Dagaalka Ukraine: Waxaa laga cabsi qabaa in Ruushku weeraro dalka Poland

Carruurta waxey ku nastaan hoy kumeel gaar ah oo looggu tala galey qaxootiga reer Ukraine, oo ah iskuul ku yaalla Przemysl, oo u dhow xadka Ukraine iyo Poland

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, In ka badan 1.7m oo qaxooti u dhashey dalka Ukraine, ayaa u dhaxey dalka Poland, tan iyo markii uu bilawdey duullaanka Ruushka

Iyadoo dagaalka Ruushka ee Ukraine, uu gaarey soohdinta Poland, ayaa dowladda dalkani arrintan waxey ku heysaa walwal.

Dowldada ayaa dareemeysa iney u nugushahay labadda dhinacee is haya, iyadoo tirada qaxootiga soo galaya dalkeeda ay sii kordhayaan, waxaana la weeraray saldhig ciidan oo u dhow xuduudka ay la wadaagto dalka Ukraine.

Iyadoo dowladda Poland ay noqoneyso dalkii uggu horeeyey ee soo dhoweeya qalalaasaha keenay qaxootiga uggu badan Yurub, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, kuwaasoo gaaraya in ka badan 1.7 milyan oo Yukreeniyaan ah, iyagoo doortey iney u qaxaan dalka Poland, sida lagu sheegay tirooyinkii ugu danbeeyey ee ay soo saartey Qaramada Midoobay.

Qaar kamid ah qaxootiga ayaa u gudbay dalal kale, laakiin intooda badan waxey doorteen iney isaga nagaadaan Poland, sababo la xiriira xagga dhaqanka, luqadda iyo xiriir ka dhaxeeya qoysaska. Natiijadii u danbeysay, ayaa muujinaysa in tirada dadweynaha ay korortey, iyadoo 15% ay sare u kacdey tcaasimadda Poland ee magaalada Warsaw tirada dadka kunool labaddii toddobaad ee ugu danbeysay.

Xagga amniga, waxaa jirta qeylo-dhaan. Dabayaaqadii toddobaadkan, Ruushka waxa uu duqeymo ka geystay saldhig military oo Ukraine ku leedahay Yavoriv, oo 16km u jirta xuduudka Poland.

Dowlada Poland ayaa waxey uga digaysay Reer Galbeedka muddo sanado ah in Ruushku uu qorsheynayo wax ka badalista dheelitirka awoodda Yurub, si iyaga u wanaagsan. Madaxda dowladda Poland, ayaa xiligii ay digniinaha noocan oo kale ah xiligii ay soo gudbinayeen lagu gacan seyrey. Laakiin iminka xaaladdu sidaa way ka duwan tahay.

Isniintii, Ra'iisul wasaaraha Poland, Mateusz Morawiecki, ayaa sheegay in askarta Ukraine ay u baahan yihiin ayna mudan yihiin taageerada Reer Galbeedka. Waxey u halgamayaan ma ahan xorriyaddooda oo kaliya, ayuu ku adkeystay, laakiin sidoo kale xorriyadda jaarkooda Bariga Yurub.

Waxa uu sidoo kale ku tilmaamey weerarka Madaxweynaha Ruushka ee dalka Ukraine, mid ku socda xisaab, oo kamid ah qorshihiisa siyaasadeed ee dhanka juqraafiga.

Xiriirka muhiimka ah ee Poland iyo Galbeedka

Isbaheysiga NATO ayaa garab istaagey dalka Poland, gaar ahaan wixii ka danbeeyey burburkii Shuuciyadda iyo dagaalkii lagu hayey ee barabogaanka. Haatan dalkani wuxuu yahay mid kamid ah garbaha bari ee isbaheysiga. Waxaa kaloo la dhihi karaa Poland, waxaa xudunta isku xirta Galbeedka iyo Ukraine.

Inta badan kolonyada hubka ah ee ay Reer Galbeedka usoo dirayaan ciidamada Ukraine, waxey soo marsiiyaan dalka Poland. Sabtidii maamulka Moscow ayaa ku dhawaaqey in kolonyada ka imanaysa Poland ee soo galeysa Ukraine, iney yihiin bartilmaameed uu oggol yahay sharciga in la duqeyn karo.

