Muxuu yahay sharciga muranka ka dhaliyay Masar ee awoodda siinaya xaaska koowaad?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baraha bulshada ee dalka Masar waxaa ka taagan qalalaase ka dhashay sharciga cusub ee baarlamaanka oo looga gol leeyahay in dambi laga dhigo in xaas labaad la guursado iyadoon loo sheegin xaaska koowaad.
Xildhibaanad Amal Salama oo ka tirsan baarlamaanka dalka Masar ayaa ku baaqday in guurka labaad laga dhigo mid dambi ah haddii aan xaaska koowaad lagu wargelin marka ninku go'aansado inuu mid labaad guursado,iyadoo intaa ku dartay in ragga sidaa sameeya ay tahay in lagu ciqaabo xariga iyo ganaax lacageed.
Hala Abuu Al-Saad oo ka tirsan baarlamaanka Masar ayaa soo jeedisay hindise sharciyeedka waxka bedelka qoraalka qodobkiisa 11-aad ee quseeya guurka badan. Barnaamijkaan ayaa muran baahsan ka dhaliyay baraha bulshada ee dalka Masar.Dadka qaar ayaa dhaleeceeyay qaarna way soo dhaweyeen.
Ka hadalka sharciga xaasaska badan kuma koobna Masaarida oo kaliya balse wuxuu ku faafay wadamada kale oo ka tirsan dalalka Carabta oo dadkooda isticmaala baraha bulshada ay hadal hayaan.
Zakariya Al Muharrami oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: "Waxaan jeclaan lahaa in sharcigan uu Cumaan ka jiro waa sharciga mamnuucaya xaasaska badan marka laga reebo dumarka laga dhintay iyo kuwa la furay."
Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Masar, Muftiga ugu weyn Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Dr Shawki Allam, ayaa xalliyay arrinta guurka xaaska badan iyo muranka ka dhashay.
Wuxuu sheegay in guurka badan uu yahay xal wanaagsan hase yeeshee marka lagu dhaqaaqayana loo baahanyahay in laga eego dhinacyo badan sida inuu qofku awoodo iyo in uu qaadi karo mas'uuliyadda guurk.Dhankiisa, daaciga lagu magacaabo Cabdullaahi Rushdi ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray: "Ilaah wuu oggolaaday guursiga badan, wuxuuna u jideeyay inuu ninku u cadaallad sameeyo haweenkiisa.
Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay kiisaska hadal haynta badan dhaliyay ee la xiriira masayrka ama hinaasaha yimaada marka uu ninka guursado xaas labaad.
In kasta oo ay guursashada xaasaska badan ay tahay mid soo jireen ah oo ay xitaa diinta Islaamka banaysay haddii uu qofka ka soo bixi karo shuruudaha ay diinta fartay ayaa waxaa haddana arrintaan dhawaanahaan sara u qaaday hadal haynteeda baraha ay bulshada ku wada xiriirto.












