Dagaalka Ruushka iyo Ukraine: Diyaarado duqeeyay magaalo ku taalla gudaha Ruushka iyo goobo shidaal
Weerar gantaallo ah ayaa lagu qaaday xarun shidaal oo ku taalla magaalada Belgorod ee waddanka Ruushka, taasoo qiyaastii 40km (25 meyl) u jirta xadka dhinaca waqooyi ee xiga Ukraine.
Guddooniyaha maamulka gobolka ay magaaladu ka tirsan tahay ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen labo diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo laga leeyahay Ukraine. Hase yeeshee Dowladda Ukraine wali ma aysan sheeganin mas'uuliyadda.
Haddii la xaqiijiyo arrintan, waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee diyaaradaha Ulkraine ay galaan hawada Ruushka, iyagoo weerarro la beegsanaya bartilmaameedyo ku yaalla waddankaas.
Muuqaalkan weerarka laga arkayo waxaa xaqiijisay BBC-da balse lama oga cidda asal ahaan duubtay.
Ukraine ma qirsana mana beenin duqeyntii goobaha shidaalka Ruushka
Dowladda Ukraine ma aysan qiranin mana aysan inkirin duqeynta lala beegsaday goobaha shidaalka lagu kaydiyo ee Ruushka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Dmyytro Kuleba, waxa uu diiday in uu xaqiijiyo ama beeniyo in Ukraiane ay duqeysay goob shidaal oo ku taala gobolka Belgorod oo ka tirsan Ruushka.
''Ma xaqiijin karo mana beenin karo wararkaas," ayuu yiri. Wuxuuna sii raaciyey ''Anigu qof rayid ah baan ahay.'' Waxa uu la hadlayay warfidiyeenka isagoo ku sugnaa magaalada Warsaw ee dalka Poland.

Xigashada Sawirka, Russian Ministry of Emergency Situation
Sidoo kalena wasiirka Difaaca Ukraine ayaa ka gaabsaday in wax war ah uu ka bixiyo arrintaas.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Ukraine ayaa sidan yidhi: ''Ukraine haatan waxay waddaa howlgallo isdifaacid ah oo ay kaga horjeeddo ciidamada Ruushka ee ku suagan dalkeeda taasna macnaheedu ma aha in Ukraine ay mas'uul ka tahay masiibo kasta oo ka dhacda dhulka Ruushka gudihiisa."
Wuxuu sii raaciyey "Ma xaqiijin karo mana beenin karo edeymahaa.''
Jeneraalo Ukraine ah oo derajada looga qaaday jaajuusnimo
Madaxweynaha Ukraine ayaa dajada ka xayuubiyey labo jeneraal oo ka tisan ciidanka dalkaas, kuwaasoo uu ku timaamay qaa'imiin ka horjeestay dalkooda.
Naumov Andriy Olehovych, oo ahaa madaxii sirdoonka gudaha iyo Kryvoruchko Serhiy Oleksandrovych, oo madaxii hore ee xafiiska sirdoonka ee dalka Ukraine ee gobolka Kherson ayaa laga dhigay derejada jeneraalnimada.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ma uusan shaacin sababta ka dambeysa go'aanka u ka qaatay labadaas jeneraaal ee uu darajada ka dhigay, laakiin waxaa uu carrabka ku dhuftay in labada jeneraal aanay daacad u aheyn dalka Ukraine.
Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa socday tan iyo 24-kii bishii February, walina khasaarihiisa ayaa isasoo taraya.
Ka hor inta uusan dagaalku billaabanin, dhowr sano ayay Ruushka galaangal ku lahaayeen siyaasadda Ukraine, tan iyo markii ay xoog ku qaateen gacanka Crimea. Sidoo kale waxa ay xoogag fallaago ah oo gooni u goosad raba ka abuureen gobolka Donbas.
Maxay Ruushku u doonayaan in ay xukumaan Donbas?
Madaxweynaha Ruushku si uu marmarsiiyo ugu helo heysashada gobollada bariga Ukraine ee Crimea iyo Donbas wuxuu marar badan ku celceliyey eedeymihiisa ku saabsan in Ukraine ay xasuuq ka geysatay gobolada Bariga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii dagaalku bilowday , saddex meelood meel gobollada bari waxay ku jireen gacanta Ukraine, inta kalena waxaa heystay gooni u goosadka oo uu abuuray Ruushka xiliigii dagaalkii bilowday siddeed sano ka hor.
Waxaa la isweydiiyaa sababta Ruushka u doonayo in uu goboladaas u xukumo ama xukunkooda ugu dhiibo kooxaha gooni u goosadka ee isaga taageera.
Wuxuu Ruushku aad u doonayaa in uu sameysto xeydaab aga gudban in reer Galbeedkuu soo dhawaadaan xuduudiissa ,taas lafteedana waxay qeyb ka tahay sababaha uu ugu duulay Ukraine waayo Ukraine waxay rajeyneysay in ay ku biirto NATO taas oo Ruushku u arkomqatar weyn.
Atoore saaxiib la ahaa Putin oo hadda ku tilmaamay doqon

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ninkan jilaaga ah oo u dhashay Faransiiska Gerard Depardieu ayaa hore saaxiib ula ahaa madaxweyne Putin wuxuuna qaatay muwaadinnimada Ruushka sanadkii 2013 ka dib markii uu Faransiiska uga tagay arrimo la xiriira canshuuraha .
Jilaagan ayaa baasaboorkiisa Ruushka si shaqsi ah uuga helay Mr Putin , wuxuuna haatan ku eedeynayaa ama uu ku shegayaa in uu yahay nin doqon ah sida uu yiri isagoo howsha faragalinta Ukraine ee Ruushka mid aan la aqbali Karin .
Hadalada ninkaas ayaa keenaya in ay jawaab ka timaado dhinaca Kremlinka iyadoo afhayeenka Putin , Dmitry Paskov uu sheegay in jilaagu aan si fiican u fahamsaneyn xaaladda Ukraine ayna tahay in uu bixiyo sharraxaad.

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah
- Maxay yihiin Muslimiinta la kala safan labada dhinac ee Dagaalka Ukraine?
- Ma waxaa billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka?
- Labo eray oo uu Biden iska yidhi oo khatar cusub u hor seeday Mareykanka iyo Ruushka
- Dhowr dhacdo oo tusaale u ah inuu Putin 'isticmaali rabo' hubka nuclear-ka
- Haddii hubka nuclear-ka la rido xeeladahan isticmaal si aad u badbaadid
- Saddex arrimood oo Turkiga uu ka faa'iiday dagaalka Ruushka iyo Ukraine
- Turkiga oo shaaciyay waxa uu damacsan yahay Putin oo telefoon kula soo hadlay
- Xog ku saabsan hubka nuclear-ka ee uu Ruushka u isticmaali karo Ukriane
- Ukraine oo kashiftay in diyaarado uu Turkiga siiyay ay Ruushka isaga dhicisay















