Ninka xaaskiisa u dhisay guri u eg Taj Mahal si uu jacaylkiisa ugu muujiyo

Xigashada Sawirka, Anand Prakash Chouksey
Ganacsade u dhashay dalka Hindiya oo 52 jir ah ayaa u dhisay guri yar oo laga dheegtay aqalka caanka ah ee Taj Mahal xaaskiisa oo 27 sano ay isqabeen.
Anand Prakash Chouksey wuxuu ka dhisay "taalladiisan jacaylka" magaalada Burhanpur ee gobolka badhtamaha Hindiya ee Madhya Pradesh.
"Waxay hadiyad u ahaa xaaskayga laakiin sidoo kale magaalada iyo dadkeeda," ayuu Mr Chouksey u sheegay BBC.
Gurigan ayaa dhismihiisa ku kacay ilaa 20 milyan oo rupees (£199,000; $260,000), ayuu yidhi.
Taj Mahal waa dhisme la sheego in la dhisay Qarnigii 17aad, waxaana dhisay Mughal Imbaraadoor Shah Jahan si loogu xasuusto boqoraddiisi Mumtaz oo geeriyootay xilligii ay umulaysay cunugoodii 14-aad.
Taallada yaabka leh, oo caan ku ah quruxda iyi xajmigeeda, waa mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee dalxiiska ee Hindiya. Kahor masiibada Karoona, waxay soo jiidan jirtay ilaa 70,000 oo qof maalin kasta - liis ay ku jiraan dad caan ah iyo mudanayaal waaweyn.
"Dadku waxay ku socdaan cawska waxayna ku galaan sawirro, dad badan ayaa sidoo kale bilaabay inay halkan ku sawirrada ka soo horreeya arooskooda" ayuu Mr Chouksey sii raaciyey hadalkiisa.
"Ma joojinayo cidna, sababtoo ah magaaladayada, waxaan nahay bulsho isku xiran oo qof walbaa yaqaana qof walba. Markaa gurigaygu waa u furan yahay dhammaan."
Mr Chouksey ayaa sida oo kale wuxuu sheegay in aan dhammaan dadka soo booqda guriga gudihiisa loo ogolayn sababtoo ah " waa gurigeenna, aan ku noolnahay" ayuu sheegay.
Laakiin mararka qaarkood, qoysku waxay u riyaaqaan martidooda u imanaysa ee la yaabban guriga qaabkiisan quruxda badan - naqshadaha ubaxa ee macmalka ah ee qurxinaya derbiyada marmarka ah iyo sagxadaha, iyo daaqadaha fidsan ee sare ayaa dad baadan ashqaraar ku rida.
Gurigu wuxuu ka kooban yahay laba qol oo hurdo ah oo waaweyn oo ku yaal laba dabaq oo kala duwan. Waxa kale oo ay leedahay maktabad iyo qol jimicsiga ah.

Xigashada Sawirka, Anand Prakash Chouksey
Inkasta oo Taj Mahal uu ahaa dhiirigelinta kama dambaysta ah, Mr Chouksey wuxuu sheegay in gudaha uusan ahayn mid si Islaami ah oo nashqadeysan balse ay ku dhex milmeen saameyn casri ah, taas oo ay ka mid tahay fadhiga ay dhigteen iyo daahyada guriga.
Dhisidda gurigan laga dheegtay dhismaha caanka ah, waxay qaadatay saddex sano iyo booqashooyin isdaba joog ah oo lagu tagay magaalada Agra, halkaas oo Taj Mahal ku yaal, si Mr Chouksey iyo xaaskiisa ay u baran karaan dhinacyo kala duwan oo ku saabsan dhismahan, si koodana tabtaa ugu eekaado.
"Waxaan sida oo kale isticmaalnay sawirro badan oo 3D ah oo Taj Mahal ah oo internetka ah si aan u dhisno annaguna kaayaga," Mr Chouksey ayaa ku daray.
Mr Chouksey ma aha qofkii u horreeyey ee ay saamayso quruxda Taj Mahal.

Xigashada Sawirka, Anand Prakash Chouksey
Sannadkii 2013-kii, sarkaal dawladeed oo shaqada ka fadhiistay oo ku sugnaa gobolka woqooyiga Hindiya ee Uttar Pradesh ayaa isna sameeyay guri u eeg Taj Mahal oo uu ku xasuusan doono xaaskiisa.
Balse Mr Chouksey ayaa sheegay in gurigiisa uusan u go'neyn xaaskiisa oo keliya.
"Maanta waxaa dalkeena ka jira nacayb badan, dadka waxaa lagu kala qeybinayaa magac diin iyo qolo" ayuu yidhi.
Ra'iisal wasaare Narendra Modi ee Hinduuga wadaniga ah ee xukuumada BJP ayaa si weyn loogu eedeeyay inay Hindiya ka dhigayso dulqaadkii diimaha ay lumayaan.
Mr Chouksey ayaa sheegay in uu doonayo in uu "jaceylkaas fidiyo" xilliyadan murugada leh.
"Annaga gurigayagni waxa uu astaan u yahay jacaylkaas - kaas oo ka baxsan khilaafkeenna bulsho iyo buuqa siyaasadeed". ayuu yidhi











