"Sababta aan u doorbiday in ninkeyga toogasho lagu dilo"

Vanesa Avila oo sidata sawirka seygeeda oo ka mid ah dadki ku dhintay rabshadihi xabsiga ka dhacay

Xigashada Sawirka, Andrés Loor

Qoraalka sawirka, Vanesa Avila oo sidata sawirka seygeeda oo ka mid ah dadki ku dhintay rabshadihi xabsiga ka dhacay

Vanesa markii ay maqashay iney xabsiga rabshado ka dhaceen waxay soo aaday xabsiga si ay u ogaato waxa xabsiga ka dhacaya, balse markii ay xabsiga u soo dhawaatay waxay maqashay dhawaqa rasaasta iyo bambaanooyinka xabsiga ka dhacaya.

Seygeeda Jorge ayaa ku jira gudaha xabsiga darbiga shubka ku wareegsan.

"Waxaan dibadda ka maqleynay dhawaqa rasaasta oo gudaha xabsiga noola muuqday. Waxayna u muuqdeen iney dadkii isdilayeen. Booliskana waxaan ka baryeynay iney rabshadaha xabsiga ka taagan ay wax ka qabtaan."

Balse iyadu awood ma lahayn. Vanesa waxay ka mid noqotay qoysaska tuban dibadda xabsiga ee ay eheladooda ku xiran yihiin xabsiga Guayaquil's notorious Litoral, si ay wax war ah uga helaan.

"Waxaan billaabay inaan farriimo qoraal ah u diro, iyo inaan si isdaba joog ah u waco balse wax jawaab ah kama heleyn."

Jorge oo lagu qabtay maandooriye ayaa lagu xukumay 8 bilood oo xabsi ah, oo u dhammaan lahaa bishii June. Balse maamulka xabsiga oo sii deyntiisa ka dib dhacay awgeed weli xabsiga ayuu ku jiraa.

Vanesa waxay isku dayday wax kasta oo karaankeeda si seygeeda loogu soo daro liiska maxabiista ee xabsiga laga soo deynayo.

"Waxaanna u sheegay inuusan welwelin, warqadna ay garsooraha u dirtay hadduu ilaahey yiraahdana uu toddobaadkan xabsiga ka soo baxayo."

Barqanimada isla maalinti uu xogta soo weydiiyey oo goobteeda shaqada ku sugan tahay, saaxibbadeed waxay u sheegeen inuu xabsigu uu ninkeeda ku jira ay rabshado ka billowdeen.

Xabsigaasi oo ay ku jiraan maxabiis ka badan 8,000 waxay u qaybsan yihiin 12 dhismo oo xabsigaasi ku yaalla. Jorge wuxuu ku jiraa dhismaha shanaad oo ah halka ay rabshaduhu ka billowdeen.

Vanesa ilaa iyo 4-ta galabnimo waxay sugeysay iney wax war ah ka hesho waxa ka dhacay xabsiga balse ma eysan helin.

Alex Burbano aya sheegay inuu walaalkiis u dhintay dhiig bax maskaxda ah

Xigashada Sawirka, Andres Loor

Qoraalka sawirka, Alex Burbano aya sheegay inuu walaalkiis u dhintay dhiig bax maskaxda ah

Maalin kaddib, mid ka mid ah qaraabadeeda ayaa qolka meydka ka soo wacay wuxuuna Vanesa u sheegay iney meydka seygeeda heleen.

"Ilaahey ayaan u mahadceliyey markii aan meydkiisa qolka meydka ka soo saarnay aanna arkay inuu jirkiisa wax jirdil ah ka muuqan, marka laga reebo xabbad madaxa kaga dhacday," ayay tiri iyada ilmada dib u cehsaneyso.

Wax yar kaddibna geerida seygeeda waxay ku wargelisay wiilkeeda 11 jirka ah.

Jonathan Burbano waa mid ka mid ah maxabiista ku xirneyd sdhismaha shanaad. Walaakii wuxuu sheegay meydka walaakii narka ay soo qaadayeen jirkiisa inuu madoobaa oo uu gubtay gaar ahaanna wajiga iyo gacmaha uu si aad ah uga gubtay.

"Wuxuu u dhintay dhiig bax dhinaca maskaxda ah. Wax dhaawac oo sidaa u weyn jirkiisa kama muuqan waxaanna u maleynayaa iney dhimashadiisu sababtay qarax bam gacmeed," ayuu yiri walaalkii Alex.

Isla maalintii ay xabsigaasi rabshadaha ka dhaceen, waxaa la shaaciyey 118 qof iney rabshadaha xabsigaasi ka dhacay ku dhinteen, taasoo ka dhigeysay xabsiga ugu dhimashada badnaa taariikhda waddamada Laatiin Ameerika.

Dadka dhintay intooda badana waxay ahaayeen maxabiista ku jirtay dhismaha shanaad ee xabsiga oo maxabiista ku dhimatay.

Xabsiyada dhibaataysan

Xasuuqa 29-ka December ka dhacay xabsig ma aha oo keli ah dhibaatooyinka xabsiyada ka dhacay. Bil ka horna 20 qof oo kale ayaa lagu dilay isla xabsigan dhismahiisa labaad. Bishii Fabraayo isla sanadkaasina rabashado kuwaa la mid ah oo ka dhacay xabsiga waxa ku dhintay 20 qof.

Nidaamka xabsiyada Ecuador sanado badan waxaa la soo darsay shaqaale la'aan iyo maamul xumo.

