Qalalaasaha Tigray: Maxaa dhici kara maadaama dagaalka Tigray uu kusii fidayo dariska?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Wararka sheegaya in xoogagga Fallaagada Itoobiya ee daacadda u ah xisbiga TPLF ay la wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela - oo ku taalla waqooyiga dalkaas - ayaa muujinaya in ay guulo waaweyn gaarayaan maleyshiyaadka laga adkaaday siddeed bilood ka hor.

Wargeyska sida gaarka ah loo leeyahay ee Addis Standard, oo kasoo baxa Itoobiya ayaa 5-tii bishan August Twitter-ka ku sheegay in fallaagada Tigray oo ku dagaallamaya magaca "Ciidamada Difaaca Tigray" ay qabsadeen magaalada Lalibela - oo ku jirta goobaha taariikhiga ah ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu wargeysku soo xigtay ku xigeenka duqa magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, oo warbaahinta caalamka u xaqiijiyay warkaas.

Lalibela waxay dadka qaar ku tilmaamaan magaalada ay xiisaha ugu badan u qabaan dalxiiseyaasha taga waddanka Itoobiya. Kaniisadaheeda ka sameysan buuraha la qoray ayaa astaan weyn u ah masiixiyiinta aqlabiyadda ku ah dalkaas.

Qabsashada Lalibela waxay guul weyn u tahay fallaagada waxayna muujineysaa sida ay ugu sii siqayaan gobolka Amhara, kaasoo isaga iyo gobolka Canfar ay dhawaanahan ahaayeen furinta cusub ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray.

Maxaa sabab u ah guulaha ay fallaagadu ka gaarayaan gobolka ka baxsan Tigray?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Siddeed bilood ayaa laga joogaa markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalka Tigray kaddib markii ciidamada federaalka ay la wareegeen caasimadda gobolkaas ee Maqalle, 28-kii bishii November, 2020-kii.

Toddobo bilood kaddib, dowladda waxay badbaadsaneysay wajigeeda, iyadoo sheegeysay in 29-kii June ay xabbad joojin la gaartay Tigray, si waddada loogu xaaro in la sameeyo gargaarka bani'aadannimo.

Hal maalin kaddib, janaraal ka tirsan militariga ayaa lasoo xigtay isagoo sheegaya in Maqalle ay noqotay meel aan tabar loo heli karin.

Hase yeeshee, xabbad joojintii waxaa la shaaciyay hal maalin kaddib markii warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa dibadda ay xaqiijiyeen in xoogagga fallaagadu ay dib u qabsadeen magaalada Maqalle.

Fallaagada waxay markii dambe soo ban dhigeen kumannaan askari oo ay ku sheegeen inay ka qabsadeen ciidanka Itoobiya markii ay ku dagaallamayeen agagaarka Maqalle.

Hoggaanka TPLF waxay shuruudo ku xireen heshiiska xabbad joojinta, waxaana durbadiiba xigay dagaallo sii xoogeystay oo gaaray gobollada Amhara iyo Canfar oo Tigray xad kala wadaaga dhinacyada galbeedka iyo bariga.

Dowladda ayaa ku eedeysay fallaagada in ay weerar ku qaadeen kolonyo gawaarida gargaarka wada ah oo marayay gobolka Canfar, kuwaasoo mucaawino u waday gobolka Tigray.

Kormeerayaasha xaaladda Itoobiya yaaa sheegay in ujeeddada ay xoogagga Tigray diiradda u saareen gobolka Amhara ay tahay sidii ay u waxyeelleyn lahaayeen dhaqaalaha Itoobiya iyo in ay jaraan marinta ganacsiga ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti. Waddadaas waxaa soo mari jiray 85% ka mid ah badeecooyinka loo dhoofiyo Itoobiya.

Ujeeddada kale ee Amhara loo weeraray waxay ahayd in la qabsado goobo ay labada gobol ku dagaallami jireen tan iyo 1990-meeyadii.

Fal celinta xulafada dowladda

Markii ay fallaagadu guulaha gaareen waxaa billowday in gobollada kale ee Itoobiya ay ciidamo u diraan jiidda hore ee dagaalka si ay uga barbar dagaallamaan militariga federaalka.

Kumannaan dhallinyaro ah "oo iskood isu xilqaamay" ayaa tagay xeryaha tababarka militaiga ee dowladda kaddib markii Abiy Axmed uu ka codsaday shacabka inay garab siiyaan militariga qaranka.

