Waddada isgoyska ay Itoobiya mareyso halkey uga dhaqaaqeysaa?

Dadka qaar ayaa walaac badan ka muujinaya dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billawday ee ku baahay deegaannada kale uu dalka khatar badan uu kala kulmayo.

Halka qaarna ay aaminsan yihiin fursadaha gulufka colaadeed ka abuurmay haddii sidooda looga faa'ideysto sanadihi la soo dhaafay dhibaatoyinka dalku uu wajahay in xalwaaro loo heli karo.

"Sababaha keenay inuu dagaalka Tigraay qarxo iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyey deegaanka Tigraay iyo dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ahaayeen maamulka deegaanka Tigraay iyo xisbiga degaankaasi ka arriminayey ee TPLF oo u dhaqmaya si la mid ah gobol ka madax bannaan dalka Itoobiya ama ka duwan deegaannada kale ee dalka Itoobiya ka jira" ayuu yiri C/raxmaan Saciid oo falanqeeya siyaasadda bariga Afrika uu fadhigiisu yahay magaalada London.

"Arrimuhu sida xawliga ah ee ay isku baddalayeen iney arrintan dagaal dhiig badan uu ku daato uu sababi doono waxaa laga qayaas qaadan karayey diyaargarowyadi socday, dagaalki laga cabsanayeyna uu dhcay bilooyinna uu weli socdo" ayuu yiri.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo TPLF dagaalka ka horba wuxuu soo ifbaxay ifbaxay xisbigii heer qaran ee ay ku bahoobeen 4 deegaan ee la oran jiray EPRDF marki uu meesha ka baxay ee lagu beddelay xisbiga EPP oo ay ku mideysan yihiin dhgammaan 10 deegaan uu dalka Itoobiya uu ka kooban yahay.

"Dowladda dhexe ee Itoobiya marki uu isbeddelka dhacayey gooni iisu taagga iyo mucaaraddada ay TPLF wadday inta uusan fogaanin in la saxo fursadihi jiray kama aysan faa'ideysan" ayuu yiri Dr Wuhibe-Igzaber Ferede oo culuunta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Baahirdar.

"Billowga hore ee isbeddelka taageerada aadka u weyn ee ay dowladdu shacabka ka heleysay iyada oo ka faa'ideysaneyso iney tallaabbooyin kala duwan qaaddo si dhibaatooyinka heerka ay hadda gaareen ay u gaarin fursado ay jireen" ayuu yiri.

Balaarashada dagaalka

DagaalkaTigraay ayaa qarxay 4-ta bishii November 2021-kii, kaddib marki ay maleeshiyaad daacad u ah fallaagada TPLF ay weerareen saldhigga waqooyi ee Ciidamada Federaaka Itoobiya ay ku lahaayeen.

Seddex toddobaad gudahoodna ciidamada dowladda Federaalka waxay qabsadeen deegaanka Tigraay intiisa badan iyo caasimadda Maqale muddo bilooyin ahna fallaagada TPLF waxay dagaallo dhuumaaleysi ah ay ka wadeen dhul buuraleey ah oo bartmaha iyo koonfurta deegaankasi ku yaalla.

Dagaalkaasi oo si daba dheeraadayna wuxuu geystay khasaara naf iyo maalba leh taasoo keentay in dalalka iyo hay'adaha caalamiga ah ay Itoobiya cadaadis ku saaraan in dagaalka la joojiyo.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobayana dagaalka Tigraay wuxuu marar badan uu ka yeeshay kulammo uu kaga arrinsanayo.

Hase yeeshee, dabayaaqada bishii June ee sanadkan dowladda dhexe ee Itoobiya waxay ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah waxayna isaga soo baxday deegaanka Tigraay intiisa badan.

Iyada oo ka soo bixitaanka Tigraay u sababeysay si ay beeraleyda deegaankaasi ay waxbeerashada fursad ugu helaan maadaamaa xilli roobaad lagu jiro.

