Maxay tahay mucjisada laga yaabban yahay ee ku duugan haradan wada lafaha ah?

Naturally preserved ancient human skeletons under snow found beside high altitude alpine Roopkund lake in Indian Himalayas.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marka uu barafka dhammaado oo uu dhalaalo oo keli ah ayaa la arki karaa lafaha haraaga ah

Lafaha bini'aadamka ayaa muddo dheer ku daadsanaa harada Roopkund, oo ku taal meel u dhaxaysa meelaha ugu sarreeya ee barafka gobolka Himalayan, kaas oo qayb ka ah Hindiya.

Harada Roopkund waxay ku taal meel jog hoose oo ah qiyaastii 16,500ft ama 5,029 mitir ayay ka sarreysa heerka badda. Haradani waxay ku taal inta u dhaxaysa saddexda figood ee sar sare ee Himalayas, kuwaas oo loo yaqaan Trishul sababtoo ah muuqaalkooda saddex-geesoodka ah.

Trishul waxaa lagu tiriyaa buuraha ugu sarreeya Hindiya, kuwaas oo ku yaal gobolka Kumaon ee Uttarakhand.

Harada Roopkund waxaa loo yaqaan " harada qalfoofka ". Halkan waxaa ku aasan lafaha bini'aadamka meel kasta oo baraflaydan ka mid ah. Sannadkii 1942-kii, nin British ah oo la odhan jirey Forest Ranger ayaa helay haradan isagoo safar ku jira.

Khubarada cilmiga Anthropology-ga iyo saynisyahannadu waxa ay darsayeen qalfoofkan muddo ku dhow nus qarni. Isla mar ahaantaana, tiro badan oo dalxiisayaal ah ayaa halkan yimaada iyaga oo doonaaya haradani waxa ay tahay in ay ogaadaa, sida oo kale ka warkeenaan qaabkeeda.

Biyaha harada ayaa ah kuwo baraf ah sanadka intiisa badan, laakiin marka loo eego xilligan, harada ayaa sii kordheysa cabbir ahaan. Marka barafka ku yaal harada uu dhalaalayo, waxaa soo muuqda qolfoofka aadamaha ee meel walba oo haradan ka mid ah daadsan.

Mararka qaarkood lafahaas waxaa la socda dhammaan xubnaha bani'aadamka sida oo aad mooddo in si fiican loo ilaaliyo. Ilaa hadda, qalfoofka 600 ilaa 800 oo qof ayaa halkan laga helay.

Si kor loogu qaado dalxiiska, dawladda Uttarakhand waxay ku tilmaantay "haro dahsoon".

In ka badan nus qarni, saynisyahannadu waxay darsayeen qalfoofyada ku jira harada waxayna isku dayeen inay xalliyaan xujooyin badan oo aan la xallin.

Su'aalo badan ayaana ku gedaaman jiritaankeeda. Tusaale ahaan, waa ayo dadkan qalfoofka ah? Sidee dadkani u dhinteen? Dadkani se xagee ka yimaadeen?

Sheeko hore ayaa laga sheegay qalfoofkan aadanaha ah in qalfoofyadan ay lahaa jireen boqor Hindi ah, xaaskiisa iyo addoommadiisa. 870 sano ka hor, iyaga dhammaantood ay u dhintaay duufaan baraf ah, sidaan halkan ay ku aasmeen.

skeleton lake

Xigashada Sawirka, Himadri Sinha Roy

Qoraalka sawirka, Haraaga dad lagu qiyaasay 600-800 oo qof ayaa laga helay goobta.

Sheekooyinka ku saabsan haradan

Marka loo eego aragti kale, qaar ka mid ah qalfoofyadan ayaa ah askar Hindi ah oo isku dayay inay gacanta ku dhigaan Tibet 1841-kii oo laga adkaaday. In ka badan 70 ka mid ah askartan ayaa ku qasbanaaday in ay ku laabtaan buuraha Himalaya isla markaana waxa ay kusii dhinteen jidka.