Barasaabka gobolka Amhara, Agegnehu Teshager, ayaa qudhiisa dhallinyarada gobolkiisa ka dalbaday inay militariga ku caawiyaan dagaalka ay kula jiraan fallaagada.

Hase yeeshee isbahaysiga qaran ee loo sameysanayo fallaagada Tigray wuxuu abuuray cabsi weyn oo laga qabo inay habacsanaan ku timaado amniga deegaannada kale ee dalka - oo ay ku jiraan Oromia, Benishangul Gumuz, Somali iyo Canfar - iyadoo la xasuusto qalalaasihii dhinaca qoomiyadaha ee dhawaan gilgilay Itoobiya.

Diiradda la saarayo dagaalka ka dhanka ah fallaagada Tigray waxaa ka faa'iideysan kara kooxo kale oo hubeysan, gaar ahaan dhinaca gobolka Oromia iyo Benishangul Gumuz, oo billaabi kara weerarro.

Maxaa ka socda dhanka gargaarka bani'aadannimo?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dagaalka sii xoogeystay wuxuu kusoo aaday iyadoo la galay xilli roobaadka Itoobiya, waxaana halis gali kara in laga faa'iideysan waayo xilliga muhiimka ah ee beeraha la abuurto.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ay tiradoodu gaarayso 5.2 milyan oo ruux oo ku sugan gobolka Tigray ay u baahan yihiin gargaar bani'aadannimo. Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani'aadannimada ayaa ka digay in dad ka badan nus malyan ruux oo ku sugan gobolka Tigray ay ku nool yihiin baahi daran. Balse mas'uuliyiinta federaalka Itoobiya ayaa ku gacan seyray digniintaas.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in wararka ku saabsan baahida gobolka Tigray ay yihiin kuwo been abuur ah oo la buunbuuninayo.

Dowladda ayaa fallaagada ku eedeysay inay halis galinayaan howlaha gargaarka lagu geynayo Tigray.

4-tii bishan August, waxay dowladda Itoobiya sheegtay in kolonyo 150 gawaarida xamuulka ah oo macaawino wada ay tageen magaalada Maqalle, iyadoo ay caqabadahana jiraan.

Isla maalintaas, Wakaaladda Wararka ee dowladda ee ENA ayaa soo xigatay wasiirka nabadda Muferihat Kamil oo sarkaal sare u sheegaya in dowladda ay awood u leedahay bixinta gargaarka la geynayo gobolka Tigray.

Muferihat ayaa hadalkaas jeediyay xilli uu kulan la yeeshay madaxa hay'adda USAID Samantha Power, oo walaac ka muujisay xaaladda Tigray iyo culeyska heysta howlaha bani'aadannimo.

Maxaa laga yaabaa inay dhacaan?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xoogagga Tigray waxay u muuqdaan inay sii adkeynayaan awooddooda xilli beesha caalamkana ay cusbooneysiisay baaqyadeeda ku aaddan in xabbad joojin buuxda la sameeyo kaddibna la wadahadlo.

Hase yeeshee, is aruursiga dhinaca qaranka ee ciidamada federaalka ay garabka uga raadinayaan maamul goboleedyada kale ayaa sababi kara dagaal sokeeye oo daba dheeraada.

Khasaarada ayaa laga yaabaa inuu sii bato maadaama ay militariga federaalka iyo xulafadooda isu diyaarinayaan inay kaashadaan dhallinyaro si khaldan loo hubeeyay oo ka barbar dagaallami doona militariga federaalka.

Dagaalka ayay u badan tahay inuu sii xoogeysto xilli beesha caalamkana ay maaro u la'dahay sidii ay dhinacyada dagaallamaya uga dhaadhicin lahayd inay miiska wadaxaajoodka isugu imaadaan. Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay dhexdhexaadin ay ku yaboohday dowladda Suudaan, waxayna shegetay "inaysan kalsooni ku qabin".

Ciidamada militariga Eritrea ayaa u muuqda inay kusii nagaan doonaan gudaha Itoobiya, taasoo muujineysa in ay ka cabsi qabaan in xoogagga TPLF ay mustaqbalka khatar ku noqdaan Asmara.

Dhammaan dhinacyada dagaalka ku jira ayaa lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo dhinaca bani'aadannimada ah oo ka dhacay gobolka Tigray. Waxay u badan tahay in dhibaatada ay hadda ku fiddo gobollada Amhara iyo Canfar. Sidaas si la mid ahna, xasaradaha bani'aadannimo ayay suurtagal tahay inay gaaraan meelo ka baxsan gobolka Tigray, iyadoo malaayiin qof oo kale ay halis u gali doonaan gaajo iyo macluul.