Somaliland: Maxaa mar kale loo xiray Cabdimaalik Muuse Coldoon

Cabdimaalik Muuse Coldoon

Xigashada Sawirka, Coldoon Facebook

Qoraalka sawirka, Cabdimaalik Muuse Coldoon

Ciidamada booliiska ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa mar kale xabsiga u taxaabay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah shakhsi caan ka ah baraha bulshada, isla markaana la sheegay inuu u olloleeya in la xiro xarumaha madadaalada iyo dhaqanka iyo dugsiyada wadamada shisheeye laga maalgeliyo ee Somaliland ku yaalla.

Coldoon ayaa maalmihii la soo dhaafay qaaday ollole ka dhan ah Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa iyo dugsiga Abaarso. Waxa uu ku doodayay in Xarunta Dhaqanka lagu soo marti qaado dad u olloleeya guurka dadka isku jinsiga ah xliliyada bandhiga buugaagta, sidoo kale dugsiga Abaarso ayuu ku haystaa in dhaqamda Masiixiga lagu faafiyo. Labaduba si kulul ayay u beeniyeen eedeymahaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa sidoo kale gaashaanka u daruurtay eedaha uu Coldoon u jeediyay xarumahaasi, sidoo kale qaar kamid ah abwaaniinta ugu waa wayn Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku til mamay eedaha Coldoon.

Maxaa loo xiray Coldoon

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa muujinayay Coldoon oo askar ka tirsan Booliiska Somaliland ay xabsiga ku sii wadaan isagoo ku sugan magaalada Burco. Masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin waxa uu salka ku hayo xarigiisa, hase yeeshee toddobaadkan ayuu naqdiyay khudbad uu madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay xaflad uu ku qalin jabinayeen arday dhameysatay waxbarshada jaamacadda Barwaaqo.

.

Xigashada Sawirka, BARWAAQO UNIVERSITY

Madaxweyne Biixi ayaa khubaddiisa ku sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo uu ku arkay dugsiyada Abaarso oo aan ka ahayn inay soo kordhiyeen waxbarsho tayeesan oo ay ka faa'staan ardayda Soomaaliland.

"Yaan loogu soo gabanin diinta Islaamka ayaa la xumeynayaa, diinta dowladda ayaa ka mas'uul ah aniga ayaana madaxweynaha dalka ah aniga ayaana la dagaalamaya cid kasta oo diinta liddi ku ah."

Cabdimaalik ayaa sheegay in khubbadda madaxweynaha uu ku weerayay dadka dhaliila Dugsiyada Abaarso isaga oo aan hayn xog sax ah oo ku saabsan Abaarso.

"Siduu madaxweynaha ku ogaanayaa arrinta saxda ah ee meesha ka jirta maaddaama uu booqday saacado yar oo keliya ayna adagtahay in wax badan lagu ogaado."

"Haddii uu madaxweynaha doonayo inuu ogaado waxyaabaha qarsoon ee ka jira dugsiyada Abaarso waa inuu guddi ay ka mid yihiin culimada u saaro si ay baaritaan ugu sameeyaan."

Qoraalka Codka, Wariye Coldoon

Waxaa aad loogu maleeynayaa in hadalkisaan uu soo dedejiyay xariga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bishii June ee sannadkii hore laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ka dib in muddo ah oo uu ku xirnaa.

Dhanka kale kaniisadda the Elevation Church ayaa boggeeda Tiwitter-ka soo dhigtay qoraaal ay raali gelin kaga bixinayso hadal ay barteeda ku baahisay 18-kii bishaan Ogosto kaas oo tibaaxayay inay baadari Tunju ugu duceynayaan shaqadeeda cusub ee baadarinimo ee UK iyo sidoo kale baadari Joy Isa oo shaqo diimeed ugu socota Soomaaliland.

Joy Isa waxay madax ka tahay Jaamacadda Barwaaqo oo ah jaamacadda uu qalin jibinta ardadeeda ka qeyb galay madaxweyne Biixi sidoo kalana difaacay wararka la isla dhexmaraya ee sheegaya in jaamacadda lagu dhexwado arrimo kale.

.

Xigashada Sawirka, Coldoon

Coldoon ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in haweeneydan la yiraahdo Joy Isa aan lagu kadsoomin, waxa uuna ku eedeyay in magaalada Hargeysa ay ku faafiso diinta Masiixiga.

JOY ISA

Xigashada Sawirka, BARWAAQO UNIVERSITY

Qoraalka sawirka, JOY ISA

Qoraalkan kaniisadda ayaa muran badan badan ka abuuray baraha bulshada Soomaalida, iyadoo ay dadka qaarkood ku doodayaan in Joy oo madax ka ah jaamacadda Barwaaqo ay hawlo kale u joogto.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

"Waxaan raaligelin ka bixinaynaa qoraalka Twitter -ka ee 18 -kii Luulyo kaas oo aan si khaldan ugu qornay barteena kuna saabsanaa ujeeddada Mrs Joy Isa ay u tagtay Somaliland. Taasi waxay ahayd khaladkayaga mana aha mid ka timid Mrs Isa lafteeda. Mrs Isa waligeed ma ahayn shaqaale Kaniisadeed."

"Waxaan Joy ugu hambalyeynaynaa inay sii wadato xirfadeedii 27-ka sano ee ahayd waxbarashada oo ay haatan ka sii waddo Somaliland, halkaas oo ay ku biirtay urur mar walba ixtiraama oo ilaaliya dhaqanka Muslimiinta maxalliga ah."