Turjaammannada loo diidey dhalashada UK oo dhimasho ka baqaya

Ciidamada UK iyo Maraykanka ayaa isaga baxaya Afghanistan, sanadkan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada UK iyo Maraykanka ayaa isaga baxaya Afghanistan, sanadkan

AJ wuxuu ka baqay inuu ka baxo gurigiisa oo ku yaal Kabul muddo bilo gaadhaysa - wuxuu ka baqayaa in ururka Taalibaan ay rabaan in isaga iyo qoyskiisa la dilo.

Haatan wuxuu ku jiraa 30-jirkiisii, wuxuu ka mid yahay boqolaal reer Afgaanistaan ​​ah oo la shaqeeya ciidamadii Ingiriiska turjumaan ahaan iyo shaqaale taageeraba, oo laga yaabo inay hada bartilmaameedsadaan mintidiinta.

Waxay ka baqayaan in halistu ay sii kororto marka ciidamada shisheeye ay ka baxaan sanadkan.

Laakiin AJ (oo aan magiciisa sheegi karin cabsi uu ka qabo in lagu soo weeraro) ayaa si isdaba joog ah loogu diiday dib u dejin iyadoo la raacayo qorshooyinka dowlada UK si looga caawiyo turjubaano sida isaga iyo qoysaskooda inay dib u dejin loogu sameeyo waddanka UK.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa sheegaya in shaqada looga joojiyay isaga oo sigaar ku cabaya hoygiisa. Turjumaannada shaqada laga cayriyay xaq uma laha dib udejin.

AJ wuxuu sheegayaa in aan loo sheegin in shaqada laga joojinayo markii uu joojiyay la shaqeynta ciidanka, waana wax aad loola yaabo sababaha loo xanibay u guuritaankiisa UK ayuu ku qeexay.

Ma noqon karto mid sidaas u culus oo noloshayda galaafata, ayuu yidhi. "Waan ogahay inaan kujiro qatar dhab ah. Xitaa ma qaban karo shaqo. Ma aadi karo meelaha caamka ah." ayuu yidhi

'Saamaynta shaqo ka eryidda'

Qaar ka mid ah 1,010 turjumaanno ah - saddexdiiba mid ayaa - uu shaqada ka eryey Ingiriiska intii u dhaxeysay 2001 iyo 2014 sababo la xiriira edbin "iyaga oo aan xaq u lahayn in ay rafcaan ka qaataan, sida ay muujinayaan tirakoobyada dowladda.

Askari Ingiriis ah oo la kulmaya shacab reer Afghanistaan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 2,850 turjumaano ayaa la shaqeeyay Ingiriiska

Laakiin gaashaanle sare Simon Diggins oo hawlgab ahaa, horena u ahaa ku-xigeenka Ingiriiska ee Kabul haddana u ololeeya turjumaannada Afqaanistaan, wuxuu leeyahay in badan oo ka mid ah kuwa shaqada laga joojiyey waxay ahaayeen sababo aan sidaa u sii buurneyn.

"In kasta oo qaar ka mid ah kuwa shaqada laga eryay ay sameeyeen waxyaabo ceeb ah, waxaa jiray dad aad u tiro badan oo shaqada looga eryay arrimo aad u yar ama arrimo maamul," ayuu u sheegay BBC-da.

"Waxaa jira tuhun ah in xil ka qaadista loo adeegsaday hab aan waafqsanayn sharciga.. Waxaa jira cadeyn aad u yar oo ku saabsan sababta dadka shaqada looga eryay. Waxa aan codsaneyno ayaa ah in kiisaskooda dhamaantood dib loo eego." ayuu yiri.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay si adag u diidayso fikradda ah in shaqo ka joojinta loo isticmaalay hab "maamul ahaan".

'TWay garanayaa qofka aan ahay'

Cabsida AJ ayaa sii kordheysay kadib markii todobaadkii hore lagu dhawaaqay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingriiska ay ka baxayaan Afghanistan 11ka Sebtember, waqtigaas oo Daalibaan ay ku sii xoogeysanayaan awooda wadanka oo dhan.

