9 sannadood ayay xiriir jacayl wadeen balse maalintii aqal galkooda ayaa gurigoodii daad qaaday

Xigashada Sawirka, Reuters
Lammaane da 'yar oo ku nool gobolka New South Wales ee Australia ayaa maalintii arooskooda ku beegnayd waxaa gurigooda qaaday daadad xoog leh.
Deriska oo aad uga naxay ayaa duubay muuqaal muujinaya sariirtooda jiifka oo dul sabeynaysa biyaha daadka ka dib markii webiga uu karkaaraha jabsaday.
Kumanaan qof oo kale oo ku nool xaafadaha hoose ee Sydney ayaa loo sheegay in laga yaabo inay guryahooda ka qaxaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Saraakiisha ayaa ka digay in daadad xoogbadan oo nolosha bin'iaadamka khatar gelinaya ay sii socon karaan ilaa khamiista.
Barasaabka gobolka New South Wales Gladys Berejiklian ayaa ka digtay in gobolkaasi u wajahayo fatahaadii ugu ba,naa ee soo mara muddo 10 sano ah.
Maxaa ku dhacay guriga lammaanaha?
Sarah Soars iyo Joshua Edge ayaa waxay kireysteen, guri yaalla waqooyiga Sydney, waxayna ahayd inay aqal galaan maanta oo Sabti ah hase yeeshee nasiib darro, waxaa karkaarrada soo jabsaday wabiga oo ku yaallay meel aan sidaa uga fogeyn gurigooda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Lammaanaha oo muddo sagaal sannadood ah wada socday ayaa markii ay musibadu dhacaysay ku sugnaa guri ay qaraabadooda leyihiin.
Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in gabi ahaanba guriga ay biyaha xaaqeen, waxay sheegeen in qiyaas ahaan guriga iyo webiga ay
Boqolaal qof ayaa isugu soo uruuray xarumaha samatabixinta ee deg-degga ah.

Xigashada Sawirka, Sophie Love/@TheNakedFarmers
Saraakiisha gargaarka deg-degga ah ayaa sidoo kale sheegay in tiro iskuulla ah oo ay saameyn ku yeesheen daadadka Isniinta la xiri doono. Dadka deegaanka ayaa waxa loo sheegay inay guryahooda ka shaqeeyaan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Roob ay xaddiga biyihiisu yihiin 100mm ayaa la saadaaliyay inuu ka da'ayo Sydney, iyadoo sidoo kalena roob xaddiga biyihiisu ay yihiin 300mm la sheegay inuu ku hoorayo Buuralleyda Buluugga ah, oo dhacda galbeedka magaalada.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Qaar ka mid ah caruurta ayaa iyaga ka faa'iideystay roobabka oo waxay ciyaarta dhiiqada ka bilaabeen Newcastle.

Xigashada Sawirka, EPA

Dabeylo kale ayaa la filayaa maalmaha soo socda, iyadoo qeybo ka tirsan bariga Australia ay toddobaad gudihiis ku heli doonaan roobab xooggan.
Biyo-xireenka Warragamba ee Sydney, ee ah isha biyaha ugu weyn magaalada, ayaa qararka jabsaday makrii ugu horreysay sanadkii 2016, waxaa haatanna laga digayaa inuu mar kale jabsado.
Booliiska ayaa sheegay in boqollaal qof ay ku carareen xarumaha samatabixinta ee ku yaalla woqooyiga magaalada Sydney.











