Bal malee makhaayad uu Robot ka adeego oo aad wax ka gadanayso?

Xigashada Sawirka, Picasa
Marka aad tagto makhaayad ama goob kale oo laga cunteeyo, haddii shaqaaluhu ay yihiin kuwo saaxiibtinimo leh oo si hagaagsan kuugu shaqaynaya waxay keenaysaa in aad ku raaxaysato adeegga laguu qabanayo.
Taas bedelkeeda, inaad la kulanto qof aad u jilicsan ama daallan u adeegaysa si hoosaysa waxa uu halis ku noqonayaa farxaddaada.
Dhaqaale yahanka caanka ah ee Kanadiyaanka ah, Harry Gordon Johnson ayaa mar yidhi: "Guusha ugu weyn ee goob ganacsi waxay ku jirtaa awoodda uu u leeyahay qofka wax gadayaa in uu si sax ah oo habboon ula dhaqmi karo macaamiishiisa."
Si kastaba ha ahaatee, wakhti xaadirkan, shaqaalaha goobaha cuntadu mararka qaar ma noqon karaan dad. Geli Cecilia, bakhaarro-robot ah oo u adeega dad, kuwaas oo adeegsada habmaskaxeed macmal ah (AI) si ay ula hadlaan macaamiisha si la mid ah sida Alexa, oo ka hadasha Amazon Echo, ama Siri, ee iPhone-ka ay kuugu jawaabi karto ooo kale.
Meelaha qaar waxaad kula kulmaysaa mishiin muuqaal ahaan uu kuu muuqdo shaashadiisu, qof gabadh oo kale ahina ka dhex hadlayso - Cecilia - oo ka soo muuqanaysa shaashadda kugu toosan.
Waxaad iyada u sheegaysaa waxa aad rabto, ama waxa aad ka dalban kartaa meelo loogu talagalay in la taabto oo shaashadda ka muuqda, kaddibna waxa aad bixinaysaa kharashka cabitaanka adiga oo isticmaalay kaadhka bangigaaga ama telefoonkaaga.
Mishinka ayaa isugu kaa daraya waxa aad u baahan tahay kaddiba waxa uu kuugu shubayaa galaas goobta wax lagu iibiyo yaalla.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Cecilia waxay ku shaqeysaa aqoonsiga codka iyo tignoolajiyada AI," ayuu yidhi Elad Kobi, madaxa fulinta ee shirkadda Israel laga leeyahay oo ka dambeysa farsamadeeda. "Waxay la hadli kartaa macaamiisha, iyo marka ay doortaan cabbitaan gaar ah, waxay samayn kartaa, cabbitaankii oo laftiisii ah."
Si habboon ayay kuugu adeegaysaa, sida ay sheegtay shirkadda samaysay, waa se haddii ugu yaraan macaamiishu aysan u joogin sheeko dheer.
Shirkadda ayaa markii ugu horreysay sii daysay robot-ka 24-kii Febraayo ee sanadkan. Tan iyo markaas waxaa horeba loogu isticmaalay munaasabadaha shirkadaha ee ay qabteen ee Microsoft, kooxda xisaabaadka ee KPMG, iyo shirkadda farsamada ee Cisco.
Macaamiisha waxay midkood ku iibsan karaan Cecilia $45,000 (£34,000), ama waxay ku kiraysan karaan mid $2,000 bishii.
Mr Kobi waxa uu rumaysan yahay in qalabkan tignoolajiyadeed ay anafici doonaan macaamiisha iyo dadka hantiilayaasha ah ee leh goobaha wax laga cuno ama cabbo.
"Shirkaduhu waa in ay ogaadaan inay u baahan yihiin inay sameeyaan waxyaabo ka duwan kuwa kale si ay u soo jiitaan dadka" ayuu yidhi. "Tiknoolajiyada iyo hal-abuurka ayaa taas samayn kara."
Celilia AI waxay sidoo kale higsaneysaa nidaamka hoteelada, garoomada diyaaradaha, garoomada kale ee kubadda cagta, goobaha kale ee ganacsiga iyo xataa maraakiibta dalxiiska.
Taageerayaasha robots-kan ayaa sidoo kale xusay inay ka caawin karaan qlabkani in baararka ay noqdaan kuwo waxtar leh.

Xigashada Sawirka, Yanu
"Mar walba waxaa jirta shaqaale yaraan, waa inaad tababartaa, laakiin markiiba way kaa tegayan, waxaa jira shaqaale badan oo kala duwan."
Waxa uu sheegay in shaqaalaha robot-ka ay gacan ka geysan karaan wax ka qabashada dhibaatadan.
"Tusaale ahaan, haddii uu qof ka dalbado isku darka cabbitaannada gin iyo tonic oo lagu sameeyey Yanu, adiga [ mulkiilaha baarku] waxaad qeexi kartaa in robotku ku shubayo afar sentimitir oo Jin ah, iyo qaddarka saxda ah ee tonic-ga iyo liin," ayuu yidhi Mr Adojaan.

Xigashada Sawirka, Marco Beck Peccoz
Silsilad baararka UK ee JD Wetherspoon xaqiiqdii ma xiisaynayo iibsashada raxan robots ah si ay uga shaqeeyaan baararkooda. "Eray ahaan - maya," ayuu yidhi afhayeen u hadlay shirkadu. "Wetherspoons waligood ma sameyn doonaan sidatan."
Haddana Yanu oo leeyahay Mr Adojaan ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay mustaqbalka iibka baararka caadiga ah ay gadan robot-kaan, gaar ahaan meelaha lagu caweeyo.Shaqaalaha baarka laftooda, ayuu ku daray, inta badan in ay hayaan hawl aan laga maarmi karin oo ah inay la tacaalaan "dadka sakhraansan". Taas ayaa mararka qaar caqabada ku noqon karta robotka, 'laakiin waannu horumarinaynaa' ayuu si raaciyey hadalkiisa
"Waxaan isku dayeynaa inaan horumarino oo ka dhigno kuwo samayn kara wadahadal, ama mararka qaar kaftami kara, ku weyddiin kara in aad ka heshay cabbitaankan, ama soo jeedin kara mid kale, ayuu yidhi Adojaan. "Qeybta ugu xiisaha badan ee mashruucan waa dadaalka lagu sameeyo waxay u muuqda in uu noolyahay oo leh habdhaqan iyo dabeecad."











