Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: 'Dowladda iyo shacabka Kenya weli waa saaxiibada dhabta ah ee Soomaaliya'

Xigashada Sawirka, OFFICE OF THE PRIME MINISTER-ETHIOPIA
Kenya ayaa ku dhawaaqday maanta oo khamiis ah in ay go'aansatay in ay dib ugu furto hawadeeda diyaaradaha tooska uga imaanaya Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa ku dhawaaqday in dib loo billaabayo duulimaadyadii u kala gooshayay Kenya iyo Soomaaliya, si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed.
Go'aanka waxaa la gaaray ka dib wada hadallo adag oo dhex maray labada dal, sida ay ku warramayaan warbaahinta qaar ee Kenya.
Waxay sidoo kale sheegeen in la rajaynayo in si buuxda dib loo soo celiyo xiriirkii labada dhinac, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo xiriirka diblumaasiyadeed oo culeys uu ku yimid.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa tiri: "Tallaabadan si niyad wanaagga ah waxaa loo qaaday danta labada dal iyo rajada laga qabo in ay sababi doonto hagaajinta xiriirka labada wadan ee Kenya iyo Soomaaliya, sida diblomaasiyadda, ganacsiga iyo dadka."
"Dowladda iyo shacabka Kenya weli waa saaxiibada dhabta ah ee nabada iyo barwaaqada Soomaaliya, waxayna rajeyneyaan in dib loo soo celiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo warbaahinta ay daabeceen.
Horey, ganacsatada Khaatka ee Kenya waxay u sheegeen in ay ku hungoobeen soo celinta xiriirka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya, iyagoo filayay in khaadkooda ay u dhoofin karaan Muqdisho, balse taas baddalkeeda ay khasaare la kulmeen.

Xigashada Sawirka, NATION
Sida Khaadleyda uga falceliyeen xiriirkii xumaaday
Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatadaas ayaa BBC u sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.
Maalin uun ka dib markii ay timid cabashadaasi oo ku beegnayd 11-kii bishii Maajo Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray ama aadi jiray Soomaaliya kadib toddobaad uun markii labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkooda diblumaasiyadeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya ka dib markii ay xiriirka u jartay bishii Deseembar, iyadoo xukuumadda Nairobi ku eedeeysay inay farongelin ku haysa arrimeheeda siyaasadda.
Kenya kama aysan hadlin sababta ay u hakisay diyaaradihii ka imaan jiray dhinaca Soomaaliya.
War saxaafadeed markaasi kasoo baxay waaxda duulista hawada ee Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karaan oo kaliya ah diyaaradaha ha'yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya.
Ka dib markii ay Kenya ku dhawaaqday go'aankii ay ku hakisay duullimaadyadii Soomaaliya Ka iman jiray, dowladda Soomaaliya ayaa arin layaab leh ku tilmaantay go'aankaasi ay Kenya ku joojisay duulimaadyada labada dal u kala goosha.
Xukuumadda Nairobi oo aan wax sabab ah shaacin ayaa sheegtay in illaa bisha sideedaad ee sanadkan ay hakinayso duulimaadyada ka yimaada ama aada Soomaaliya.
Xaaladda waxay cirka isku sii shareertay ka dib markii uu Madaxweyne Uhurro Kenyatta uu wadahadal laba geesood ah la yeeshay wefti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi 14-kii Diseembar ee sannadkii tagay.
Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.
Hardan dheer ka dib kiiska waxa uu haatan yaalla oo ay dacwaddiisa ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka inkasta oo ay Kenya qaadacday.










