Ra'iisal wasaare Rooble: Wax khilaaf ah nama dhexyaallo Madaxweyne Farmaajo oo heshiis ayaan nahay

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in uusan wax heshiis ah ku saxiixin Kenya.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha, arrintaas oo dhalisay tuhun ah in labada mas'uul uu khilaaf soo kala dhexgalay.

"Heshiis ayaan nahay, dalkaas haddaan heshiis la ahayn ma soconayo oo qar ayuu ka sii dhacayaa. Anniga iyo madaxweynaha waxaa naga go'an in dalkaas aan gaarsiinno doorasho annaga oo wada soconna, si nabad ah, oo xasillooni ku jirto oo isfahan ku jiro. Wax caqabad ah ama wax khilaaf ah ma jiro," ayuu yiri ra'iisal wasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in hay'adaha dowladda aysan geli karin heshiisyo masiiri ah maaddaama uu dalka galay xaalad doorasho.

Wareegtada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli Muqdisho ay ku soo wajahneyd wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo.

Maalmo kadibna, ra'iisal wasaare Rooble ayaa u safray Kenya si uu wadahadal ku aaddan xiriirka labada dal ula yeesho madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Rooble iyo Kenyatta

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaare Rooble oo la kulmaya madaxweynaha Kenya

Safarka Rooble ayaa dhaliyay in dadka qaar ay ku eedeeyaan in uu heshiis ku aaddan arrimaha khaadka iyo muranka badda uu la geli rabo Kenya.

Ra'iisal wasaaraha ayaa si cad u beeniyay in uu wax heshiis ah la galay Kenya.

"Waxaan idiin sheegayaa halkan in aan wax saxiixo uma iman. Waxaan kale oo rabaa in shacabka Soomaaliyeed aan u sheego in dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan. Maanta iyo berri toona igama fileysaan in aan ka hadlo arrinta badda ee taalla maxkamadda Hague oo aan dhawaan ka sugeyno jawaabta," ayuu sheegay ra'iisal wasaaraha.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii u dambeeyay gaaray meel hoose, waxaana labada dal ay kala qaateen safaaradaha.

Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan maamul goboleedka Jubaland.

Askarta Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan deegaanno Jubaland ah, gaar ahaan magaalo xeebeedka Kismaayo.

Kenya ayaa beenisay eedeyntaas, waxaana ay marar badan ku celcelisay in Soomaaliya ay qaadan rabto qeyb kamid ah baddeeda.

Labada waddan ayaa waxaa u dhexeeya muran ku aaddan xuduud badeedka Badweynta Hindiya, waxaana kiiskooda uu hadda horyaallaa maxkamadda cadaallada ee caalamiga ah (ICJ).

Soomaaliya waxaa hadda ka socda doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in dowladda iman doonta doorashada kaddib ay u taallo arrinta badda.

Kenya ayaa doonaysa in muranka badda lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda, arrintaas oo ay diiddan tahay xukuumadda Muqdisho.

Booqashada Ra'iisul Wasaare Rooble ee Kenya

Safarka Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka dambeyay ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, ay booqosho ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula kalantay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka arrimaha dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo ka socotay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.

Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya oo ah kuwa deris ah oo ay ka dhexeeyaan dano badan, waxay hoggaamiyeyaashooda ka wadahdalayaan arrimo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya waxay meesha ka saartay in waxyaabaha laga wadahadlayo ay ku jirto arrinta Muranka Badda ee ka dhaxeeya labada dal maadaama go'aanka muranka badda weli laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Muxuu Socdaalka Rooble uga dhiganyahay Soomaaliya iyo Kenya?

Dadka sida dhow ula socda khilaafaadka labada dal ayaa qabo in socdaalka Ra'iisul Wasaare Rooble ee Kenya, uu labada dal uga dhiganyahay tallaabo wanaagsan oo rajo galinaysa, si gaar ah ganacasatada Kenya gaar ahaan kuwa jaadka oo uu saameeyay xiriirka xumaaday ee labada dal.

ganacsatada Jaadka ee Kenya ayuu dhaqaale badan ka soo gali jiray jaadkii ay u dhoofin jireen Soomaaliya.

Sidoo kale, safarkan wuxuu hormar u noqonayaa dhanka diblumaasiyadda iyo soo celinta xiriirka labada dowladood, waxayna taas ku xiran tahay arrimaha ay ku heshiiyaan iyo dhaqan galkooda, sida uu qabo Daahir Qoriyow oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.

"Socdaalkan wuxuu uga dhiganyahay dowladda Kenya iyo waliba shacabkeeda in xiriirkii labada wadan la soo celinayo," waxaa sidaasi yiri Daahir Qoriyow Isaaq oo la hadlayay BBC Somali.

Dhanka Soomaaliya, "waxaa jirto rajo wayn oo laga qabo in socdaalka Rooble uu waxbadan ku soo celiyo sidii ay ahaan jireen khilaafka ka hor."

Si gaar ah arrimaha socdaalka iyo dal ku galka Kenya oo dadka ay intooda badan ka qaadan jireen safaaradda Kenya ee Muqdisho oo shalay dib loo furay.

Haddii is af-garad ama heshiis la gaaro siduu u hirgalayaa?

Safarka ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa imaanaya xilli uu soo muuqday khilaaf u dhaxeyn kara isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dad badan oo siyaasadda ka faallooda waxay aaminsan yihiin in War-Murtiyeedkii dhawaan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada uu saameyn ku yeelan karo haddii Rooble iyo Uhuru ay heshiis gaaraan, sababtoo ah warka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu farayay xukuumadda in aysan wax heshiis ama is af-garad la gelin karin dowlad, hay'addo iyo shirkado caalami ah, inta lagu guda jiro howlaha doorashada.

Qayb ka mid ah qoraalka ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa sidaan u qornaa: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay'adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka".

Iyadoo warkaas uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, haddana saacado ka dib ayuu ra'iisul Wasaare Rooble isana soo saaray War-saxaafadeed u muuqday in looga jawaabayay midkii Villa Somalia.

Waxaa lagu yiri qoralka Rooble: "Isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah".

"Wuxuu socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo ay mas'uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya".

Labadaas aragti ee is diidan ee ka soo kala baxay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaarihiisa ayaa loo arkaa in ay caqabad ku noqon karto heshiis ama is-afgarad uu Rooblke la gaaro Kenya. Balse xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in arrimaha badda aan laga wadahadli doonin.

Waxaase dadka falanqeeya arrimahaan ay sheegayaan in haddiba heshiis uu Ra'iisul Wasaare Rooble la gaaro Kenya, "laga yaabo inuu mariyo Golaha Wasiirada maadama uu baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday."

Inkasta oo arrintaa aan la saadaali karin sida ay u dhici doonto haddana waxaa la muujinayaa "in ay adkaan doonto sidii loo hirgalin lahaa fulinta wixii heshiis ah oo hadda la gaaro."

"Maadama xukuumadda hadda jirto ay xil gaarsiin tahay horta ma wacneyn in hadda go'aamo la gaaro, sababtoo ah madaxweynaha soo socda ayay saameyn ku yeelanaysaa, marka hirgalinta waxaa laga yaabaa inuu Ra'iisul wasaaruhu horgeeyo oo uu mariyo Golaha Wasiirad," ayuu yiri Daahir Qoriyow.