Dharbaaxada Macron: Laba arrimood ka ogow arrinta ku dhacday madaxwaynaha Faransiiska

Madaxweyne Emmanuel Macron xilli maanta uu booqasho ku joogay iskuul ku yaalla degmada ka hor inta aanan la dharbaaxin

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Emmanuel Macron xilli maanta uu booqasho ku joogay iskuul ku yaalla degmada ka hor inta aanan la dharbaaxin

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa wajiga laga dharbaaxay xilli uu booqasho ku joogay magaalo ku taalla koonfur bari ee dalkaas.

Muuqaal dhex wareegaya baraha bulshada waxaa laga dhex arkay madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme oo ka dibna dad meesha ku sugnaa salaamaya.

Ka dib nin ayaa wejiga ka dharbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta. Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay.

Labo nin ayaa dhacdadaas loo xiray ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan.

Markii dharbaaxada ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay "ha dhoco macron".

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Hoggaamiyaha Midigta-Fog, Jean-Luc Mélenchon, wuxuu Twitter-kiisa soo dhigay "inuu u damqaday madaxweynaha" isla markii ay dharbaaxada ku dhacday.

Lama ogo waxaa ahaa ninka iyo sababta ka dambeysay in uu dharbaaxo madaxweynaha balse warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in la xiray ninka iyo qof kale oo ay su'aalo weydinayaan ciidamada.

Yaa ilaaliya madaxweyne Macron?

Madaxweynaha Faransiiska waxaa ilaaliya ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga madaxweynaha oo lagu magacaabo GSPR.

Waxaa ciidamadan la aasaasay sannadkii 1983-dii. Waxay ka kooban yihiin 77 oo isugu jiro rag iyo haween.

Ciidamada gaarka ah ee ilaaliyo madaxweyne Macron

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada gaarka ah ee ilaaliyo madaxweyne Macron

Waxay qaabilsan yihiin amniga madaxweynaha gaar ahaan marka uu ku sugan yahay goobaha ay ka socdaan munaasabadaha.

Ciidamadan gaarka ah ayaa kormeer dhanka amniga ah ku soo sameeyaa deegaannada la filayo in uu booqdo madaxweynaha, sida uu ku warramay teleefishinka laga leeyahay Faransiiska ee BFM.

Markii madaxweynaha uu dhacdadan dharbaaxada ah la kulmayay, waxaa booqashadiisa ku wehlinayay 10 ka mid ah ciidamada gaarka ah ee GSPR.

Dareenka ka dhashay dhacdadan

Siyaasiyiinta Faransiiska ayaa si xooggan u cambaareeyay dhacdadan.

Ra'iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex oo baarlamaanka ka hadlayay ka dib dharbaaxada madaxweynaha ayaa sheegay in dimuqraadiyadda aysan inaba ogolaaneynin in wax qalaalase ah ama weerar ah la geystay.

Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog Jean-Luc Mélenchon ayaa bartiisa Twitter-ka soo geliyay qoraal ah in "aan taageero u muujino madaxweynaha" durbadiiba markii la dharbaaxay Macron.

Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga bidixda fog, Marine Le Pen, ayaa cambaareysay dhacdadan.

"Iyadoo muranka dhanka dimuqraadiyadda uu ahaan karo mid kulul, marna ma aqbalayo wax rabshado ah in la geysto," ayay tiri Le Pen.

Madaxweyne Emmanuel Macron oo booqasho ku jooga deegaano ku yaalla koonfur bari Faransiiska

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Emmanuel Macron oo booqasho ku jooga deegaano ku yaalla koonfur bari Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska ayaa hadda booqasho ku marayay iskuul lagu barto maareynta huteellada oo ku yaalla degmada Tain-l'Hermitage, sida ay saraakiisha sheegeen.

Booqashada madaxweynaha Faransiiska ee deegaankaas ayaa imaaneysaa xilli dib loo furayo baararka iyo maqaayadaha ka dib 7 bilood oo ay xirnaayeen, sidoo kale waxaa dib loo riixay xilliyada bandowga habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas.

"Berri, waxaa lagu dhawaaqi doonaa tallaabo hor leh, nolosha si caadi ah ayay ku soo laaban doontaa," ayuu yiri Macron xilli maanta uu booqanayay deegaanka lagu dharbaaxay.