Maxaabiis is weydaarsiga Taliban iyo reer Galbeedka

.

Taliban-ka Afghanistan ayaa soo daayay laba qof oo u dhashay dalalka reer Galbeedka oo ay ku bedesheen saddex miditiinta sar sare ka tirsanay oo xidhnaa, sidaan waxa tibaaxday xog laga halay Taliban.

Kevin king oo Maraykan ah iyo Timoty Weeks oo Autralian ah ayaa la sii daayey muddo saddex sannadood ah ka dib oo laga af-duubay jaamacadda American University of Afghanistan ee Kabul ku taal horteeda, halkaas oo ay borofessorro ka ahaayeen.

Saddexda mitidiinta ah ee la sii daayey ayaa iyaguna Qatar yimid oo Afghanistan laga keenay waana qorsho maxaabiista la isku dhaafsanayo.

Saraakiil Afghaniyiin ah ayaa sheegay in heshiiskaa ujeedadiisu tahay in dib loo bilaabo wada hadalladii lala laaa Taliban.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa todobaadkii hore yidhi go'aanku wuxu ahaa "mid adag laakiin muhiim ah" iyo sidoo kale "gacan aadamenimo".

Maxaabiista la sii daayey wax aka mid ah Anas Haqqani oo ah xubin saamayn leh oo qaadhaankana u guri jiray ururka mitidiinta ah ee Haqqani iyo laba taliye oo sare oo ay xukuumadda Afghanistan jeelka ku haysay.

Anas Haqqani walaalkii oo ka wayn, Sirajuddin, waxa uu hogaamiyaha shabakad dagaal yahannada Haqqani ah waxaanu sidoo kale yahay hogaamiye ku xigeenka Taliban, ururkaas oo xafiis siyaasadeed ku leh Qatar.

Ilaa hadda ma cadda in ay lagu wareejiyey Taliban iyo in kale.

Waxa kale oo aan laga warhayn 10 askari oo Afghaniyiin ah oo Talibanku sida lagu soo waramay sheegeen in ay sii daayeen taas oo qayb ka ah heshiiskaas, sida uu ku waramay wargeyska New York Times.

Maxaabiis is weydaarsigani muxuu saamayn yeelan karaa?

Waxa la rajaynayaa in maxaabiis is dhaafsigani xoojin doono dedaalka loogu jiro dib u bilaabidda wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeyey Taliban iyo Maraykanka.

Wada hadalladaasi waxay fashilmeen bishii Sebtember markii uu Madaxweyne Donald Trump ku marti qaaday hogaamiyeyaal sarsare oo Taliban ka tirsan iyo madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani in ay ku kulmaan Camp David o ah meel Washington DC ageeda ah, ujeedaduna ahayd sidii loo soo af-jari lahaa dagaalka ugu mudada dheer kuwa Maraykanku galay.

Laakiin weerar Taliban ku qaaday magaalo madaxd Afghanistan laba maalmood uun ka hor oo ay ku dileen askari Maraykan ah iyo 11 qof ookale ayaa Trump ku dhaliyey in uu marti qaadkaa ka noqdo, waxaanu sheegay in kooxdu "malaha aanay lahayn ba awood ay ku gorgortamaan" hadii aanay awoodi karin ba in ay xabad joojin inta wada hadalladu socdaan ah aqbalaan.

Ghani wuxu khudbad uu Telefishanka ka jeediyey ku sheegay in ujeedada maxaabiis is weydaarsigaasi "si toos ah u fududayn doonto wadahadallada nabadda" hase yeeshee Taliban ayaa muddo dheer diidanaa in ay la xaajoodaan maamulka Ghani oo ay ku tilmaamaan inuu daba dhilif u yahay Maraykanka.