasi lagu dilay iyo macluumaad la xiriira.

Xigashada Sawirka, VK.com
Haweeney sheegtay inay ahayd xaaska sarkaalka lagu magacaabo Sergei Lobachyov ayaa Twitterkeeda ku soo qortay: "ninkeyga aan aadka ugu kalsoonaa, aadna ii jeclaa, oo daryeelka badnaa, hadda janadii ayaad ku jirtaa, halkaas ayaad naga difaaci doonta, waxaad weligaa nagu ku jiri doontaa qalbiyadeena, waxaadna ahaan doontaa geesi".
Inkasta oo qoraallo badan ay u muuqdaan inay aqbalaan sharaxaadda Kremlin ee ah in dagaalka lagu hayo faashiistaha Ukraine uu yahay mid lagula dagaalamayao waxa loogu yeeray naasiyiinta, haddana qaar kale ayaa ka walaacsan sida ay dowladda shacabka Ruushka xog buuxda oo la isku halleyn kara aysan ula wadaagin.

Xigashada Sawirka, VK.com
Bogga xusuus reebka baroordiiqa ee loo diyaariyey Gaashaanle Sergie Duganove, ayay haweeney u tacsiyeysay waxay ku qortay: Cidna wax badan kama oga. maalin walba la waayaa ciidamo ka tirsan guutada 331-aad. Marka maxaa socdo? Goormey arrintan soo afjarmeysaa? Goormey dhimashada dadku istaageysaa?.
Farriin kale oo baroordiiq ah oo taa daba socotayna waxay u dhigneed sida tan: "Magaalada Kostroma waxaa ku dhintay dhallinyaro aad u badan, waa masiibo". "Yaa ilaahii imisa ogeysiis oo geeri ayaan heli doonnaa? Fadlan ubadkayaga u naxariista, oo ka caawiya sidii ay u noolaan lahaayeen, una soo celiyo guriyahooda, xaasaskooda iyo hooyooyinkood. Waan idin baryayaa!"

Xigashada Sawirka, VK.com
Ka hadlidda dagaalka ka socda Ruushka ayaa leh khatar aad u weyn, laakiin waxaa jira tilmaamo muujinaya in laga soo daalayo doodda Aqalka l Kremlin ee dagaalka ku saabsan. Bogga xusuusta ee mid ka mid ah saraakiishii dhimatay, haweenay ayaa soo qortay su'aashan "Maxay carruurta xildhibaanadu uga maqan yihiin safka hore ee dagaalka? Intooda badan waxay ku nool yihiin Yurub. Wiilasha caadiga ah sabab la'aan ayey u dhimanayaan." Mid kale ayaa adeegsata hal-abuur si uu u qeexo madaxweyne Vladimir Putin, wuxuuna sii waday inuu yirahdo isagoo go'aansaday inuu "dagaal qaado" wuxuu "u diray kumanaan wiil si ay u dhintaan".
Inta badan, dadka ka falcelinaya baraha bulshada ayaa hadalka u dhiga sida dowladda Ruushka wax u sheegto ama u sharaxdo dagaalka.

Xigashada Sawirka, Instagram
Bogga looga talagalay xusidda dadka dagaalka ku dhintay qaar ka mid ah muwaaddiniinta Ukraine waxay ku qoreen farriin ay ugu diganayaan "Ilaa iyo hadda askar ka badan 15,000 ayaa dagaalka ku dhimataya, dhimashaduna weli wey sii soconeysaa ilaa iyo inta dhulkayaga uu ka xoroobayo."
Muwaaddin Ruushka u dhashay oo u jawaabay muwaaddinka Ukraine hadalka xusuus dhowrka uu ku qoray wuxuu yiri: "Ciidamadayadu waa geesiyaal ciidamada Ruushkana weligooda ma dilin dad rayad ah ama carruur, balse waxaa qurux badnaan lahayd inaan ka hadasho waxay ay ciidamada Ukraine sameynayaan.".

Dagaalkan aan waxba la isula harin ee dhex maraya Ruushka iyo Ukraine, ciidamada VDV ee ka howlgalay Afghanistaan waxay ka barteen gawaarida gaashaaman ee diyaaradaha lagu soo qaado ineysan lahayn awood buuxda ee ay isaga caabbiyaan weerarka kaga yimaadda ciidamada dhulka. Muuqaallo laga soo duubay gagada diyaaradaha Hostomel, iyo waddada Bucha iyo Irpin waxaa lagu arkayaa ciidmada Ukraine oo si fudud u burburinaya gawaarida gaashaamna uu Ruushku ku faanayey.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Sida oo kale sawirrada teleefoonnada gacanta lagu qaaday ayaa sidoo kale muujinaya guuldarrooyinka ka soo gaaray ciidamada Ruushka xaafadaha burburay ee ku xeeran Kyiv, waxaana muuqaalladaasi laga dheehan karaa iney ciidamada Ukraine ay dagaalkaasi kaga gacan sarreeyeen kuwa Ruushka.
Dadka reer Yukreeniyaanka ah ayaa ku dhegganaa khasaarihii guutada 331-aad, iyaga oo ku andacoonaya in ay aad u faraxsan yihiin in guutadaasi cagta la mariyo. Ilya Ponamarev, oo ah xildhibaan hore oo Ruush ah isla markaana kuu nooleyd Kyiv ayaa sheegtay in nacaybka ay dadka u qabaan guutadan ay ka dhigantahay mid ay ku difaacayaan jiritaankooda.
Intii lagu jiray dagaalkii 2014-kii ee gobolka Donbas, guutada 331-aad waxay mas'uul ka ahaayeen dilka boqollalka askaro ee reer Ukraine looga geystay magaalada Ilovaisk, dilkaasi oo jabiyey heshiis xabbad-joojin oo xilligaa la gaaray.

Maalin weliba tacsida loo dhigaya ciidamada Ruushka ee lagu laayey Ukraine waa joogta. Barnaamijka BBC Newslight wuxuu soo uruuriyey magacda 399 askari oo ka tirsan guutada 331-aad ee Ruushka oo lagu dilay gudaha Ukraine. Tirada dhimashada sida rasmiga ah loo ogaaday ilaa iyo 13-ka March ayaa la sheegayaa iney toddobaadyada soo socda ay tirada dhimashadu boqollaal gaari karto.
Dadka daggan nawaaxiga magaalada Kostroma waxay noo sheegeen iney aaminsan yihiin ciidamada lagu dilay halkaasi iney tiradoodu cagcageyneyso 100. Ilaa iyo haddana askarta halkaasi lagu laayay meydadkooda qoysaskooda lama gaarsiinin maadaamaa ay weli deegannadaasi dagaallo ka socdaan.
Xitaa saadaasha muxaafidka ah ee dhimashada aan hadda ognahay, iyo taariikhda dilalka ay dhaceen, waxay muujinayaan in khasaaraha magaalada ee dhowr toddobaad ee Ukraine, ay ka badanyihiin qasaarihii Ruushka ka gaaray Afgaanistaan iyo Chechnya.
Ciidankii si kalsooni buuxda leh dagaalka ugu baxay bishii Febraayo ayaa hadda leh magac iyo sumcad uusan askari dambe ifka jecleysan doonin in uu ku dambeeyo xaaladaas.












