Hubkii ugu horeeyay ee Niyuukleer ee Afrika lagu isticmaalay oo uu buuq ka taaganyahay

Faransiisku caagaggan dadka loo ekaysiiyey bay digeen goobtii lagu tijaabinayey ee u dhaw Reggane Diisember 1960

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Faransiisku caagaggan dadka loo ekaysiiyey bay digeen goobtii lagu tijaabinayey ee u dhaw Reggane Diisember 1960

Khilaafka weli ka taagan tijaabadii nukliyeerka ee Faransiisku ku sameeyey saxaraha dalkii uu hore u gumaysan jiray ee Algeria ayaa wali taagan oo saamayn taban ku leh xidhiidhka labada dal 60 sano iyo dheeraad ka dib.

Subaxnimadii 13 Feeberweri 1960, 45 daqiiqo uun ka dib markii ciidanka Faransiisku bamka nukliyeerka ah ku tijaabiyey saxaraha Algeria ayaa madaxweyne Charles de Gaulle fariin u diray wasiirkiisii milatariga.

"Guul Faransiis," ayaa ku qornaa.

"Saaka Faransiisku intii hore wuu ka xoog badan yahay kana qab weyn yahay. Qalbiga ayaan uga mahadnaqayaa adiga iyo kuwii suurto geliyey guushaa weyn"

Qaraxa bambkaa ay ka buuxday plutonium ka oo loo bixiyey Blue Jerboa iyo 16 qarax oo nukliyeer ah oo ka dambeeyey oo Algeria lagu tijaabiyey ayaa loo arkayey in lagu muujinayo awoodda iyo horumarka Faransiiska.

Waagaa Algeria waxay ahayd dal Faransiisku gumaysto.

Hase yeeshee waxay jawigu ahaa in 6500 oo iskugu jira injineero, askar iyo cilmi baadheyaal faransiis ah ayaa ka shaqaynayey mashruucaas oo waxa kaalinayey 3500 qof oo shaqaale muruq maal Algerian ah.

Bambka waxa la saaray birdheer oo loo taagay oo 100 mitir ah intaan la qarxinin.

Dadkii goobjoogga ahaa waagaasi waxay sheegeen in dhulku gariiray oo markii loo ogolaaday in ay eegaan meesha qaraxu ka dhacayna ay daruur wayn oo madoobi ku hagoognayd.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

kulaylka xad dhaafka ah ee gaadhay agagaarka goobta bamka lagu qarxiyey ayaa bataaxii gubay oo ka dhigay dhabaabo madow.

Blue Jerboa wuxu saddex goor ka awood badnaa bamkii Maraykanku ku riday Nagasaki, Japan sannadkii 1945 ee baabiiyey halkii uu ku qarxay iyo in u jirta 1.6 km oo dhan walba ah

Qaraxaas xooga weyn ee lagu qarxiyey koonfur galbeed Algeria waxa go'aan saxa ku tilmaamay General Charles Ailleret oo ahaa madaxii hawlgalkaas waxaanu yidhi "meesha oo aanay ka jirin wax muujinaya nololi" ayaa ahayd "sababta ugu weyn ee goobtaa loo doortay"

Laakiin meelo u jira tobanaan kiiloomitir ayaa dadka degan magaalada Reggane ay arintaa aragti ka duwan qabaan.

Abderrahmane Toum qoyskiisa ayaa degay goob ceelal ku yaallaan sannadii 1965 qaraxii ka dib. Laakiin markii dambe noloshiisa waxa taabtay dhibaatadii gaadhay dadkii deegaanka waxaanu sannadkii 2010 aasaasay urur u dagaalama xuquuqada dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay shucaacii nukliyeerka.

"1960 markii bamka la qarxiyey waxa deegaanka deganaa in ka badan 6000 oo qof. Reggane cidlo kumay ool" ayuu yidhi nin 57 jir ah oo BBC-da la hadlay

"Dad badan oo ka mid ah kuwii ku waxyeeloobay ayaa dhintay oo daawo la'aan u dhintay. Waxa loo sheegay in ay qabaan cudur naadir ah oo aan la garanayn wuxuu yahay cudurkaasi" ayuu yidhi Toumi.

Isla markii la qarxiyey Blue Jerboa waxa dhacay mudaharaado gobolka oo dhan maadaama oo qaraxa laga dareemay meelo fog fog sida Senegal, Ivory Coast, Burkina Faso iyo Sudan.

Sidoo kale waxa mudaharaado ka dhaceen Leipzing oo waagaa ahayd Jarmalka Bari oo ay dhigeen arday reer Mali ah oo dhaleeceeyey tijaabadaa ka dhacday meel dhulkooda u jirta dhawr boqol oo kiiloomitir.

Charles de Gaulle oo u hambalyeynaya Gen Charles Aillere tijaabadii koobaad ka dib

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Charles de Gaulle oo u hambalyeynaya Gen Charles Aillere tijaabadii koobaad ka dib

Ka dib markii Faransiisku saxeexay heshiiska joojinta tijaabooyinka nukliyeerka, ayaa sannadii 1998 warbixin ka soo baxday aqalka sare ee baarlamanka Faransiiska lagu sheegay in "qaraxyadii Faransiisku tijaabiyey noqdeen wax ay si isa soo taraysa u dhaliilayeen wadamada la deriska ah saxaraha."

