Afarta seynisyahan ee ka shaleynayo waxyaabihii ay curiyeen ee horseeday dhimashada iyo burburka badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Curinta wax cusub oo naadir ah wuxuu horseedayaa isbeddal dhanka nolosha banii'aadanka ah, qofkii hindisayna waxaa la soo dersaya farxad iyo reyreyn dhanka nolosha ah iyo xirfaddiisaba.
Dhammaan waxyaabaha la hindisay ee la soo saaray fa'iido uma lahan dunida, balse waxaa ka dhasha khasaare, waxaa jiro dad badan oo hindisay waxyaabo dhaliyay masiibo iyo murugo.
Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa seynisyahano waxyaabihii ay soo saareen dunida dhibaato ka dhaliyay, qaarkoodna waxay sameeyeen hubkii ugu halista badnaa dunida abid.
1. Robert Oppenheimer, "Aabihii bambada atoomikada"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Robert Oppenheimer, waxaa lala xiriiriyay ku lug lahaanshaha horumarinta iyo hindisaha hubka atoomikada ee nukliyeerka ah, xilliggii dagaalkii labaad ee adduunka.
Ninkan u dhashay Mareykanka ee ku takhasusay cilmiga fiisigiska wuxuu agaasime ka ahaa mashruuca Manhattan, kaas oo lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee atoomikada adduunka ah, sida ku xusan taariikhda.
Bambadan waxaa durbadiiba lagu garaacay New Mexico ka dib howlgalka loogu magac daray "Trinity" ee lagu tijaabiyay hubkaas.
Hubkii atoomikada ee lagu garaacay magaalooyiinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Japan, waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo qof.
2. Arthur Galston, wuxuu sameeyay kimiko loogu magac daray, 'Agent Orange'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arthur Galston, waa seynisyahan u dhashay dalka Mareykanka, kuna takhasusay cilmiga noolaha iyo geedaha, weliggii ma uusan fileynin in kimikadii uu hindisay loo adeegsan doono sida hub kaas oo loogu magac daray, 'Agent Orange'.
Cilmi baarista uu sameeyay waxay diiradda saareysay hormoonada geedaha iyo saameynta iftiinka uu ku yeelan karo korriinka geedaha, balse baaritaankiisa wuxuu horseeday in uu hindiso hub, kaas oo Mareykanka uu adeegsan jiray xilliggii dagaalkii Vietnam, intii u dhexeysay 1962 iyo 1971.
Kimikada 'Agent Orange' waxay militarigii Mareykanka ku buufiyeen geedaha iyo cowska ay ku dhuumanayeen ciidamadii Vietnam.
Waxay kimikadaas horseeday in geedihii caleentii ka dadaataan muddo kooban, isla markaana waxaa banaan cidlo ah soo istaagay ciidamadii Vietnam ee ku dhuumanayay keymaha.
Laga bilaabo 1962 ilaa 1970, militarigii Mareykanka ee ku sugnaa Vietnam waxay adeegsadeen 20 milyan oo Gallons oo kimikadaas ah, waxayna burburiyeen dhul beereed ballaaran si ay gacanta ugu dhigaan kuwii ku dhuumaaleysanayay halkaas.
Waxaa markii dambe la mamnuucay suntan, ninkii hindisayna wuxuu ku tilmaamay ' in si khaldan loo adeegsaday seyniska'.
"Seyniska waxaa loogu talagalay horumarinta nolosha bani'aadanka, ma ahan in loo adeegsado burburinta bani'aadanka, waa caddaalad darro in militariga uu hub ahaan u isticmaalo," ayuu yiri Arthur Galston.
3. Mikhail Kalashnikov, ninkii soo saaray qoriga AK47

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa ninka soo saaray mid ka mid ah hubka ugu caansan adduunka: waa qoriga AK-47.
Sannadkii 1947 , Mikhail Kalashnikov oo u dhashay Ruushka wuxuu sameeyay qoriga AK47 kaas oo noqday mid ka mid ah kuwa ugu caansan caalamka.
Laakiin Lacag badan kama sameynin, waxaana mar laga soo xigtay isaga oo yiri: "Waxaa dhaqaale ahaan ii wanaagsanaan lahayd anigoo sameeya mashiinka geedaha lagu jaro."
Kalashnikov qorigiisa waxa uu noqday qori rasmiga ah ee dalkii Midowgii Sofiyeeti iyo ciidanka Ruushka markii dambe.
Malaayiin qori oo naqshadiisa laga sameeyay ayaa adduunka laga soo saaray wixii xilligaas ka dambeeyay.
Warqadda wuxuu qoray markii uu 92 sano jirka ahaa, sanaddii 2012-kii, sida ay sheegeen masuuliyiinta kaniisadda. Warqaddaas uu qoray ayaa dhowaan soo shaac baxday.
Kalashnikov ayaa mar horay wax laga weydiiyay arrintan, wuxuuna ku gacan seyray inuu leeyahay masuuliyadda kuwa lagu waxyeeleyay qorigii uu isaga soo saaray. Wuxuu geeriyooday sannadkii 2013-kii.
"Waa su'aal wali maskaxdeyda ku wareeganaysa. Haddii qorigeygii uu sababay dhimashada dad badan, soo aniga ma lihi masuuliyadeeda.. Waxaan ahay qof masiixi ah", ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Qoryaha Kalashnikov ee la soo saaray xilligii Midowgii Soofiyeeti weli adduunka oo dhan ayaa laga isticmaalaa.
4. Alfred Nobel

Xigashada Sawirka, Getty Images
Alfred Nobel wuxuu ka soo jeedaa qoys injineero ah. Noble wuxuu aabihii kala shaqeeyay sameynta waxyaabaha qarxa.
Sannadkii 1864 waxaa naftooda waayay walaalkii iyo afar qof oo kale ka dib qarax ka dhashay maaddada nitroglycerin.
Labo sano ka dib, sannadkii 1866, wuxuu hindisay qaab loo adeegsan karo hubka qarxa isagoo aanan wax dhibaato ah qofka gaarsiinin, si looga hortaggo halistiisa wuxuu waxyaabaha qarxa ku dhex daray maadada 'nitroglycerin'.
Waxay curintan u horseeday in uu caan noqdo iyo in uu dhaqaale abuuro inkasta uu noloshiisa ku waayay.
Waxaana hubkaas adeegsaday militariga iyadoo hubka uu horseeday dhimashada boqollaal kun oo doolar.
Wax shaki ah kuma jiro in Alfred Nobel uu ka qoomameeyay hindisahan, wuxuuna ku dhintay Talyaaniga 10-kii bishii December sanadkii 1896.













