Australia: Daadad baaxad leh oo laga digay

Xigashada Sawirka, Reuters
Waaxaha gargaarka degdegga ah ee Australia ayaa ka digaya daadad halis ah xilli roobab xooggan ay ka da'ayaan xeebta bari ee dalkaas.
Dhowr qof ayaa laga soo badbaadiyay biyaha roobka, iyadoo dadka deegaanka ee deggan dhulalka hooseeya ee New South Wales ayaa lagu amray inay isaga baxaan guryhaooda.
Booliiska ayaa sheegay in boqollaal qof ay ku carareen xarumaha samatabixinta ee ku yaalla woqooyiga magaalada Sydney.
Waddooyinka waaweyn ayaa la xiray. Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya guri ay biyuhu daadka raaciyeen.
Biyo-xireenka Warragamba ee Sydney, ee ah isha biyaha ugu weyn magaalada, ayaa qararka jabsaday makrii ugu horreysay sanadkii 2016, waxaa haatanna laga digayaa inuu mar kale jabsado.
Roob ay xaddiga biyihiisu yihiin 100mm ayaa la saadaaliyay inuu ka da'ayo Sydney, iyadoo sidoo kalena roob xaddiga biyihiisu ay yihiin 300mm la sheegay inuu ku hoorayo Buuralleyda Buluugga ah, oo dhacda galbeedka magaalada.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Ian Wright oo ah khabiir biyaha ah ayaa sheegay in dad badan ay ku nool yihiin meel u dhow biyo-xireenka Warragamba, marka loo eego marka ay dhacayeen fatahaadihii hore.
Dadka ku nool Sydney ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirro ay ka qaadeen biyo fadhiya waddooyinka u dhow guryahooda.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Agata Imielska oo ka tirsan waaxda saadaasha hawada ayaa ka digay roobka iyo dabeylaha halista wata, isaga oo dadka uga digay inay ka warqabaan xaaladaha khatarta ah ee sida degdegga ah isku beddeli kara.

Xigashada Sawirka, AFP
Dabeylo kale ayaa la filayaa maalmaha soo socda, iyadoo qeybo ka tirsan bariga Australia ay toddobaad gudihiis ku heli doonaan roobab xooggan.