"May fahmsanayn sababta aynu u sii wadi karaynay farsamadaa deegaanka dikhaynaysa iyada oo taxadir kasta la qaaday" ayaa warbixinta lagu sheegay iyada oo aan la faahfaahinin taxaddirkaasi wuxuu ahaa.

Afar goor oo dhulka dushiisa ah markii ay nukliyerka ku tijaabiyeen gobolka Reggane, ayaa Faransiisku sannadkii 1961 go'aansaday inuu dhulka hoostiinana ku tijaabiyo meesha la yidhaa Ekker oo 700 km u jirta buuralayda bilicda san ee Hoggar.

Laakiin xataa tijaabadii dhulka hoostiisa ahayd waxay keentay in deegaanku dikhoobo.

Map
1px transparent line

Markii la qarxinayey bamkii loo bixiyey Beryl, tusaale ahaan, shucaacii ka soo baxay wuxuu u soo baxay hawada sare sababtuna waxay ahayd in aan godkii dhulka hoostiisa looga qoday si fiican loo dedin.

Qaraxu markuu gariiriyey buurayleydii ayaa ilaaladii saraakiishii u sheegeen in ay degdeg uga tagaan goobta maadaam oo buuruhu dildilaaceen oo qiiqii nukliyeerku hawada soo galeyey.

Sagaal askari ayaa si xun ugu sumoobay tijaabadaa, waxaana sidoo kale ku dhintay saraakiil dawladeed oo lagu soo marti qaaday in ay tijaabadaa goob joog ka haadaan.

Tobaneeyo tijaabo oo kale oo dhulka hoostiisa lagu sameeyey meel u dhaw Ekker, ayaa milatariga Faransiisku wuxuu tijaabooyinkii u wareejiyey French Polynesia ee ku taal badweynta Pacific.

Weli tijaabooyinkaa nukliyeerka ee Faransiisku waxay carqalad ku yihiin xidhiidhka Faransiiska iyo Algeria.

Sannadii hore ayaa Faransiisku soo celiyey lafaha 24 Algerian ah oo ku dhintay dagaalkii Faransiiska oo yaalay matxaf Paris ku yaal.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sannadii hore ayaa Faransiisku soo celiyey lafaha 24 Algerian ah oo ku dhintay dagaalkii Faransiiska oo yaalay matxaf Paris ku yaal.

Sannadkii 2010 ayaa baarlamanka Faransiisku meel mariyey sharci mabda' ahaan ogolaanaya in mag dhaw la siiyo dadkii ku wax yeeloobay shucaacii Algeria.

Hase yeeshee sharcigaasi wuxu dhigayaa in dadka magdhawga doonayaa ay noqdaan dadkii deganaa gobolkaa markii tijaabada la samaynayey waxaanu waxyeelo u aqoonsanayaa xanuuno gaar ah oo keliya.

Sidaa awgeed dad badan ayaan xaq u helayn mag dhaw.

Gudida bixinta magdhawga dadkii ku wax yeeloobay tijaabooyinkii nukliyeerka waxa lagu aasaasay sharcigaa, waxaanay sheegtay in mid keliya oo ka mid ah 545 dacwadood oo loo soo gudbiyey oo ka timid Algeria lacag magdhaw ah laga bixiyey, inta kale oo dhan se waxa laga soo gudbiyey French Polynesia

line

Waagii Faransiiska ee Algeria- Taariikho mudan

1830: Faransiiska ayaa qabsaday Algiers

1848: Kacdoonkii uu hogaaminayey hogaamiyihii falaagada ahaa Abd-el-Kader, waxay Paris ku dhawaaqday in Algeria ka mid tahay dalka Faransiiska.

1945: Kumanaan qof oo xorriyad doon ah ayaa lagu dilay mudaharaado ka dhacay Sétif

1954-62: Dagaalkii gobanimo doonka Algeria

1962: Algeria ayaa dal madax banaan noqotay

1960-66: Waxa la ogolaaday xorriyadii ka dib in tijaabooyinka nukliyeerku sii socdaan

Horaantii Feeberweri ayaa Janaraalka reer Algeria ee Bouzid Boufriou wuxuu dhaliilo culus ujeediyey jeneraalada dhigiisa ah ee Faransiiska oo uu u marayiyey wargeyska El Djeich.

"Faransiisku waa inuu aqbalaa masuuliyadiisa taariikheed" ayuu yidhi waxaanu soo xigtay heshiiskii 2017 ee lagu mamnuucayey hubka nukliyeerka ah oo aan wadamada nukliyeerka haysta midkood na saxeexin.

"Waa markii ugu horraysay ee beesha caalamku ay dalalka leh hubka nukliyeerka ka dalbato iyo in khaladaadkoodii hore saxaan".

Toumi iyo dhibanayaasha uu u hadlo maalin walba ayaa qaba in sida khaladaadkii hore loo saxayaa tahay in laga bilaabo in sunta laga sifeeyo goobihii sumoobay oo dhan.