Jilaa Will Smith oo shaqadii iska casilay kadib dharbaaxadii uu ku dhuftay majaajileestaha

Xigashada Sawirka, Reuters
Jilaaga caanka ah ee u dhashay Mareykanka, Will Smith ayaa iska casilay shaqadii uu ka hayay Akadeemiyada Oscars ka dib markii uu masraxa ku dharbaaxay majaajiliiste Chris Rock intii ay socotay xafladdii abaalmarinta xidigaha aflaamta ee the Oscars Axaddii aan soo dhaafnay.
"Ficiladii aan ku sameeyay bandhigga Abaalmarinta Akadeemiyada 94-aad, waxay ahaayeen kuwo naxdin leh, xanuun badan, isla markaana aan cudur daar lahayn," ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray jilaaga.
Akadeemiyada filimaanta Oscars ayaa sheegtay inay ka aqbashay iscasilaaddiisa ayna arrinta horey usii wadi doonto iyadoo la raacayo qaababka loo dhageysto dacwadaha la xiriira ansahaxa.
Rock ayaa si kaftan ah u tilmaamay madaxa xiiran ee haweenaydaas, oo uu ku dhacay xanuun jara timaha oo loo yaqaano alopecia.
Dharbaaxada kadib, Will Smith ayaa ku guulaystay abaalmarintii u horreysay ee uu ka helo the Oscars, isagoo ku mutaystay filinka King Richard oo uu ku matelayay aabaha dhalay xidigaha tenniska ee Venus iyo Serena Williams.
"Liiska dadka aan dhibaatada u geystay ayaa ah mid dheer, waxaana kamid ah dadkaas Chris, qoyskiisa iyo asxaabteyda qaaliga ah ee halkan ku sugan iyo daawadayaasha caalamiga ah" ayuu yiri Smith.
"Waxaan meel kaga dhacay kalsoonidii lagu qabay akadeemiyadda, waxaana dadkii ku guuleystay abaal marinta ka hor istaagay fursaddii ay ugu dabaaldegi lahaayeen shaqada aan caadiga aheyn ay qabteen, aad ayaan tallaabadaas uga xumahay"
Jilaaga wuxuu sidoo kale sheegay in uu diiradda saari doono sidii uu ku garab istaagi lahaa kuwa guusha gaaray ee mudan in la tixgeliyo.
Wuxuu kusoo gabagabeeyay warkiisa, "Isbaddalka wakhti ayuu qaataa, waxaa iga go'an in aan howsha qabto si aan u hubiyo in mardambe aysan wax rabshado ah dhici doonin"
Majaajiliistaha, oo 57 jir ah, oo hadda ku marayo Mareykanka kaas uu ugu magac daray "Ego Death" ayaa waxaa soo dhaweeyay taageerayaashiisa.
Chris Rock ayaa mar sii horreysay go'aansaday in wax dambi ah uusan kusoo oogin Smith, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalkaas.
Jilaaga caanka ah ee Will Smith ayaa raali-gelin siiyay majaajileyste Chris Rock oo uu wejiga ka dharbaaxay xilli uu daadihinayay xafladda abaalmarinta xidigaha aflaamta ee the Oscars.
Smith ayaa sheegay in falka uu ku kacay uu ahaa mid aan "la aqbali karin, isla markaana aan qiil lahayn".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekada weli ma aysan dhammaan
Will Smith in uu iska casilo akadeemiyadda Oscars waa arrin aad u weyn.
Kaliya tiro yar oo dad ah ayaa waligood laga eryay bandhigga aflaamta ee Oscars: waxaa ka mid ah Harvey Weinstein, Bill Cosby iyo Roman Polanski - in kasta oo aysan caddayn in Will Smith uu tallaabo noocaas ah la kulmay. walow arrintaa loo sheegi lahaa dhowr toddobaad gudahood.
Laakin jilaaga ayaa go'aansaday in uu soo xiro masiirkiisa iyadoo haatan ay meesha ka baxday qiimahii u ku lahaa bandhigga abaal marinta filimada ee Oscars, isaga oo haatan joojiyay shaqadaas.
Akadeemiyadda Oscars waxay sheegtay inay sii wadi doonto dacwadda la xiriirta anshaxa jilaaga kadib marka uu dharbaaxay majaajileyste Chris taas oo fursad u siinaysa in laga xayuubiyo abaalmarinta Oscar-ka ee uu ku guuleystay Axadii - in kasta oo ay taasi u muuqato mid aan macquul ahayn - ama waxaa laga yaabaa in loo diido mustaqbalka inuu ka soo muuqdo xafladaha Abaalmarinta ee bandhigga Oscar.












