Xiriirka kenya iyo Somalia: Shan arrimood ka ogow safarka Rooble ee Kenya

Uhuru iyo Rooble

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya

    • Author, Xasan Sheekh Cumar
    • Role, BBC Somali

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Labada Hoggaamiya ayaa ku shiray Madaxtooyada kenya ee Magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta.

Sida lagu qoray bogga Madaxtooyada Kenya ee Facebook, waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed.

Qoraalka waxaa ku xusan: "Labada wafdi waxay ka wada hadleen arrimo istiraatiijiyadeed ee danaha guud ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa ka mid ah soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi."

Haddaba waxaa jiro waydiimo ku geddaaman safarka Ra'iisul Wasaare Rooble, oo ah waxa uu safarkiisu uga dhiganyahay labada dal.

Booqashada Ra'iisul Wasaare Rooble ee Kenya

Safarka Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka dambeyay ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, ay booqosho ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula kalantay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka arrimaha dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo ka socotay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.

Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya oo ah kuwa deris ah oo ay ka dhexeeyaan dano badan, waxay hoggaamiyeyaashooda ka wadahdalayaan arrimo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya waxay meesha ka saartay in waxyaabaha laga wadahadlayo ay ku jirto arrinta Muranka Badda ee ka dhaxeeya labada dal maadaama go'aanka muranka badda weli laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Muxuu Socdaalka Rooble uga dhiganyahay Soomaaliya iyo Kenya?

Dadka sida dhow ula socda khilaafaadka labada dal ayaa qabo in socdaalka Ra'iisul Wasaare Rooble ee Kenya, uu labada dal uga dhiganyahay tallaabo wanaagsan oo rajo galinaysa, si gaar ah ganacasatada Kenya gaar ahaan kuwa jaadka oo uu saameeyay xiriirka xumaaday ee labada dal.

ganacsatada Jaadka ee Kenya ayuu dhaqaale badan ka soo gali jiray jaadkii ay u dhoofin jireen Soomaaliya.

Sidoo kale, safarkan wuxuu hormar u noqonayaa dhanka diblumaasiyadda iyo soo celinta xiriirka labada dowladood, waxayna taas ku xiran tahay arrimaha ay ku heshiiyaan iyo dhaqan galkooda, sida uu qabo Daahir Qoriyow oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.

"Socdaalkan wuxuu uga dhiganyahay dowladda Kenya iyo waliba shacabkeeda in xiriirkii labada wadan la soo celinayo," waxaa sidaasi yiri Daahir Qoriyow Isaaq oo la hadlayay BBC Somali.

Kulanka Uhuru iyo Rooble

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya

Dhanka Soomaaliya, "waxaa jirto rajo wayn oo laga qabo in socdaalka Rooble uu waxbadan ku soo celiyo sidii ay ahaan jireen khilaafka ka hor."

Si gaar ah arrimaha socdaalka iyo dal ku galka Kenya oo dadka ay intooda badan ka qaadan jireen safaaradda Kenya ee Muqdisho oo shalay dib loo furay.

Maxay tahay rajada ganacasatada Kenya?

Si gaar ah ganacsatada Kenya ee jaadka gayn jiray Soomaaliya, ayuu socdaalkan u yahay mid ay naawilayaan iyaga oo ku hanweyn in arrinta khaadka heshiis laga gaaro si ay markale Soomaaliya ugu iib geeyaan ugana helaan dakhli badan oo ay u darsadeen mudadii uu xiriirka labada dal uu xumaa.

"Waxaa rajo wayn arrintan ka qaba ganacstada gaar ahaan xagga jaadka oo dakhli badan uu ka soo gali jiray shacabka Kenya, waliba gobalka uu ka yimid madaxweyne Uhuru Kenyaatta. Shacabkaas iyo ganacstada waxay ku rajo weynyihiin in xiriirkii labada dal soo noqdo," ayuu yiri Daahir Qoriyow.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jaadka Kenya joojisay horraantii sannadkii 2020-kii, ayaa xiligaas sabab uga dhigtay ka hortagga cudurka Coronavirus. Markii socdaalka dib loo furay, waxaa laga reebay jaadkii Kenya in dalka uu galo.

Waxaa jiro warar sheegaya in jaad ka yimaada dhanka Itoobiya la geeyo magaalooyiin ku yaalla Soomaaliya oo Muqdisho ay ka mid tahay.

Jaadka la geeyn jiray Soomaaliya ayaa la sheegay in fursad shaqo uu u ahaa dad badan, kuwaas oo hadda shaqo la'aan noqday.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan $150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo jaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

Kulanka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta iyo Raysal wasaareRooble

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Kenya

Haddii is af-garad ama heshiis la gaaro siduu u hirgalayaa?

