Hakan Ayik: Ninka xuduudunta u ahaa xeeladda FBI-da ee basaasidda burcadda daroogada

Xigashada Sawirka, Facebook
Ciidammada ammanka ee dalal badan ayaa xabsiga u taxaabay ku dhawaad 800 oo qof oo looga shakisanayhay kadib markii kumannaan kun oo qof lagu khiyaanay adeeg talefon oo ay bollisku farimahooda ku arki karaan iyagoon daremaynin.
Booliska Australia ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in ninka ka dambeyay in uu dadka u gudbiyo adeegan fariimaha lagu diro ee FBI in lagu magacaabo Hakan Ayik.
waxaa la amminsanyahay in Mr Ayik uu ka shaqeeysto daroogada , saraakisha waxay sheegan in ninkan uu saameyn badan leeyahay saas awgeedna ay saraakiisha baaritannada sameynayay ay ula wadageen markaas kadibna uu barnaamijkan adeega talefoonada la wadaagay shabakadaha kale ee ay ku bahoobeen dembilayasha la qabqabtay.
"Waxaa uu ahaa qof si welyn looga yaqaano Hay'adaha baritannada," waxaa sidaasi jaraadika Australian Telegraph uu kasoo xigtay mid kamid ah saraakiisha baaritanka sameynayay."
Waxaa la amminsanyahay in ninkan uu hadda ku noolyahay Turkiga waxayna booliska ugu baaqeen in uu banaanka iskeeno si badqabkiisa loo hubiyo.
"Inaga oo og halista uu wajahayo waxaa u roon in uu isasoo dhibo," Madaxa Booliska Australia Reece Kershaw ,ayaa sidaasi sheegay .
Waa kumaa Ayik's, Tarikhdiisa maxay tahay?
Waxaa kale oo loo yaqaana Joseph Hakan Ayik, da'diisu waa 42 sano jir ay dhaleen qoys muhaajiriin Turki ah waxaana la sheegaa in uu ku soo barbaaray xaafad ku taalla Sydney.
Warbaahinta Australia ayaa ugu magac daray "Burcadka Facebook ", Mr Ayik ayaa warbaahinta ka soo muuqday tobban sano ka hor kadib markii uu baraha bulshada ku soo bandhigay noloshiisa isagoo lagu tuhunsana in uu kamid yahay tiro burcad ah iyo shabakado daroogada iibiyo
Waxaa uu ku noola dalka dibediisa kadib markii la xaqiijiyay in uu qeyb ka yahay howlgal daroogada Heroin lagu kala safriyo. Waxaa uu muddo kooban ku xirnaa Qubrus balse waa uu baxsaday kadib markii dhamaanad lagu soo sii daayay intaasi kadib waxaa uu kamid ahaa tuugada uga waaweyn ee ku jira liiska dowladda Australia.

Xigashada Sawirka, NSW Police
Muuqalo ay arkeen warbaahinta Australia xilligaas ayaa waxaa la arkay isagoo wato gaari qiimahisu ahaa $300,000, wuxuu kaloo sitay saacad dhayman ah iyo in uu dhageysanayay muusig.
Booliska ayaa sheegay in Mr Ayik uu weli sii watay howlgaladiisa burcadnimada ah iyadoo qaar kamid ah asxaabtiisa dhawaan la soo qabqabtay sanadihii ugu dambeyay.
Isbuucan warbaahinta Australia ayaa soo bandhigtay eedeymo sheegaya in uu qeyb ka ahaa urur falal dembiyeedyo geysto oo lagu magacaabo "Aussie Cartel" - kuwaas oo dalka Australia geeya daroogo qiimaheedu gaarayo $1.5bn oo doolar ,sanadkiiba.
Baaritan si wada jir ah ay u sameeyeen barnaamijka debagalka ee 60 Minutes Australia iyo the Sydney Morning Herald ayaa ugu deba tagey dalka Turkiga iyago sheegay in weli nolal raaxo badan uu ku nool yahay iyado hantidiisana uu maalgeshi balaaran oo dhismo guryo uu geliyay.
Waxay sheegan in uu magaca iska bedelay oo uu sito magaca Hakan Reis, isagoo iska dhiibay dhalashada dalka Australia, waxaa uuna guursaday haweeney kasoo jeeda dalka Dutch oo hadda u hayso labo carruur.
Siduu qayb uga noqday shabakadda?
Booliska ayaa Talaadadii la soo dhaafay fuliyay howlagal ballaaran taas oo lagu soo bandhigay dembilayaasha qaybta ka ah shabakadaha daroogada caalamka.
Waxaa qayb ka ahaa hay'adaha ammniga ee daafaha caalamka iyadoo kumanaan kun oo qofna laga soo qabqabtay dhamaan wadammada iska kaashaday howlagaladan iyo inay waadagan xogta.
Saraakisha Australia ayaa sheegay in Mr Ayik uu qayb ka ahaa howlgalkan, sababto ah waxaa la siiyay talefon adeeg gaar ah leh oo lagu magacaabo ANOM app, waxaa uuna la waadagay shabakadaha dembiyada gesyto kuwaas oo soo degsaday, ku dhawaad 12kun mobile ayaana soo degsaday.
Saraakisha ayaa sheegay inay aqrin jireen maclumaadka ay isu diri jireen dadka qorsheyanya dilalka, iyo sidii daroogada dalalka lagusoo gelin jiray.

Xigashada Sawirka, Australian Federal Police
Mr Ayik oo dembiyadan badankooda ku eedeysan ayaa weli gacanta lagu dhigin balse boolisku waxay shegean in dadka kale ee la qabtay ay ogaan doonan in isaga uu ka dambeyay soo qabashadooda.











