Sida isticmaalka Baraha Bulshada ay u waxyeeleen karaan caafimaadka indhaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhakhaatiir muddaba Soomaaliya ka wadday howlgal lagu dabiibayo bukaannada qaba xanuunnada ku dhaca indhaha, ayaa sheegaya in xanuunnada ugu badan ee ay diiwaangaliyeen ay ku jiraan caadka indhaha daboola, iyo biyaha, oo u badan dadka da'da ah.
Dhakhaatiirtu waxaa kale oo ay ogaadeen in dhalinyarada ay indhahooda qallalaan arrintaas oo ay u aanaynayaan isticmaalka badan ee baraha bulshada iyo soo jeedka habeenkii, halka ay jiraan carruur araggoodu hooseeyo iyo kuwo indhahoodu ay qalloocaan.
Howlgalkan oo dhowr magaalo ay dhakhaatiirtu ku mareen ayaa waxaa ka faa'iidaystay boqollaal qof, haatanna waxa ay qalliinno ka fuliyeen magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dr Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) oo ka mid ah dhakhaatiirtaasi oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in howlgalkna oo loogu talogalay in wax looga qabto dhibaatooyinka indhaha ee dalka uu labo bilood kahor ka soo bilowday magaalada Hargeysa, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, kaddibna dhowr magaalo laga sameeyay qalliinka indhaha.
Dhaqtarka ayaa sheegay in sababo dhowr ah lagu xushay magaalooyinka ay haatan ka wadaan qalliinka, "Muddoba way socdeen howlahan, magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho iyo Hargeysa isbitaallo waaweyn ayaa ku yaalla, laakiin dadku ma soo wada gaari karaan. Hadda Balcad iyo Muqdisho 30km ayay isu jiraan waxaana ugu nimid dad fara badan oo sanado badan indho la'aa oo soo gaari waayay inay Xamar yimaadaan oo ay isku qalaan," ayuu yiri Dr Maxamuud.
"Waxaan diiradda saarnay in meeshooda loogu tago dadka masaakiinta ah ee aan soo kici karin," ayuu intaas ku daray dhaqtarka.
Dr Maxamuud ayaa sheegay in sanadkiiba labo jeer ay tagaan magaalooyinka, isla markaana ay howshooda qalliinka indhaha ku saleeyaan hadba magaalada ay baahida ka jirto.
Qalliinkan indhaha ayuu dhaqtarku sheegay in haatan ay ku sameynayaan si bilaash ah, balse ay jirto in mararka qaar bukaanku uu bixiyo kharash yar.
Waa sidee xaaladda indhaha ee dadka ay la kulmeen?
Dr Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) ayaa sheegay in xaaladda indhaha ee dadka ay ku xiran tahay da'dooda, "Dadka da'da ah waxaa ku badan caadka indhaha daboola, kuwaas oo loo sameeyo qalliinka indhaha oo aad casri u ah, sidoo kale biyaha indhaha ku furma ayaa dadka waaweyn ku badan kuwaasna dawo ayaa la siiyaa ama waa laga qalaa,"
"Dhalinyarada waxaa ku badan soo jeedka iyo isticmaalka faraha badan ee baraha bulshada taas oo halis weyn gelisa indhahooda, iyaga waxaan siinnaa dawooyin iyo talo iyo muraayado. Carruurtana waxaa ku badan indhaha qallooca iyo xasaasiyadda indhaha," ayuu yiri dhaqtarka.
Dr Maxamuud ayaa sheegay in ujeeddadoodu ay tahay in wixii awooddooda ah ay ku caawiyaan bulshada dhibaatada indhaha ay heysato ee qaarkood aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka qalliinka indhaha.
Dhaqtarka ayaa kula taliyay dhalinyarada inay iska ilaaliyaan isticmaalka badan ee baraha bulshada oo habeenkiina ay xilli fiican seexdaan, isagoo sheegay in taasi laga qaado indhaha oo qallala.
Xalka
Dhaqaatiirka waxa ay qabaan in ay ay jiraan xalal kala duwan, waxaana ka mid ah in uu qofka yareeyo iftiinta shaashadda taleefoonka, sidoo kale in taleefoonka aad ku dhajisid shaashado aanan shucaac lahay.
Waxaa kale oo ay dhaqaatiirta xal u arkaan in aan nafis ka qaadatid taleefoonka oo aad cabbaar ka jeedsatid ama aad ka mashquushid.










