UK oo cunaqabatayn ku soo rogtay siyaasiin dalalkooda musuqmaasuq ka geystaty

Indian businessmen, Ajay Gupta and younger brother Atul Gupta at a one on one interview with Business Day in Johannesburg, South Africa on 2 March 2011

Xigashada Sawirka, Gallo Images

Qoraalka sawirka, Ajay iyo Atul Gupta hayaa ka mid ah xerta la cunaqabateeyey

Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuqmaasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shakhsiyaadkan ku kala baahsan Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay dalka inuu yahay "dheri malab ah" "jilayaasha musuqmaasuqa".

Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka "ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa" mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka & Horumarinta.

Cunaqabateyn ayaa lagu soo rogay dadka ka yimid lix dal, oo ay ka mid yihiin:

  • 14 Ruush ah oo ku lug lahaa khiyaan weyn oo cashuureed oo uu kashifay qareenka, Sergei Magnitsky, oo markii dambe ku dhintay xabsiga
  • Saddex ganacsade - oo walaalo ah Ajay, Atul iyo Rajesh Gupta - oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ba'an oo ka dhacay Koonfur Afrika
  • Ganacsadaha reer Suudaan Ashraf Seed Axmed Xuseen Cali - oo loogu magac daray Al Cardinal - oo lagu eedeeyay lunsashada hantida qaranka ee Koonfurta Suudaan
  • Iyo seddex shaqsi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ba'an oo ka dhacay Honduras, Nicaragua iyo Guatemala

Tani waa markii ugu horreysay ee Boqortooyada Midowday ay xayiraad ku soo rogto musuqmaasuq caalamiga ah.

The snow clad grave of Russian lawyer Sergei Magnitsky with his portrait on the tomb in Moscow in 2012

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qareenkan Ruushka ah ayaa ku dhintay xabsiga.

Isaga oo kaga dhawaaqaya cunaqabateyntaas aqalka hoose, Mr Raab wuxuu yidhi: "Musuqmaasuq wuxuu saameyn ba'an ku yeelanayaa qaanuunka, ku kalsoonaanta hay'adaha, wuxuu gaabinayaa horumarka, wuxuu faaruqiyaa hantida umadaha saboolka ah, wuxuu dadkooda ku hayaa faqriga. Waxay sumaysaa ceelka dimuqraadiyada adduunka oo dhan."

Wuxuu intaas ku daray: "Xaalkayagu waa xarun dhaqaale oo caalami ah waxay naga dhigeysaa goob soo jiidasho leh oo maalgashi ... laakiin waxay kaloo naga dhigeysaa malab dheri, oo u hillaacaya jilayaasha musuqmaasuqa ee doonaya inay lacagtooda wasakhda ah ku dhex maraan bangiyada Ingiriiska ama ganacsiga Ingiriiska. . "

Mr Raab wuxuu sheegay in nidaamka cunaqabateynta cusub, oo qeyb ahaan lala socdo tallaabooyinka Mareykanka, uu siin doono "aalad awood leh oo dheeri ah oo lagula xisaabtamo musuqmaasuqa"..

Xisbiga Shaqaalaha ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista, laakiin waxay sheegeen in sharci fulintu ay u baahan tahay ilaha dhaqaalaha si ay u taageeraan baadhitaanada, iyagoo ku sifeynaya heerka ugu hooseeya ee dacwad oogista dambiyada dhaqaale mid aad u hooseeya oo aan awood abdan lahay.