Colaadda Ukraine: Ciidamada Ruushka oo gudaha u galay magaalo muhiim ah

Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciidamada Ruushka ayaa wadooyinka magaalada Mariupol kula dagaallamaya xooggaga Ukraine, xilli magaaladaas laga soo sheegayo xaalad bani'aadannimo oo adag.

Dedaallo lagu sama bixin lahaa boqolaal qof oo ku hoos jira burburka tiyaatarta Mariupol ayaa hakaday dagaalka u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine awgii.

Xukuumadda Kyiv ayaa Moscow ku eedaysay inay si bareer ah Arbacadii u duqaysay tiyaatarka oo hooy u ahaa boqolaal qof oo rayid ah, eedeyntaas oo uu beeniyay Ruushka.

Qaar kamid ah dadka kooban ee ka baxsaday magaalada Mariupol ayaa sheegay in xaalad adag ay halkaa ka jirto, isla markaana ay biyaha iyo koronta ka go'an yihiin magaalada.

Duqa magaaladaas ayaa ciidamada soo duulay ku eedeeyay inay si sharci darro ah kumannaan qof oo magaalada ku sugnaa u geeyeen gudaha Ruushka. Ma jirto cid xaqiiijisay warkaas.

Mykolayiv

Duqeynta Mykolayiv

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn gantaallo loo adeegsaday oo uu Ruushka Jimcihii ku qaaday saldhig ciidan oo ay Ukraine ku leedahay magaalada dhacda badda madow ee Mykolayiv.

Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in ku dhawaad 200 oo askari ay jiifeen saldhigga xilliga uu Ruushka duqeynta fuliyay.

Askari Ukraine u dhashay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in goobta laga soo saaray meydadka ilaa 50 askari. Ma uusan sheegin tirada askarta ku hoos jirtay burburka.

Waxaa socda dedaallo lagu baadi goobaya cid ka badbaaday duqeyntaas.

Gantaallada guuxa ka dheereeya

Afhayeen u hadlay milateriga Ukraine ayaa xaqiijiyay in Ruushka uu duqeyn ku ekeeyay xarun hubka lagu keydiyo oo ku taalla galbeedka waddankaas. Waxaa se uu xaqiijin waayay in gantaalka Ruushka uu goobta ku duqeeyay uu yahay nooca hypersonic ee guuxiisa ka dheereeya.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa kal hore sheegtay inay markii ugu horreysay dagaalka Ukraine u adeegsadatay gantaal noocaas.

Ruushka ayaa la rumaysan yahay inuu caalamka ku hogaaminayo samaynta hubkaas khatarta, oo sidoo kale ay haystaan waddamada Maraykanka iyo Shiinaha.