Sheeko kale ayaa sheegeysa, waxaa la rumeysan yahay in ay dhici karto in ay ahayd xabaal lagu aasay dadkii ku dhintay cudurka faafa.

Hees caan ah ayaa laga qaaday tuulooyinka deegaankan ayaa iyana sheegta in Nanda Devi, oo halkan lagu caabudo, ay ku sheegtay qofkii haradan ka gudbaa in uu dhimanayo.

Meesha labaad ee ugu sarreysa Hindiya waa Nanda Devi, oo iyada loogu magac daray.

View of Ropkund lake also known as skelton lake or mysterious lake in uttarakhand

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Goobta waxaa dalxiis ahaan lagu magacaabay "Harada Mucjisada" ee Roopkund.

Qalfoofkan ayaa isugu jira rag iyo dumar

Daraasado hore oo lagu sameeyay qalfoofka ayaa muujiyay in badi dadka halkan ku dhintay ay ka sarreeyaan dhererka dadka caadiga ah. Intooda badan waxay ahaayeen da' dhexdhexaad ah, kuwaas oo ay ahayd in ay u dhexeeyaan 35 iyo 40 sano jir.

Waxaa ka mid ah qalfoofka dumarka da'da ah, laakiin aan lahayn qalfoof carruureed. Dhammaantoodna waa ay caafimaad qabaan.

Sidoo kale, waxaa guud ahaan la rumeysan yahay in qalfoofyadan ay ka yihiin koox dad ah oo u dhintay masiibo lama filaan ah qarnigii sagaalaad.

Xog cusub oo ay daaha ka qaaday daraasad dhowaan la sameeyay taas oo shan sano socotay ayaa sheegtay in dhammaan mala-awaalkan laga yaabo inaysan run ahayn. Daraasada waxaa ku jiray 28 ka mid ah qorayaal ka socda 16 machad oo ku yaal Jarmalka iyo Mareykanka, oo ay ku jirto Hindiya.

Saynis yahanadu waxay daraasad ku sameeyeen 38 hadhaagii aadanaha oo laga helay harada iyadoo lagu saleeyay habka raadraaca hidde sidaha iyo kaarboonka. Waxaana ka mid ahaa hadhaaga 15 haween ah. Qaar ka mid ah kuwan ayaa dib ugu laabtay 1,200 oo sano ka hor.

Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in dadka dhintay ay kala duwan yihiin hidde ahaan iyo in uu jiro farqi ilaa 1,000 sano ah oo u dhexaysa dhimashadooda.

Qoraaga hormuudka u ah ee daraasaddan, Edeoin Harne, waa ardayadPhD ka qaatay Jaamacadda Harvard. "Aragtiyadan been abuurka ah ee ah in dhammaan dhimashadan ay sababeen duufaan ama masiibo," ayay tidhi 'Wxaba kama jiraan'.

Waxay tidhi, "Weli ma cadda waxa dhabta ah ee ka dhacay harada Roopkund. Laakiin, waxaan xaqiiqdii dhihi karnaa in dhammaan dhimashadan aysan ku dhicin hal dhacdo.

Balse waxaa jiro qoraallo macbadyo oo la qoray intii u dhexeysay qarniyadii 8-10-naad, oo dhigaya "sida suuragalka ah ee halka loogu aadi jiray cibaado".

Haddaba, seynisyahannada waxay aaminsan yihiin in maydadka qaar ee la helay ay ahaayeen dad badan oo halkaa u tagay cidaabo "oo si wadar ah ugu dhintay hal dhacdo".

Balse sidee dad ka yimid Bariga Badda Mediterranean-ka ugu dhinteen dhulka fog ee Buuraha dhaadheer ee Hindiya?

Waxay u muuqataa in aysan dhici karin in dad Yurub ka yimid ay safraan illaa Roopkund si ay uga qeybgalaan cibaado Hindu-ga u gaar ah.

Ama suuragal ma tahay in ay yihiin dad hiddo ahaan ka soo jeeday Yurub balse halkaa muddo qarniyo ah degganaa oo ku godoonsanaa buuralayda?

"Weli waxaan raadineynaa jawaabaha," ayey tiri Ms Harney.