Safarka ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa imaanaya xilli uu soo muuqday khilaaf u dhaxeyn kara isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dad badan oo siyaasadda ka faallooda waxay aaminsan yihiin in War-Murtiyeedkii dhawaan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada uu saameyn ku yeelan karo haddii Rooble iyo Uhuru ay heshiis gaaraan, sababtoo ah warka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu farayay xukuumadda in aysan wax heshiis ama is af-garad la gelin karin dowlad, hay'addo iyo shirkado caalami ah, inta lagu guda jiro howlaha doorashada.

Qayb ka mid ah qoraalka ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa sidaan u qornaa: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay'adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka".

Iyadoo warkaas uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, haddana saacado ka dib ayuu ra'iisul Wasaare Rooble isana soo saaray War-saxaafadeed u muuqday in looga jawaabayay midkii Villa Somalia.

Waxaa lagu yiri qoralka Rooble: "Isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah".

"Wuxuu socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo ay mas'uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya".

Labadaas aragti ee is diidan ee ka soo kala baxay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaarihiisa ayaa loo arkaa in ay caqabad ku noqon karto heshiis ama is-afgarad uu Rooblke la gaaro Kenya. Balse xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in arrimaha badda aan laga wadahadli doonin.

Waxaase dadka falanqeeya arrimahaan ay sheegayaan in haddiba heshiis uu Ra'iisul Wasaare Rooble la gaaro Kenya, "laga yaabo inuu mariyo Golaha Wasiirada maadama uu baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday."

Inkasta oo arrintaa aan la saadaali karin sida ay u dhici doonto haddana waxaa la muujinayaa "in ay adkaan doonto sidii loo hirgalin lahaa fulinta wixii heshiis ah oo hadda la gaaro."

"Maadama xukuumadda hadda jirto ay xil gaarsiin tahay horta ma wacneyn in hadda go'aamo la gaaro, sababtoo ah madaxweynaha soo socda ayay saameyn ku yeelanaysaa, marka hirgalinta waxaa laga yaabaa inuu Ra'iisul wasaaruhu horgeeyo oo uu mariyo Golaha Wasiirad," ayuu yiri Daahir Qoriyow.

Maxaa keenay in ay fashilmaan heshiiyadii hore?

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, waxay horey u wada saxiixdeen heshiisyo dhaqangali waayay, ka dib markii khilaafaadka labada dhinac uu soo noqdnoqday.

Falanqeeyaasha qaarkood ayaa qabo in arrimaha ugu waa weyn ee loo sababeynayo in wixii ay horey ugu heshiiyeen labada dal ay hirgali waayeen ay tahay isbedellada guud ee ku yimid siyaasadda gobolka iyo arrinta Muranka Badda ee labada dal ka dhaxeeysa oo culeys sii saartay xiisadda diblumaasiyasdeed.

Daahir Qoriyow Isaaq ayaa BBC-da u sheegay: " Waxyaabaha keenay in ay socon waayaan heshiisyadii hore waxaa ka mid ah arrinta Jubaland oo dowladda Soomaaliya horey ugu eedaysay dowladda Kenya in ay faragalin ku hayso, iyo waliba aragtida siyaasadeed ee labada dowladood oo kala fog."

Wuxuu intaa ku daray in kala aragti duwanaanta labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay keentay in ay adkaato in ay kulmaan labada hoggaamiye, waxaana taa sabab u ah khilaafka ay ka wadahadlaan.

Bishii November 2019, Uhuru iyo Farmaajo waxay isla saxiixdeen heshiis

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Bishii November 2019, Uhuru iyo Farmaajo waxay isla saxiixdeen heshiis

Daahir Qoriyow ayaa yiri: "Waxyaabaha caqabadaha ku ahaa heshiisyadii hore waxaa kow ka ah aragtida cusub ee siyaasadeed ama diblumaasiyadeed ee gobalka ka dhacaday iyo midda labaad oo ahayd dooddii badda; midda saddexaad-na aragtida siyaasadeed oo saameysay diblumaasiyadda oo ku saabsan maamul goballeedka Jubaland, oo Kenya iyo Soomaaliya isku khilaafsanaayen".

Heshiiskii aan dhaqangelin ee 2019

Bishii November ee sannadkii 2019-kii, waxaa Nairobi ku kulmay Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada saxiixdeen heshiis lagu soo afjari lahaa khilaafka labada dhinac.

Heshiiskaas oo aan dhaqan gelin wuxuu u qornaa sidan:

  • In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  • In duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  • In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya
  • In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.