Hase yeeshee TPLF dagaalki ayey halkoodii ka sii wadeen waxayna isku ballaadhiyeen bariga, waqooyiga, bartamaha iyo Koonfurta deegaankaasi waxayna qabsadeen magaalooyin ku yaallo deegaannada Amxaarada iyo Canfarta. Bilooyinki u dambeyeyna dagaalka wuxuu ka socday gudaha deegaannada Cafarta iyo Amxaarada.

Dagaalka oo ay ka wada qayb qaadanayaan dhammaan maleeshiyaad iyo ciidamada gaarka ah ee ka socda dowlad deegannada dalka Itoobiya oo garabsanaya ciidamada dowladda dhexe.

"Hareereynta lagu hayo Tigraay inta laga qaadayo halgankannaga wuu soconayaa" ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

"Dagaalka shacabkeenna lagu soo qaaday inaan iska difaacno waan sii wadeynaa" ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka deegaanka Amxaarada Faanta Mandefro.

Cadaadiska Gudaha iyo Dibadda

Dagaalka Tigraay ka billowday ee sii ballaaranayo, Fallagada ka dhaqdhaqaaqeyso galbeedka dalkaasi, dagaallo beeleedyada gobollada qaar ka dhaca iyo dhibaatooyinka sanadaha badan soo socday oo isbiirsaday ayaa xaaladda ka Itoobiya ka dhigaysa mid cakiran.

Waxaana intaa dheer cadaadiska ay reer galbeedku ku hayaan dalka Itoobiya tani iyo wixi ka dambeeyey marki uu billowday dagaalka Tigraay, iyo dhulka xadka ay Sudan qabsatay oo ay labada dal ku mursansanaayeen waxay iyaguna ka mid yihiin caqabadaha kale ee dalka Itoobiya soo wajahay.

Sida oo kale dhismaha biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile uu muranka kala dhaxeeyo Suudaan iyo Masar oo welina xal buuxa aan laga gaarin dalka Itoobiya wuxuu ku noqday madax xanuun kale oo taagan oo saameyn ku yeelan kara biyo xireenka dhismahiisa gabagabada uu ku dhawyahay.

Waddada Isgoyska?

Dadka iyo dhinacyada walaaca aadka u weyn ka muujinaya waxay aaminsan yihiin dagaalka sii ballaaranaya iyo dagaallada qowmiyadaha ee marna hurayey marna qubayey iyo weliba dagaallada fallaagada hubeysan ee gobollada qaar ka jira intaba ay jiritaanka khatar aad u weyn ku keeni karaan.

Waxayna ku doodayaan haddii aan arrinka dalka Itoobiya uu ku sugan yahay aan si degdeg ah wax looga qaban ay Itoobiya noqon karto dalka Yugoslavia oo kale.

Hase yeeshee Tibor Nagy oo horay u soo ahaa danjiraha Mareykanka u fadhiyey Addis Ababa wuxuu sheegay Yugoslavia iyo Itoobiya iney yihiin laba dal oo kala duwan. Dadka aaminsan sida Yugoslavia oo kale iney kala go'i karto walaaca ay ka muujiyeenna uu yahay mid khaldan.

"Yugoslavia waxaa la aasaasay dagaalki labaad ee adduunka, hase yeeshee Itoobiya waxay leedahay taariikh dowladnimo oo laba kun oo sano jirsatay" ayuu yiri Tibor.

Khubarada siyaasadda Itoobiya aadka ugu dhuun daloola waxay aaminsan yihiin xaaladda Itoobiya ay hadda ku sugan tahay iney dhaafsiisan tahay isgosysyadi ay horay u soo mari jirtay.

"Itoobiya horay waxay u soo martay Isgoysyo jiritaankeeda khatar aad u badan geliyey, balse tan ay hadda ku sugan tahay kuwii hore wey ka duwan tahay weyna ka khatar badan tahay, haddii aan xaaladdan si degdeg wax looga qabanna dowladnimada wey ku burbureysaa dowlad haddey buburtana dhibaata badanbaa ka dhalaneyso" ayuu yiri Dr Wuhibe-Igzer.