Xabsiyada Dunida: Shanta dal ee ugu maxaabiista yar caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka caalamka waxaa ku nool in ka badan 11 milyan oo qof oo maxaabiis ah, sida laga soo xigtay warbixin dhowaan ay daabaceen Bulshada Maxaabiista Dunida (WPPL), taas oo ku jirtay daraasad uu sameeyay Machadka Baarista Siyaasadda Dembiyada (ICPR), ee Jaamacadda London, Birkbeck.
Mareykanka ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin rubuc ka mid ah maxaabiista dunida, iyadoo 68% ay sii kordhayaan tirada maxaabiista ee ku jira xabsiyada dalka Cambodia, 61% oo ku ku jira kuwa Nicaragua iyo 53% dalka Masar ah.
Inkastoo tirada maxaabiista ee dalalka qaar ay u muuqdaan in ay sii kordhayaan, waxaa jira dalalka qaar oo ay ku nool yihiin maxaabiis aad u yar.

Xigashada Sawirka, AFP
1: San Marino
Jamhuuriyadda San Marino waa dal yar oo buuralley ah oo saaran xeebta Talyaaniga.
Waa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan marka la eego dakhliga sannadkii kasta. Dalkaas waxaa ku nool bulsho yar oo ay tiradoodu gaareyso 40,000.
Keliya hal xabsi oo rasmi ah ayaa ku yaalla, iyo dhowr xarumo oo si ku meel gaar ah dadka loogu xiro, gaar ahaan gudaha saldhigyada booliiska.
Bishii January 2020, dalkaasi labo maxbuus keliya ayaa xabsi lagu xukumay. Inta badan dadka ay maxmakadda xukunto waxay waqtigooda ku qaataan xabsiyada Talyaaniga. Labada maxbuus ayaa la sii daayay 15-kii April.
Bisha April 26, 2020, maxbuuska keliya ee ku jiray xabsiga San Marino waxaa la geeyay xabsi leh maktabad gaar ah, jiim, iyo telefishin, si looga ilaaliyo inuu cidlo dareemo.
In dalkaasi uu leeyahay maxaabiis yar waxaa loo aaneeyay kiisaska dembiyada oo yar, sababtoo ah waa dal qani ah oo bulsho yarna ay ku nool yihiin.
2: Liechtenstein

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kani waa dal kale oo yar oo ay ku nool yihiin bulsho ka yar 40,000 sida lagu xusay tirakoobkii bulshadaas ee 2019.
Warbixin ay soo saartay waaxda xabsiyada adduunka ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu leeyahay hal xabsi oo ay ku jiraan in ka yar 20 maxbuus.
Dadka lagu xukumay xabsiga ay muddadiisu ka badan tahay labo sano ayaa la geeyaa dalka Australia.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, sannadkii keliya ee dalkaasi laga diwaan geliyay tirada ugu sarreysa ee maxaabiis wuxuu ahaa 1997, markaas oo ay xabsiyada dalkaasi ku jireen 75 maxbuus.
Sida laga soo xigtay dalladda Mentalfloss dalkaas ayaa la sheegay in heerka falalka dembiyadu ay yar yihiin. Kiiskii ugu dmabeeyay ee dilka wuxuu dhacay sannadkii 1997.
Sababo la xiriira dembiyadiisa oo yar, ayaa la sheegay in dadweynaha ay cabsi la'aan ku seexan jireen iyaga oo aan albababada iyo daaqadaha xiraneynin isla markaana lugeynaya habeenkii.
3. Tuvalu

Xigashada Sawirka, GIGAZINE
Tavalu, waa jasiirad ku taalla Badweynta Baasifigga Koofureed. Waa jasiirad madxa bannaan oo ka tirsan Barwaaqo sooranka England.
Waxay ka kooban tahay sagaal jasiirado oo yar yar, ayna ku nool yihiin in ka yar 15,000 oo qof. Jasiiradaha waxay ku yaallaan Hawaii iyo Australia.
Sida waxada xabsiyada laga soo xigtay intii u dhaxeysay 2000 iyo 2012, Tuvalu waxaa keliya oo xabsi ku jiray 36 maxbuus, iyadoo 2012 laga diwaan geliyay tirada maxaabiista ugu badan.
Sanadkii 2007 keliya saddex maxbuus ayaa xabsiyada ku jiray, sannadkaas oo dhan. Maadaama ay ku nool yihiin bulsho yar, waxaa loo aaneeyay inay yar yihiin kiisaska dembiyada.
4. Andorra

Xigashada Sawirka, PRISON INSIDER
Andorra wuxuu ka mid yahya dalalka kale ee yar ee ay xabsiyadiisa ku jiraan maxaabiista yar, keliya hal xabsi oo weyn ayaa ku yaalla oo lagu magacaabo La Comella, waxaana ku jira maxaabiis ay tiradoodu ka yar tahay 150.
Marka baaxadda xabsiga la eego, ma badna maxaabiista ku jirta, celcelis ahaan 30 ilaa 60 maxbuus ayaa sannadkii la geeyaa.
Sida laga soo xigtay Golaha Yurub, 15-kii April, 2020, Andorra waxaa keliya oo xabsi ku jiray 43 maxbuus.
5. Nauri

Xigashada Sawirka, Google
Waa jasiirad yar oo ku taalla waqooyi-bari Australia. Bankiga Adduunka ayaa sannadkii 2019 ku qiyaasay in bulshada dalkaas ay gaarayaan 12,500 oo qof.
Ilaa 2014 waxaa keliya ku yaallay hal xabsi.
Warbixinta waaxda xabsiyada ayaa lagu sheegay in sannadihii 2003 iyo 2012, ay dalkaasi ku jiraan wax ka yar 70 maxbuus.