AJ waxaa qortey Ingriiska markuu yaraa. Isaga oo u turjumaya fariimaha cadowga ee ciidamada baarashuudka iyo Royal Marines-ka, wuxuu ka qeyb qaatay howgallo guud ahaan Gobolka Helmand ee koonfurta Afghanistan, halkaas oo ay Taalibaanku haystay. Sarkaal amar bixinaayay ayaa ku amaanay "howlkarnimadiisa iyo dadaalkiisa" shahaado adeeg.

AJ waxa uu heley farriimo hanjabaad ah
Qoraalka sawirka, AJ waxa uu heley farriimo hanjabaad ah

Magaalada koonfurta ku taal ee Sangin, AJ wuxuu sheegay in lagu qasbay inuu u cararo asaga oo aan wadan hantidiisa gaarka ah - oo ay ku jiraan kaarkiisa aqoonsiga. Wuxuu rumeysan yahay in Taalibaan ay ogaadeen in uu Ingiriiska la shaqeeyo.

Tan iyo markii uu joojiyay la shaqeynta ciidanka, AJ wuxuu sheegay in qoyskiisa - oo ka kooban xaas iyo saddex carruur ah -ay heleen seddex warqadood oo ay ku jiraan hanjabaado dil ah oo kaga timid Taliban.

Waan ogahay inay garanayaan qofka aan ahay, ayuu yidhi. "Waana waxa xanuun igu keenaysa."

Lixdii sano ee la soo dhaafay AJ waxa uu codsaday qorshaha dib u dejinta dhowr jeer, laakiin waa loo diiday munaasabad kasta.

Codsi ka dib bishii Diseembar, wuxuu email ka helay mas'uuliyiinta gacanta ku haya qorshaha dib-u-dejinta - oo ay aragtay BBC - una sheegay inuusan "u qalmin dib-u-dejin" maxaa yeelay waxaa shaqada looga eryay "haysashada waxyaabo mamnuuc ah" iyo "sigaar ku cabbista meel hoy ah ".

Axmed waxa uu sheegay in shaqada looga eryay in uu soo daahay, loona diiday dib u dajin
Qoraalka sawirka, Axmed waxa uu sheegay in shaqada looga eryay in uu soo daahay, loona diiday dib u dajin

Tan iyo markii ay lagu dhawaaqday qorshe dib u dejin 2013, Wasaaradda Difaaca waxay kordhisay tirada kuwa xaqa u leh - laakiin illaa iyo wali kuma jiraan tarjumaano shaqada laga eryay "duruufo aan caadi ahayn mooyee".

"Qofna naftiisa yaanu khatar la gelin maxaa yeelay waxay ka taageereen Dowlada UK inay keento nabad iyo xasilooni. Waxaan nahay qaranka kaliya ee leh koox khubaro joogto ah oo fadhigeedu yahay Kabul si ay u baaraan sheegashooyinka shaqaale geesiyaal ah oo geesinimo leh oo loogu hanjabay shaqadooda Ingiriiska. "

Idriis oo turjumaan ahaa ayaa dib u dajin ka heley UK

Xigashada Sawirka, Eddie Idrees

Qoraalka sawirka, Idriis oo turjumaan ahaa ayaa dib u dajin ka heley UK

Ilaa hada, ilaa 1,358 turjubaan ayaa awood u yeeshay inay u guuraan Boqortooyada Midowday (UK), marka loo eego wadar ahaan 2,850 turjubaan iyo shaqaale kale oo ay shaqaaleeyeen millatariga UK.

Midkood waa Idriis (ma ahan magaciisa saxda ah), turjubaan hore oo SAS ah oo ka qeyb qaatay boqolaal howlgalo oo ka mid yahay jebintii xabsiga Taalibaan - khibraddiisii halkaas waxa uu ka qoray buug. 18 saaxiibadiis ah oo la shaqeynayay ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaa ka badbaaday keligii iyo saaxiibkiis kale oo hadda ku sugan UK.