Diyaarad yar oo ay Xisbullah u dirtay Falastiin oo ay Israaiil ka hadashay

Xisbullaah

Xigashada Sawirka, alahed news

Qoraalka sawirka, Xisbullaah

Jimcihii lasoo dhaafay, dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xisbullah ayaa diyaarad drones ah u diray dhinaca dhulka la heysto ee Falastiin.

Bayaan kasoo baxay Xisbullaahi ayaa dood ka dhex abuurtay baraha bulshada kaas oo u dhexeeyay taageerayaasha kooxda iyo dadka kaoso horjeeda.

"Diyaaradda Drones-ka ee Xasan waxay beegsatay goobtii loogu talagalay muddo 40 daqiiqo ah ayay sahmin ku jirtay" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xisbullah.

Bayaanka ayaa tilmaamay in "hawgalka sahaminta uu socday 70 kiiloomitir waqooyiga Falastiin ee la haysto."

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gebagebeeyey, "In kasta oo cadowgu isku dayo badan oo is daba joog ahaa uu ku doonayey in lagu soo rido, haddana diyaaradda Xasan waxay si nabad ah uga soo laabatay deegaannadii ay heysteen.

Isaga oo ka jawaabayay bayaanka kasoo baxay Xisbullah, afahayeenka militeriga Israa'iil Avichai Adraee wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidatan, ""Baaritaankii ugu horreeyay ee la sameeyay, waxaa caddaatay in horraantii maanta, diyaarad yar oo aan duuliye lahayn laga arkay gudaha Lubnaan xilli ay u duulaysay dhanka deegaanada Ka dib markii ay ku xad-gudbeen madax-banaanida Israa'iil, waan ka dabo tagnay iyadoo la eegayo nidaamka la socodka diyaaradaha, waxaana heegan la geliyay diyaaradaha dagaalka iyo kuwa khumaatiga u kaca"

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Wuxuu intaaku daray, "Waxaana gantaal laga soo ganay nidaamka difaacyada gantaallada uu qaban waayay diyaaradda Drones-ka, waxaana hawada loo diray qalabka digniinta ah, daqiiqado kadib diyaaraddii Drones-ka aheyd waxay dib ugu laabatay dalka Lubnaan, xaaladdana wey degen tahay"

Sida laga soo xigtay afahayeenka, Jimcihii ciidamada Israa'iil waxay soo rideen diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin oo ay lahaayeen Xisbullaah.

Taageerayaasha Xisbullaah

Taageerayaasha Xisbullaahi ayaa baraha bulshada si weyn uga hadal hayay diyaaradda Drones-ka ee "Xasan", waxay bogaadinayeen tallaabada ay qaaday xilli si nabdoon ay ugu soo laabtay Lubnaan.

Ghassan Jawad, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo aad ugu dhow Xisbullah, ayaa ka hadlay arrinta : " Dhaqdhaqaaqa iska-caabintu wuxuu ku dhawaaqayaa waa cusub oo loogu talagalay fikradda xoogga, ka-hortagga, iyo isu-dheellitirka istaraatiijiyadeed ee cadowga, socod sax ah iyo gantaallo lagu farsameeyay maskaxda iyo hubka Lubnaan, waana tusaale. maxaa lagu gaari karaa dowladnimada dhabta ah...."

Dad badan ayaa bogaadinayay Xasan Al Qeys oo ay ururka Xisbullaah magaciisa u bixiyeen diyaaradda Drones-ka.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Waa kuma Xasan Al la Qeys?

Xasan Al La Qeys, oo ka mid ahaa taliyayaasha sare ee Xisbullah, ayaa lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala Beirut sanadkii 2013-kii.

Al Laqeys waxaa loo yaqaanay inuu ahaa mid ka mid ah maskaxda ugu muhiimsan ee Hezbollah, oo masuul ka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ururka.

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

Dadkii kasoo horjeday Xisbullaah

Dhinaca kale, dad badan ayaa dhaleeceeyay tallaabada uu Xisbullah u diyaaradda ugu diray Israa'iil , iyagoo u arkayay in waxa xisbigu sameeyay uu ahaa "in ay ku ciyaareen dab iyo dhibaatada ay kala kulmi karaan diyaaradaha dagaalka Israa'iil ee Beyruut."

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 4

Diyaaradaha Drones-ka ee Xisbullaah

Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrallah, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ururka "uu muddo bilaabay samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn"

Nasrallah waxa uu yiri "Waxa aanu awood u leenahay in aanu kumanaanka gantaaladayaga u badalno gantaalo sax ah oo awood leh ,waxa aan bilownay sanado ka hor oo aanu tiro badan oo ka mid ah u badalnay kuwo sax ah,uma baahnin in aanu ka soo wareejino dhinaca Iran"

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan sidoo kale bilownay dhaqdhaqaaqyada aan wax ku soo saareyno muddo dheer, uma baahnidn inaan ka keeno Iran."