Afar Arrimood oo ku saabsan Soomaalida iyo falaagada Tigreeda
Fallaagada Tigreeda ee TPLF ayaa mar kale soo rogaal celisay isbuucii hore ka dib markii ay la waregeen caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle oo ay banneeyeen ciidammada federaalka Itoobiya oo TPLF ka saaray magaaladaasi sideed bilood ka hor.
Waxaa gobolkaasi ka dhacay dabbaaldegyo lagu soo dhaweynaya dib u soo noqoshada TPLF iyo bixitaanka ciidammada federaalka.
TPLF muddo 20 sano ka badan oo ay heysay xukunka dalka Itoobiya ayay waxay galaangal badan ku yeelatay gobolka, sida dalka Soomaaliya.
Waxaan halkan ku soo koobeynaa shan arrimood oo ku saabsan Soomaalida iyo jabhadda ka dagaalamaysa gobolka Tigray ee TPLF.
1. Meles Zenawi
Ra'iisalwasaarihii hore ee Itoobiya ee geeriyooday Meles Zenawi, wuxuu ahaa siyaasiga ugu firfircoon ee ka soo baxa jabhadda TPLF, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee horkacayay halganka ka dhanka ahaa rajiimkii milatariga ee todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii.
dowladda Meles waxay xiriir la lahayd qar ka mid ah hoggaamiya kooxeedyadii Soomaaliya oo hub iyo dhaqaalaba ku taageeri jirtay, sida qaar ka mid ah hoggmaaiyayaasha ay qirteen.
Mr Meles wuxuu madax ka ahaa TPLF oo xukunka Itoobiya la wareegtay sagaashameeyadii markaas oo uu ra'iisal wasaare ka nqoday dalka Itoobiya iyadoo TPLF ay hormuud u ahayd isbahaysgii EPRDF.

Xigashada Sawirka, ERIK JOHANSEN
Soomaaliya ayaa isla xilligaasi waxaa ka billowday dagaal sokeeye. TPLF iyo xukumadii Zenawi ayaana ka talineysay Itoobiya muddadaasi.
In muddo ah, Mr Meles wuxuu ahaa ninka dunida laga jecel yahay, wajiga la doorbido ee Africada cusub. Wuxuu ahaa nin leh xikmad xoog leh, hadal yaqaan codkar ah, wuxuuna ahaa oo kale saaxiib ay la soo dhoweeyay oo ka mid ahaa isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka.
2. Ciidankii Galay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, STRINGER
Ciidamada Itoobiya ayaa duulaan kusoo galay magaalada Muqdisho sanadkii 2006-kii, xiligaasi oo inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay nabadgelyo kusoo celiyeen Golihii Midowga Maxaakiinta Islaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaaminayay.
Xilligaas, Itoobiyaanka oo ay hoggaanka u haysay TPLF ayaa taageerayey dowladdii ku meel gaarka ee Cabdullaahi Yuusuf uu hoggaaminayay oo fadhigoodu ahaa magaalada Baydhabo, waxaana duulaanka uu yimid kadib markii ay dhammaatay rajo laga qabayo wada-hadallada dowladda iyo Maxaakiimta.
Awooddii Maxaakiimta ee Muqdisho ka saartay qabqableyaashii dagaal ayaa waxaa ay dhalisay in wada hadalo lala galo maxaakiimtii, hase ahaatee waxaa si fudud oo ka fiirsasho laheyn sida ay dad badan u arkayeen iyo siyaasad xumo dhinaca maxaakiimta ay sababtay in ciidamadii Itoobiya duulaan kusoo galaan Muqdisho, cid walbana ka dheregsan tahay wixii ka dhashay, mana doonayo inaan ku fogaado musiibadii xiligaasi dhacday.
3. Jeneraal Gabre
Kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre. wuxuu dhowrkii iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, TWITTER
Gabre oo ah sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Itoobiya ayaa qawmiyad ahaan ka soo jeeda Tigreega, wuxuuna ahaa xubin ka tirsan TPLF. Wuxuu saaxiibo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidammada ee Soomaalida. Wuxuu ka mid ahaa xubno sare sare oo ka tirsanaa ciidammada Tigreega oo la doondonayay sanadkii la soo dhaafay.
Wuxuu in badan ahaa masuul ka tirsan urur goboleedka IGAD. Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaasanadkii la soo dhaafay si rasmi ah looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.
4. Hanaanka Federaalka Soomaliya ee shabaho kan itoobiya
Inta badan nidaamka federaalka ee Soomaaliya iyo Itoobiyaba waxaa saldhig u ah sharciyada u yaalla dowladaha dhexe iyo kuwa maamulada oo qeexaya awoodaha, sida uu sheegayo Feysal Rooble oo ka faalooada arrimaha geeska Afrika.
"Federaalka waxaa lagu sheegay in uu leeyahay sharci qaran oo kala saaran dadka. Kan Soomaaliya iyo kan Itoobiya, labaduba waxay xadeynayaan awoodda dowladaha dhexe ay leeyhiin, isla markaana awoodo badan ayay siinayaan dowlad goboleedyada, marka waxaad mooddaa in labada ay ka taagan yihiin arrimo ay isku afgaran la'yihiin oo ah xadka ay dowladda federaalka leedahay iyo meesha awooddu ka bilaabmato," ayuu yiri Faysal.
"Sharciga Itoobiya, qodobka 52-aad, wuxuu sheegayaa in wax alle wixii ka soo hara awoodda dowladda dhexe ay leeyihiin dowlad goboleedyada, kan doorashada waxay dadka qaarkood u micneysaa in ay gacanta ugu jirto dowlad goboleedyada oo aanay dowladda Federaalku wakhtiga la qabanayo iyo sida uu u dhacayo aanay waxbo shuqul ku laheyn," ayuu yiri Feysal Rooble.
DR Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad wuxuu sheegay in nidaamka Federaalka ee Soomaaliya uu shabaho midka Itoobiya oo kaga horeysay hannaankan. Waxay labaduba ku saleysan yihiin hab qabiil ama qowmiyad.
Dr Cabdi Wahaab wuxuu aaminsan yahay in labada dalba aanan sidii la rabay looga dhaqan gelinin nidaamka Federaalka, sidaas darteedana uu markasta soo ifbaxo khilaaf.
"Doodda oroneyso Soomaaliya federaal ha noqoto waxay bilaabmatay 1981-dii, laakiin dooddan ah in Soomaaliya ay u baahan tahay federaal waxay billaabatay burburkii ka dib".










