Hay'adda kiimikooyinka adduunka la socota oo shir degdeg ah leh

Xigashada Sawirka, EPA/ YULIA SKRIPAL/FACEBOOK
Hay'adda la socota hubka kiimikada ah ee adduunka ayaa ku shiraysa magaalada Hague si ay isula soo qaadan basaaskii hore ee Ruushka ahaa iyo gabadhiisii lagu sumeeyay UK.
Kulankan degdegga ah waxaa codsaday Ruushka, kaas oo diiday in uu ka dambeeyay weerarkaasi wuxuuna dalbaday in Britain ay soo bandhigto caddaymaha ay hayso.
Laakiin dawladda UK waxay sheegtay in "sharaxaadda la aamini karo" ay tahay in Ruushka la eedeeyo.
Dhacdadaan ayaa dhalisay xiisad dublamaasiyadeed.
Talaadadiina shaybaarka Porton Down ee UK ayaa sheegay in uusan si sax ah u xaqiijin karin cidda lahayd suntan neerfaha waxyeesha ee lagu weeraray Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia.
Shaybaarkaas ayaa horay u sheegay in darajada suntaasi ay tahay mid milatari oo dawlladi ka dambaysay, balse aysan shaqadooda ahayn in ay sheegaan cidda soo saartay.