"Immisa sarkaal ayaa gacanta ku haya xabsigaas? Waxaan dhihi lahaa in ku dhow 80 qof ama ka yar, oo looga talagalay inay ilaaliyaan 8,000 oo maxbuus," ayuu yiri Pablo Arosemena, oo ah guddoomiyaha gobolka Guayas oo ah halka uu xabsiga ku yaalla.

Askarta xabsiyada ayaa inta badan isku arkaan in ay maxaabiistu ka awood badan yihiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askarta xabsiyada ayaa inta badan iisu arka inay maxabiista ka awood badan yihiin.

Maxabiista rabshadaha ay xabsiyada ka sameeyaan intooda badan waxay ka dhashaan gacan ku haynta maamulka dawooyinka iyo adeegyada kale ee gudaha xabsiga ka jira.

"Xabsigu waa xafiiska kaliya ee ay kooxuhu ku dejiyaan qorshayaashooda," ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

"Xabsiga waxaa maamula maxaabista, musuqmaasuqana uu yahay waxa sabab rabshadahaasi" ayuu yiri Abraham Correa sargaal hore o bileys ah xabsiyadana muddo dheer ka shaqeeyey.

Dal jilba joogsaday

Xabsiyada Ecuador waxaa marar badan ka dhaca rabshado xooggan oo la mid ah kuwa ka dhaca Colombia.

Waxaana xabsiyada intooda badan lagu dhex ganacsadaa maandooriyeyaasha sida kookeynta iyo maandoorayaasha noocyadooda kale, arrimahaasi oo sababa rabshado ballaadhan oo halkaasi ka dhaca.

Tirakoobyo rasmi ah oo halkaasi laga sameeey ayaa muujinaya in sanadkan dalka Ecuador gudahiisa ay ka dhaceen in ka badan 1,900 oo dil, halka ay sanadki hore dhaceenna 1,400 oo dil.

Dibadda xabsiga Litoral prison

Xigashada Sawirka, Andrés Loor

Qoraalka sawirka, Qoysaska maxabiista ku jirta xabsiga Litoral oo dibadda xabsiga ku sugan si war u helaan

Rabshadaha ugu dambeeyey ee dalkaasi ka dhacay ee wakhtiyadi u dambeeyey isasoo tarayey waxaa sababay markii la baahiyey muuqaal ku saabsan wiil 11 jir ah oo la dilayo.

Sida muuqalka CCTV ka muuqato Tomas Obando, xaaskiisa iyo wiilka yar ee 11 jirka ah Sebastian waxay u socdeen dukaan jallaatada lagu iibiyo oo ku yaalla Guayaquil.

Dukaanka jallaatada lagu iibiyo waxaa ku jiray askari boolis ah kaddibna tuug ayaa soo galay.

"Marweliba tuugada sida ay wax u dhacaan waa mid argagax leh, gacanna qori ayey ku qabsanayaan, gacanna wixii aad haysato ayey kaaga qaadanayaan" ayuu yiri.

"Haddaba ninkii tuugga ahaa ayaa soo abbaaray halkii aan joognay balse wuxuu illaaway inuu goobta uu askari boolis ah uu ku sugan yahay, markiiba ninkii dukaanka joogay ayaa ku qayliyey tuug tuug, askarigina tuuggii ayuu qori ku taagay kuna yiri Istaag,"

Tuugii ayaa markaa qorigiisii kor u taagay. Sida Muuqaalka ka muuqata, Tomas ayaa gacmaha kor u taagay oo wajahay tuuggii.

Toogashada sida ay u dhacday

Marka ay xabaddu bilaabatay, Tomas wuu soo jeestay si uu u isugu dhigo carruurtiisa wuxuuna Sebastian ku tuuray dhulka. Ilbiriqsiyo ka dibna, waxaa la arkayaa Sebastian oo dhiig dhex jiifo.

"Ninbaa iga caawiyey wiilkeyga inaan isbitaalka geeyo. Balse nasiib darro markii aan isbitaalka geynay ma nooleyn," ayuu yiri Tomas.

"Meydka wiilkeyga oo naxashka saaran markaan arkay, waxaa jirkiisa iiga muuqatay afar xabbadood oo ku taallo waxayna xabbaduhu kaga dhaceen wadnaha iyo beerka."

"Ma garanayo inta xabbo ee ku dhacday wiilkeyga iyo cidda soo ridday, ma booliskaa soo riday mise ninkii tuuga ahaa, ma garanayo."

Xaaladda degdegga ah

Muuqaalka dilka wiilka yar loo geystay ayaa dalka oo dhan ku baahay, waxaana ka dhashay buuq xooggan. Madaxweynaha Ecuador Guillermo Lasso wuxuu maalintii xigtay uu ku dhawqaaqay xaalad degdeg ah.

Tani waxay siisay qaranka awood uu ku joojiyo xoriyada isu imaatinka iyo in ciidamadu ay ka caawiyaan booliska sugida amniga.

Waxaan aragnay baaritaanno lagu sameynayo baabuurta Guayaquil, iyo ciidamada oo hub iyo walxaha qarxa gawaraada ka baaraya.

Balse dadka xaaladda degdegga ah dhaleeceeya ayaa sheegaya in tallabadaasi ay ahayd mid aad u yar, aadna u daahday. Maalmo yar ka dibna, Orodyahankii hore ee Olombikada Alex Quiñónez ayaa lagu dilay wadada Guayaquil, iyadoo dhac kale oo aad u badanna ay magaaladu ka dhaceen.

Sonia Quinones

Xigashada Sawirka, Andrés Loor

Qoraalka sawirka, Sonia Quinones