Ha yeeshee dadka reer Poland miyey rumeysan yihiin in maamulka Kremlin-ka uu weerari doono dalkooda, oo ah xubin katirsan Midowga Yurub, iyo tan kale kasii muhiimsan ee ah xubinnimada NATO?

Xeerka isbaheysiga Reer Galbeedka, ayaa sheegaya in weerar ka dhan ah mid kamid ah dalalka isbaheysiga ku jira loo arki doono weerar lagu ekeeyey dhammaantood.

Taasi waxey la macno tahay iney foodda is daraan laba quwadood oo niyukliyeer ah oo caalami ah - waa Ruushka iyo Mareykankee. Waa arrin ay Reer Galbeedku aad uga taxadarayaan inaaney dhicin, oo ay aaad uga fogaadaan.

Duqa magaalada Warsaw, Rafal Trzaskowski, oo ka qeyb galey mudaaharaad "Warsaw iyo midnimada Ukraine" oo dhacey 17-kii bishii hore ee February

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Duqa magaalada Warsaw, Rafal Trzaskowski ayaa dalbadey gargaar caalami ah oo dheeri ah

Duqa magaalada Warsaw ahna siyaasi caan ah, Rafal Trzaskowski, ayaa ii sheegay in waddankiisu aanu argagaxsaneyn, balse ay dadku bilaabeen iney su'aalo weeydiiyaan, gaar ahaan kadib markii gantaallada Ruushka lagu garaacey meel u dhow xuduudka Poland, iyo isbaheysiga NATO oo ka hadley in Ruushku qorsheynayo weeraro kiimiko ah.

Duqa magaalada, ayaa ku adkeystay in loo baahan yahay in dhibaatada qaxootiga xal degdeg ah laga gaaro.

Waxa uu sheegay in mid kamid ah hadafyada Madaxweyne Putin ay tahay in la kala qeybiyo, markaa kadibna la wiiqo Reer Galbeedka.

"Putin wuxuu ku faraxsan yahay inuu isticmaalo warar been abuur ah, ololeyaal aan rasmi aheyn iyo abuurista qalalaase qaxooti," ayuu ku dooday Mr Trzaskowski, isagoo ka digay "haddii tirada qaxootiga ay sii korodho, in nidaamka dalka Poland uu burburayo."

Waxa uu ka dalbadey kaalmo caalami ah oo dheeraad ah, hey'addaha Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, marka la eego caawinta wax ku oolka ah, gargaarka maaliyadeed iyo hoysiinta qaxootiga ee dalalka kale.

Maamulka Midowga Yurub ee saldhigiisu yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, ayaa sheegay in dadka reer Ukraine lagu soo dhoweynayo guud ahaan dalalka Midowga Yurub. Sidoo kale ururku wuxuu lacag ugu yaboobay dalka Poland

Laakiin maamulka dowladda Poland, ayaa sheegay ineysan ku filneyn dhaqaalaha looggu yaboohay. Guddiga Midowga Yurub, ayaa ka walaacsan sheegista tirooyinka saxda ah.

Duqa magaalada Trzaskowski, ayaa sidoo kale ka codsadey Ingiriiska inay "ka takhalusaan khadda cas" oo ay u oggolaadaan qaxootiga reer Ukraine iney si fudud u galaan dalka Ingiriiska.

Waxaa la oran karaa, dowlada Poland waagii hore xanuunkii ay soo martey, waxey ka dhigeysaa mid aad uga walaacsan mustaqbalka.

Imaanshaha qaxootiga reer Ukraine ee dalka Poland, waxey kicisay xusuus qaran oo dagaal, waxaana ku xigay tobanaan sano oo uu Midowgii Soofiyeeti qabsadey oo uu heystay.

Toddobaadkan magaalada Warsaw, waxaan kula kulmay Kristina oo reer Poland ah iyo saaxiibteed, oo ku mashquulsan sameynta xargaha midnimada calanka Ukraine.

"Ma heysto lacag aan dadka ugu deeqo, waana da weynahay, oo qori ka qaadi karo," Kristina ayaa sidaasi nolosheeda iyo xaaladda ay kusugan tahay u sharaxday," sidaa darteed waxaan u sameeyaa qaxootiga wixii aan awoodo. Qeyb ahaan, sababtoo ah waxaan u cabsanayaa nafteyda berrito."